
15/07/2025
Noloshu Waa Badweyn, Doonta Badbaadaduna Waa Riyada: La Noolow Riyadaada
Shalay waxa aan la kulmay wiil dhallinyaro ah oo muddalab (Waiter) ka ah hoteel laga cunteeyo. Aniga oo goobta faraxalka jooga iyo isaga oo shaqada ka sii rawaxayey sida aan ka dareemay oo sii dhaqanaya maryahiisa ayaan ku bogaadiyey in uu sii diyaarsanayo agabkiisa.
Waxa ii sheegay saddex arrimood oo noloshiisa ku saabsan:
1. In uu labada gelinba shaqeeyo si uu u helo $500 bishii, gelinkiiba $250.
2. In kharash ahaan bisha dhan $50 oo uu xaafadooda u diro, iyo $50 isaga ku baxa uu galo.
3. In uu hagbad $400 ah ku jiro oo inta kale oo dhan dhigto ama keysado.
4. Muddo 5 sanno ah in uu waddi doonno qorshaha ayuu ii xaqiijiyey.
5. In sannadka 2030 uu hadafkiisu yahay in uu haysato lacag ka badan labaatan kun oo dollar ($20,000)
6. In uu lacagtaa qorshe ahaan ku samaysan doonno riyo noloshiisa beddesha ayaa yool u ah.
Waxa aan ka bartay in noloshu Badweyn tahay, doonta badbaadaduna tahay riyada uu qofku leeyahay, haddii aanad yool lahayna in aad ku qorqoomi doonto badweynta nolosha.
Maxaa laga baran karaa wiilkan la nool riyadiisa?
W/Q: Abdisalan Gabobe