16/02/2023
Sheekh Mustafe Ismaaciil Haaruun waa Sheekh Soomaaliyeed.
Maalintaan caqliyay ilaa maalintaa maanta ah ayaa dhagaysanayay muxaadarooyinka iyo hadal jeedinta Sheekh mustafe, wali ma arag hadal siyaasadaysan ama hadal la odhankaro sheekhu ujeedo gaar ah ayuu ka leeyahay.
Sheekh Mustafe Ismaaciil Haarunn wuxuu ka midyahay culimada dhif iyo naadirka ka ah ee ilaahay ka badbaadiyay fitnada iyo aafada ku habsatay culimada Soomaliyeed, sida mixnada, qabyaalada, xagjirnimada, khuraafaadka, kooxaysiga, danaysiga, isla waynida, cujbiga .... iwm. Sheekhu ilaahay raali ha ka ahaadee waa sheekh 100% nasteex u ah muslimiinta dhamaan.!
Sheekh Mustafe waa mufakir aragti dheer oo hamigiisu yahay horumarka iyo midnimada diina iyo dadka islaamka ah, gaar ahaan Somalida.!
Shaqsiga Soomaaliga ah ee maanta mad_madaw kaga jiro Sheekh Mustafe waa laba mid uun inuu yahay. Marka koobaad, inuu yahay shaqsi aan wax badan kala socon afkaaraha iyo aragtida sheekhu hadh iyo habeenba ka jeediyo fagaarayaash, ama waa inuu yahay shasi buka oo qalbiga ka jiran. Waxaan yaabi jiray markaan kitaabka ku arko Nabi Nuux(cs) 950 sano ayuu dhawaaqayay oo dadka xaqa usheegayay laakiin dad kooban baa raacay.! Waxaa taas la mid ah dadka maanta Sheekh Mustafe duraya ee leh muu ka hadlo dagaalka Laascaanod_ waa dad aan dhago lahayn oo qalbiga ka buka runtii.!
Aniga aragtidayda Sheekh Mustafe dagaalka Laascaanod ugama duwana dagaalka sokeeye ee 30 sano ka socda gayiga Somaliyeed, taas oo sheekhu habeen iyo maalinba ka hadlayay mudo aad udheer.! Waa laga yaaba dadka cadiifadaysan inay arinta Laacaanood uyeelato dareen gaar ah, laakiin sh. Mustafe iyo dadka aragtida dheer ee lamid ka ah, waxay arintani ula midtahay dhacdooyinka maalin laha ah ee ay habeen iyo maalinba inooga digaan mudo 30 sano ah. Sheekhu intaan ogahay wuxuu rumaysanyahay midnimada umada Somaliyeed iyo midnimada dadka muslimka ah ee dagan mandiqadan geeska.! Waa nin hamigiisu aad u fogyahay.!
Aniga aragtidayda in Sheekha lagu cadaadiyo inuu si gaar ah uga hadlo Laascaanood ayaa ah shirqool la rabo in sheekha lagu fadeexadeeyo.
Ilaahay ha ilaaliyo sheekha, eeba raali ha ka ahaado Sheekh Mustafe Ismaaciil Haruun. Waxaan marag ka ahay inuu gutay waajibkiisii diiniga ahaa.!