29/12/2025
"Aragtida Wadajir Waa Hindise Qaran oo sinaanta iyo cadaalada kusalaysan lana doonayo in Wadanka lagu hogaamiyo"-Mudane Maxamed Aaden Ibraahim.
********************
Wasiir kuxigeenka Xafiiska Warfaafinta DDS Mudane Maxamed Aaden Ibraahim oo waraysi gaar ah siiyay laanta Afka soomaaliga ee warbaahinta qaranka (Etv Afsoomaali) ayaa sheegay in Aragtida wadajirka oo uu Raysalwasaare Dr.Abiyi Axmed Hindiseeda leeyahay, nuxurka ugu muhiimsan ee ku jira uu yahay in Itoobiya noqoto dal wadajir ah, isku si u barwaaqooba,lawada leeyahay oo sinaan kajirto islamarkaana aan kala qoqob-nayn,isjecayl, walaalnimo iyo dad barwaaqo hiigsada kuwada noolyihiin kana Wada shaqeeyaan Sidii barwaaqo loo dhan yahay dalka loo gaadhsiin lahaa.
Masuulka ayaa intaasi ku daray, in hogaaminta maanta Itoobiya majaraha u haysa, ay ku taamayso in Itoobiya hogaamiso dhaqaalaha Afrika, islamarkaasina aduunka meel munaasab ah ka gasho, lana ilaaliyo sharafta iyo qaranimada shucuubta dalka Itoobiya, iyadoo la ilaalinayo amniga iyo madax-banaanida Wadanka.
Sidoo kale Mar wax laga waydiiyay Mudane Maxamed Ibraahim, waxa ay fikradani ku soo kordhinayso bulshada DDS ku dhaqan, ayuu ku jawaabay: "Sidaad la socotaan deegaano dhawr ah oo ay soomaalidu ku jirtay bah-wadaag ayaa loogu yeedhi jiray 27 kii sano ee ay EPRDF talada dalka haysay, miiska wax lagu go'aamiyana way ka maq-naayeen, talada wadanka waxba kuma lahayn, wixii loo soo go'aamiyo ayaa lagu maamulayay, Hase ahaate, Aragtiga wadajirka/Madhamar
ee hindisaheeda leeyahay Raysal Wasaare Abiy Axmad, waxaa laga faa'iiday in soomaalidu noq-daan xubnaha ugu firfircoon ee Xisbiga Barwaaqo, oo ay aragtida madhamar ka soo dhex-baxday, taasi oo sahashay in Itoobiyadii labada dabaqadood ahayd, ay ummaduhu u sinaaddaan, oo ay xisbiga ku midoobaan, taladiisana wada yeeshaan.
Masuulka oo hadalkiisa sii wata, ayaa hoosta ka xariiqay, in soomaalidu fadhiyaan miisaska talada wadanka laga go'aamiyo, islamarkaasina boosas muhiim ah ka hayaan, xisbiga iyo xukuumadaba, taasi oo ay sahashay, aragtida xisbiga barwaaqo ee aaminsan in la wada tashado waxna la wada yeesho; arrintanna horay ugama dhicin Wadankan Itoobiya.