JigJiga Voice

JigJiga Voice soo gudbinaa wixii u aragno in ay muhiim u tahay in laga hadlo

Waxaa baraha bulshada gilgilay muuqaalka wiilka dhalinyarada ah ee caanka ku ah magaca "Wasiirka DDS", isagoo si dareen ...
06/13/2026

Waxaa baraha bulshada gilgilay muuqaalka wiilka dhalinyarada ah ee caanka ku ah magaca "Wasiirka DDS", isagoo si dareen leh ugu ooyaya LIVE TikTok. Sida aan xogta ku helnay, sirdoonka DDS ayaa u sheegay in magaalada gudaheeda aan lagu duubi karin wax video ah, gaar ahaan in dhalinyaro kala ajaanib ah (wiil iyo gabadh) aysan wax muuqaal ah wada duubi karin, iyagoo ku sababeeyay "Dhaqan-xumo".
Laakiin aynu runta isku sheegno: Ma dhaqan-xumo baa mise waa cudur-daar dhalinyarada lagu dhibaataynayo?
Maxay dhalinyaradu galabsadeen? Halkii ay dhalinyaradu badaha isku tuuri lahaayeen (Tahriibi lahaayeen) ama ay falal danbiyeed ku dhici lahaayeen, waxay doorteen inay waqtigooda ku bixiyaan baraha bulshada, dadkana ku maaweeliyaan, isla markaana ay lacag (Income) sharci ah ka samaystaan. Ma dambi baa in si nabad ah lagu shaqaysto?
Waa maxay munaafaqadda muuqata? Waxaa si weyn lagaaga xumaado ah in sirdoonka DDS ay maanta leeyihiin "Dhaqan-xumo ayaan joojinaynaa," iyadoo qof kasta oo Jigjiga jooga uu ogyahay waxa ka dhaca magaalada dhexdeeda.
Horta yaa qaldan? Marka ay makhribkii tahay, qof walba wuxuu arkaa qaar ka mid ah madaxda deegaanka (oo waliba xaasleey ah) oo baabuurta dawladda ku dhex wareegaya, iyagoo feedha-qaawan, dhibaataynayana gabdhaha magaalada.

Gunaanad: Jigjiga iyadaaba dhaqan-xumo dhex fadhida, laakiin waxaa nasiib darro ah in indha la'aan lagu rabo dhalinyarada tabaalaysan ee is-maareynaya. Ha la daayo dhalinyarada, nidaamkana horta ha iska bilaabo edbinta iyo dhaqan-toosinta!

Addis ababa oo siraadan
06/12/2026

Addis ababa oo siraadan

Xiddiga reer Canada ee kubadda cagta, Alphonso Davies, wuxuu bishii Nofeembar ee sannadkii 2000 ku dhashay xeryaha qaxoo...
06/12/2026

Xiddiga reer Canada ee kubadda cagta, Alphonso Davies, wuxuu bishii Nofeembar ee sannadkii 2000 ku dhashay xeryaha qaxootiga ee Buduburam ee dalka Ghana.
Muuqaalkan (ama sawirkan) aad aragtaan waa hoygii uu la degganaa qoyskiisa ka hor intaysan u soo guurin magaalada Edmonton, Alberta iyagoo qaxooti ah iyadoo da'diisu ay tahay 5 sano oo kaliya.
Maanta, wuxuu ka mid yahay ciyaartoyda ugu guulaha badan uguna caansan aduunka!

caawa iyo game ka canada ay ciyaarayso iyo alphonso oo captain ah

Mucjisadii Ka Dhacday Garoonka iyo Casharkii South Africa! 🌍🇲🇽Ciyaartii dhexmartay Mexico iyo South Africa waxay ku dham...
06/12/2026

Mucjisadii Ka Dhacday Garoonka iyo Casharkii South Africa! 🌍🇲🇽
Ciyaartii dhexmartay Mexico iyo South Africa waxay ku dhammaatay 2:0 oo ay guushu ku raacday Mexico. Laakiin waxa la yaabka leh maaha dhibcaha ciyaarta, dhab ahaantii waa in guud ahaan shacabka qaaradda Afrika ay si weyn u taageerayeen Mexico!
Tani waa fariin cad iyo ciqaab ka dhalatay ajnabi-nacaybka (Xenophobia) ee lagula kaco dadka kale ee Afrikaanka ah ee u soo shaqo tagay South Africa. Markaad walaalkaa dhibto, ha filan inuu ku garab istaago. Garsoorka rasmiga ah mararka qaarkood wuxuu ka yimaadaa meel aadan filayn! 💔⚽

   Warar ay baahiyeen Al Arabiya iyo ilo kale ayaa sheegaya in wafdi dhexdhexaadin ah oo ka socda Qatar uu Tehran ka hel...
06/12/2026

Warar ay baahiyeen Al Arabiya iyo ilo kale ayaa sheegaya in wafdi dhexdhexaadin ah oo ka socda Qatar uu Tehran ka helay oggolaansho ku saabsan qabyo-qoraalka heshiis u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, kadibna qoraalkaas loo gudbiyay Aqalka Cad si dib loogu eego. Qatar ayaa door weyn ka ciyaareysa wada-hadalladan. 

Qodobada ugu waaweyn ee la sheegay inay ku jiraan heshiiska waxaa ka mid ah:

* In la kordhiyo xabbad-joojin h**e u jirtay.
* In si tartiib ah dib loogu furo marinka muhiimka ah ee Hormuz Strait.
* In la bilaabo wada-hadallo cusub oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran.
* In la xalliyo arrimo dhaqaale iyo cunaqabateyn la xiriira Iran. 

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Iran ayaa si rasmi ah u sheegtay in aan weli heshiis k**a dambeys ah la saxiixin, isla markaana ay jiraan qodobo ay Tehran u aragto “khadad cas” oo aan laga tanaasuli karin. Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in wararka ku saabsan heshiis la dhammeeyey ay yihiin kuwo degdeg loo sii faafiyey. 

Dhanka Mareykanka, Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in heshiisku aad ugu dhow yahay in la saxiixo, isla markaana uu hakiyey tallaabooyin militari oo la qorsheynayey sababo la xiriira horumarka wada-hadallada. 

Gunaanad: Horumar weyn ayaa laga gaaray wada-hadallada Iran iyo Mareykanka, waxaana muuqata in Qatar ay fududeysay heshiis qabyo ah. Hase yeeshee, ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo labada dhinacba ka soo baxday oo sheegaysa in heshiiskii ugu dambeeyay si rasmi ah loo saxiixay. 

ILAAHEY Si ayuu doonayaa INAGANA si ayaan dooneynaa balse sida uu ilaaheey nala doonayo ayaa qeyr badanWAKAAS NOQDAY gar...
06/11/2026

ILAAHEY Si ayuu doonayaa INAGANA si ayaan dooneynaa balse sida uu ilaaheey nala doonayo ayaa qeyr badan

WAKAAS NOQDAY garsoorihii ugu h**eeyay Abid Somalia oo final Yurub maamulaya waana kan PSG iyo VILA ee Finalka Super Cup ,meel ku qoro 12 Augusto

06/13/2023

naxdin safiyo gabadhedi oo lacag baad ah ka rabta 10,000 dolar k si ay dacwda ugla noqoto ii mss world

Address

Adis Ababa
Edmonton, AB

Telephone

+17807285749

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when JigJiga Voice posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to JigJiga Voice:

Shortcuts

Share