13/07/2023
Dhawr talo ayaan arinta dabka jijiga ka kacay ku darsan lahaa !!
Qorshe waa kan fog iyo midka dhaw, kan dhaw waxaa ugu habooni waxaa weeye inaan ka warqabno qoysaska masiibadu gaadhey, oo lala socdo yaan dabka shidan, iyo dadka u baahan caawimo aas-aasi ah, sida cunno iyo adeeg, intaas kasakoow:-
1. Haddii dhismayaal cusub la samaynayo waa in lagu xisaabtamo masiibooyinka noocaan ah, oo la sameeyo istiraatijiyado lagu xakamayn karo dhibaatooyinka noocaan ah iyo kuwa lamid ah, sida in lagu xiro fire detection alarms, lana sameeyo space iyo accesska gurmadka.
2. Ma lihin wax digniin bixiya, ama cid ogaysiisyada magaalada ka jira toos loogu hagaago, sidaas darteed waa in la helo cid wargalin samaysa marka ay jiraan khataro noocaan ah !!
3. Dadkii dhibku gaadhey waa in laga cafiyo wixii dayn ah, sida ay sameeyen shirkadaha qaar, dhanka kale waa in bunuugta ka jira deegaanka ay bilaaban inay ka qayb qaataan xal u helida dhibaatadan, sida inay bixiyaan daymo bilaa ribo ah.
4. Si dadka wali gacantoodu lacag ku hadhey uga ganacsadaan ganacsigoodii h**e, waa in xafiiska jibriga lagala hadlo oo la siiyo fursad ay deegaanka alaab kusoo gashan karaan iyadoo loo samaynayo warqado fasax.
5. Akoono iyo numbero badan oo khadka dhex ordaya ayaa jiro, waa in si waadix ah loo cadeeyo cida wax lagu hagaajinayo, hantida akoonadaaa ku dhacdana waa in si cad-cadaan ah loo diwaan galiyo, cida wax bixisana dawladu waa inay bogaadiso iyadoo afka shacabka ku hadlaysa, si dadku ugu dhiiradaan wax bixinta.
6. Waa in la sameeyo wakaalad ama waax bad-baadada dadwaynaha oo adag, oo leh qaab dhismeedyo kala duwan, sida wargalinta, cudud dab damis oo aqoon u leh waxa ay qabanayaan, iyo koox daraasadeysa khataraha cadhaysan ee magaalada ku gadaaman !!