27/09/2026
Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee Laanta Deegaanka Soomaalida, Mudane Eng. Maxamed Shalle, shaqo wanaagsan ayuu ka qabtay Gobolka Doollo, taas oo guud ahaan shacabka Gobolka ay bogaadiyeen.
Inkasta oo Xisbigu la soo daahay shaqo-joojintii lagu sameeyay Guddoomiyihii h**e ee Gobolka Doollo, Cabdullaahi Beercad, oo ahayd in uu mar h**e ka joojiyo hadana xili ku haboon bay timid.
Gudoomiyihii h**e Gobolka Doollo Cabdullahi Beercad ayaa xukuumadu shaqo joojintiisa u cuskatay shaqo xumo,jileec,musuqmaasuqa iyo arrimo amni. Si garaa waxaa uu eersaday hirgalintii adeega hal-goob (MESOB) oo uusan wax shaqo ah ka qaban maadaama ay kamid ahayd initiative-yadii Xisbigu hirgalintiisa isku diray.
Waxaan leenahay hadii Xisbigu u rabo inu ka miro-dhaliyo hadafyadiisa waa in u dadka gaabiska ah oo dhan xidida u siibaa waliba kuwa degmooyinka Gobolka Doollo jooga ee Cabdullahi ku samaystay si ay dhaqaalaha dawladu ugu talo gashay adeega Bulshada asaga ugu soo diraan shaqadii dawladana ka gaabiyay.
Halkan isha ku haya.