20/12/2023
Fahmo, waxaa dhawaan jirdil bahalnimo ah loogu gaystay degmada Bookh ee gobolka Doollo, Somali Satate.
Sida sawirrada ka muuqata Fahmo waxaa dhaawacyadaan u gaystay ciidanka Liyuu Boolis oo hadda sheegta in ay yihiin boolis madani ah, balse wali wata dhaqammadoodii h**e.
Gabadhaan oo u dhalatay degmada Bookh, waxaa ku dhacday arrin yaab leh oo cid kasta oo damiir iyo damqasho leh maankeeda gilgili karta.
Fahmo, waxa ay ii sheegtay, in ay is qabteen dagaal na dhex maray gabar uu qabo nin Liyuu Boolis.
Waxay ii sheegtay in kaligeed xabsiga loo taxaabay, kadib na xarunta Booliska sidaas loogu jirdilay, iyada oo ay afar askari isugu tageen, halkaas na ay muddo bil ah ku jirtay iyada oo dhaawac ah.
Markii ay sidaasi dhacday Fahmo waxaa u soo hiilliyay wiil ay qaraabo yihiin.
Wiilkii waxa uu la dagaalay nin ka mid ah raggii gabadha jirdilka u gaystay, asagii na waa la jirdilay waa na la xiray.
Gabadhu markii ay damacday in arrinteeda baraha bulshada lagu baahiyo, waxaa loogu hanjabay in wiilka maxkamad la gayn doono, lagu na xukumi doono ugu yaraan 10 sanno oo xarig ah, maaddaama uu nin ciidan ah u gacan qaaday.
Waxaa lagu yiri, "Haddii aad rabtid in aan wiilka siidaynno waa in aad saxiixdaa in aan arrintaada la shaacin oo aad cafidid raggii dhibta kuu gaystay.
Intaas waxaa dheer, in ay maammulka Degmadu kiiska soo dhexgaleen gabadha na u ballanqaadeen in ay xaqeeda siin doonaan, kadib na ay ugu dambayn u sheegeen in aan waxba loo hayn.
Dhacdooyinka sidaan ahi waa kuwo si joogto ah uga dhaca bariga iyo woqooyiga gobolka Wardheer/Doollo.
Deegaankaasi waxa uu hooy u noqday haraagii TPLF iyo askartii bahaloowdey ee Cabdi Ilay.
Waxa ugu darani waa saraakiisha iyo askartii waxaas oo gaboodfal ah haysatay wax tallaabo ah laga ma qaadin. Maammulkii ka aammusay na wali Degmada ayay xukumaan.
Fadlan baahi qoraalkaan si uu u gaaro madaxda sare ee Deegaanka.Fahmo ku taageer in ay caddaalad hesho.
Mahadsanid.
W/Q Nuuradiin Buryar