29/12/2025
HOGGAAMIYAHA FASHILKA AH “TAYAYNTA WAXBARASHADA” EE HARTASHEEKHA. Nov 2023( 2016 E.C)
Duqii h**e ee magaalada Hartasheekha, kaas oo hoggaamiyay shirkii loogu magac daray “tayaynta waxbarashada”, ayaa maanta doonaya in mar kale laga soo ansixiyo madaxtooyada DDS, xilli uu isbeddel ku yimid qaab-dhismeedka dawladnimo ee magaalada oo hadda loo beddelay maamul magaalo. Arrintan waxay si gaar ah u baahan tahay in si qoto dheer loo eego waxqabadkii h**e ee mas’uulkaas, si aan khaladaadkii dhacay dib loogu soo celin.
Sida la wada ogyahay, shirkii lagu sheegay tayaynta waxbarashada wuxuu ku dhammaaday fashil muuqda.
Lacag ballaaran ayaa laga soo ururiyay ganacsatada magaalada, gudi ayaana loo sameeyay maamulka dhaqaalaha iyo la-tacaalidda dugsiyada. Hase yeeshee, tan iyo maalintaas ilaa maanta wax natiijo ah oo la taaban karo k**a muuqan waxbarashada magaalada, gaar ahaan dugsiyada sare.
In class-ka 12aad uusan hal ardayna ka baasin muddo dheer, waa caddeyn muujinaysa in hoggaan xumo iyo qorshe la’aan ay jirtay.
Qof masuul ah oo fashil noocan ah sababay, islamarkaana aan ka bixin wax isbeddel ah, kuma habboona in mar kale lagu aamino hoggaanka magaalada, gaar ahaan xilli cusub oo u baahan aragti fog, karti maamul, iyo faham dhab ah oo ku saabsan adeegyada aasaasiga ah sida waxbarashada.
Waxaa kale oo muhiim ah in bulshada loo caddeeyo in maayirku uusan ahayn qof leh asal academic oo xooggan ama khibrad tacliimeed oo ku filan hoggaaminta isbeddel waxbarasho. Qof aan soo marin jaamacad ama kulliyad leh tayo waxbarasho, isla markaana aan lahayn aqoon uu ku qiimeeyo dhibaatooyinka tacliinta, lagama filan karo inuu bixiyo go’aanno wax ku ool ah oo horumarin kara waxbarashada jiilal mustaqbalka ah.
Tani ma aha dhaleeceyn shakhsiyeed, balse waa xaqiiqo la xiriirta baahida hoggaamineed ee xilka maayirnimo.