Daakir Qumaneh

Daakir Qumaneh "Waxay beerta raaxadu buur uga dambaysaa rag inuu kukala boxo"

Sawirka kore wuxuu si waadax ah u muujinayaa in sida qofku wax u arko ama u fasirto ay tahay tan qaabeysa ama abuuraysa ...
23/08/2026

Sawirka kore wuxuu si waadax ah u muujinayaa in sida qofku wax u arko ama u fasirto ay tahay tan qaabeysa ama abuuraysa xaqiiqda uu la noolyahay. Labada qof ee ku sugan xaaladdaas waxay wada wajahayaan hal shay oo ah shinni, balse mid kasta maskaxdiisa ayay ka soo baxaysaa macnaha uu arrintaas siinayo. Qofka bidix ku jira wuxuu shinnida u arkaa mid macaan, isagoo maskaxdiisa ku haysta dhalo malab ah iyo quluub jacayl ah, halka qofka midigta ku jira uu aragtidiisa ka dhigo mid halis ah oo leh dhimasho.
Arrintaan waxay iftiiminaysaa in caqabadaha iyo dhacdooyinka nolosha ay yihiin kuwo inta badan ku xiran muraayadda aad wax kaga eegto. Labada qof midkoodna k**a badbaadsana dabeecadda dhabta ah ee shinnida, hase yeeshee mid wuxuu doortay inuu xoogga saaro dhinaca wanaagsan ee waxtarka leh, kan kalena wuxuu ku wareegay cabsi iyo fikrado taban. Sidaas darteed, guusha iyo deganaanshaha maskaxdu waxay ka bilowdaan beddelka aragtidaada gudaha, waayo dunida aad dhex joogto waa mid inta badan ka tarjumeysa sida ay maskaxdaadu u qaabilayso waxyaabaha ku xeeran.

Ma ogtahay bani aadamka oo dhan haddii ay isku tagaan culimada sayniska iyo tecknologyad weliba, Ma sameyn karaan HAL DH...
06/08/2026

Ma ogtahay bani aadamka oo dhan haddii ay isku tagaan culimada sayniska iyo tecknologyad weliba, Ma sameyn karaan HAL DHIBIC BIYO oo la cabi karo, Kuligoodii si free ah ayey biyo u isticmaalayaan waa nimcada Alle. Haddii la dhaho ''Haddaba, Ku shukriya Alle nimacada uu idin siiyey darteed'', Waxaa ay ku dhihi karaan ''Maxaa shukri ah, Wax kasto waa qaali hal caag biyo ah waxaa uu gaaray 1 dolar, Busaarad daran ayaa jirto'' IWM

Iyaga iyo kan biyaha qaaliga kasoo dhigay, Iyo midka ceel inta uu furtay saacad kusoo xirtay ee dadka ka iibinaayo, si isku wada mid ah ayaa loogu arzaaqay balse silsilada isku imtixaanka ee dhexdoodii ah ayey ku jahwareersan yihiin oo maba arkaan sawirka guud, Bbadankoodii way ku lumayaan qaarna ay ku baasaan.

Sidani oo kale bani aadamka oo dhan haddii ay isku tagaan ''Hal xabo dhibic bariis ah ma sameysan karaan, Laakiin waxaa ay 10 book ka qori karaan maadooyinka uu ka sameysan yahay'', Kan sharaxaya nafaqada ku jirto bariiska iyo kan ku taqasusay culuumta beeraha iyo cilmida kuligood gaajo ayey u dhimanayaan oo ma sameysan karaan JAB BARIIS AH xitaa haddii ay gaajoodaan, Haddane k**a ay warqabaan SI BILAASH AH IN LOO ARZAAQO.

Qofka shacabka ahna waxaa uu dood ka qabaa isaga oo aanan arkeyn ''Shaqsiyaad maamula dhaqaalaha dunida siyaasadoodii dulmiga ku dhisan darteedii qaladaadkii sicirbararka ee ka dhashay darteedii, Ayuu nolasha dhan ka arkaa intaas ayuu la murugeysan yahay, Maadama ay dheheen ''Waraaqado ku ganacsada taas oo ANNAGA bes aan daawacno qiimaheedii annag oo keliya aan jaangoyno''. Qofka shacabka waxaa uu gaaray xitaa uusan arki karin intaaan, Ka hor sawirka guud ee wax weliba. Isaga oo dhan WARQADAAS bes yey maskaxdiisa ku kooban tahay, Yaa muumula isma waydiyo.

Mar weliba sawirka guud waxaa uu dadka siiyaa farxad, Sawirka yar waxaa ay dadka ka qaadaan quus wayn.

03/08/2026

Address

Addis Ababa
2816

Telephone

+251915643793

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Daakir Qumaneh posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Daakir Qumaneh:

Shortcuts

Share

Category