garduur media

garduur media welcome to garduur media

Bismillaah ugu horayn alle ayaa mahad iska leh Ugu horayn waxan raali galin ka bixinayaa mudo dheer oo aan khadka ka maq...
16/04/2024

Bismillaah ugu horayn alle ayaa mahad iska leh
Ugu horayn waxan raali galin ka bixinayaa mudo dheer oo aan khadka ka maqnaa sababo jira awgeed

Qormadan kooban waxaan maanta kaga hadli doonaa qodobo dhowr ah oo ka taagan dhul daaqsimeedka udhaxeeya k**arooyaan iyo wadadacad oo arimo dhowr ihi ka taaganyiin

Waxa jira magaalo laga sameeyay inta u dhaxaysa gurracan iyo k**arooyaan qabalahaa waxa loo bixiyay magaalo jiifta caqabado badan ayaa ka taagan qabalahaa h**e waxa la isugu qabsaday qabalahaa oo laga sameeyey ugaaska aagiisa beeshii reer k**arooyaana waxay sameeyeen bali qabalaha baashiisa ah oo ay yidhaahdeen waa baligii shiish isaxaaq intaasi markay dhacday
Ayaa beeshii dul taalay qabalahan magaalo jiifta ayaa garaacay deg dig iyana waxay soo garaacday deg daroor wada hadal dheer kadib waxa yimi ciidan waxayna qaadeen ragii baliga qoday rag kamida ooy leeyihiin ama waydin aasi baligan ama waanu idin xidhi la isku diid tii ragina waxay istaageen aanu aasnee baligee adna dumi magaaladan aad dhisteen kadib si cad nimankii waxa loo yidhi jiidan ma dagi kartaan la idiinmana ogala ee baliga aasa la isku mari waa taa kadib iyada oo aan arinkii wax xal ah laga gadhin waxa dhacday qarbad k**arooyaan dusheeda ay ka qodeen nimaankaa reer magaalo jiifta rogaal celin dambe qarbadkii rag deegaan ka reer k**arooyaan ah ayaa isna kala jaray intaasi markay dhacaday waxa la isla qiray in la dumiyo magaaladaa baligaana la aaso

Baligii howl yari waxa aasay beeshii reer magaalo jiifta balase wali lama duwin magaaladii ee waa halkeedii

Imikana waxaaba lagu soo bixiyay wadooyin dhaadher oo labo haada oo ka yimi dhankaa iyo ananu oo laso raaciyay wado caanood daraadna gawaadhi lasoo mariyay kuna socda magaalo jiifta

Isku soo wada duub oo hada waa meesha ay daruuruhu heleen la isugu soo guuuray reer magaalo jiiftana iyada oo ay meeeshu tahay dhul deeqsimeedkii dhexdhabaha ahaa reer magaalo jiifta intay qoryo qaataan ugu hanjabi maayaan beesha reer k**arooyaan iyo kabaabigeeda ee ama meel la isku arko ayay noqon ama meel lagu kala baxo
----------------------------------------------
deg: daroor halbaan leeyay
Iyana deg : dig halbaan leeyay
gobolkana mid baan leeyay

Daroor halbaan leeyay o waxaan leeyay degaan kaaga iyo shacabkaaga mid u doodi karta oo wax qaban karta noqo ama shacabka madaxa hakaga taagnane ka hor dhaqaaq hadadan waxba u qaban karayn

Deg : dig iyadana midbaan leeyay waxaanan leeyay hadaad shacabkaagii baligana inaga aasa tiri magaaladana inoo daaya imikana waliba aad qoriga u dhiibtay walibana ay la toodhoonayan anana waanu ka jawaab celine imikaba wixii dhaca cidna how eersanina

Gobalkana halbaan leeyay waxaan leeyay gobolku ama ha noqdo mid ku raacsan arinkaa deg : dig iyo shacabkeedu ku dhaqaaqen ama jawaab deg deg ah imika haka bixiyo waxna haka qabato magaaladii ay h**e u maartay ee walina dhisan ee qalaalasu ka taaganyayna dhakhso how dumiso ha una dhamayso

Wa billahi towfiiq
---------------------------

    Dadka deegaanka ku nooli ma kala xuquuqbaa,xaaladu ma xuduudkaa mise waa xisaabo kale.degmooyinka iyo maamul magaalo...
01/03/2023



Dadka deegaanka ku nooli ma kala xuquuqbaa,

xaaladu ma xuduudkaa mise waa xisaabo kale.

degmooyinka iyo maamul magaalooyinka ku teedsan xuduudka somaliland ayay haystaan caqabado badani kaga soo bilow degmada gaashaamo daroor xarshin aw bare iyo wajaale,
caqabadahaas oo ay ka mid yiin
1 helida aqoonsiga (mustawaqaha )
2 helida passport ga dalka,

1=hadaad u baahatid aqoonsiga degmooyinkan hadalka laguugu jawaabayaa wuu go' an yahay weeyaan,
maaha diidmo ay samaynayaan maamulka gacanta ku hayaaye waa caqabad ka haysta heer deegaan, taas oo aan loo ogolayn in ay daabacdaan jaldiga.
hada ogow degmooyinka iyo maamul magaalooyinka kugu dhaw oo dhan saacad walba waa laga heli karaaye.

2=hadii aad heshid oo aad dhawr sano sugtid dhawr jaldi oo la keeni doono wakhtiyuun bal eeg waxa caqabad kaa soo h**eysa, hadaad u baahatid passport oo ah sharci uu shaqsi walba oo wadanka ku nooli xaq u leeyay sidaad ku heshaa way adagtay ereyga uugu h**eeya ee lagu odhanayaana waa hargaysa ayaad ka timide kac, waar goormay daroor iyo gashaamo hargaysa noqdeen goormay xarshin wajaale somaliland noqdeen.
Hada ogow dadka kale lama odhanaayo ma somaliya ayaad ka timaadeen mise kenya hadii ay u dhamaystiranyiin cadaymihiisi uuna yahay ruux aan dadka iyo dalka wax danbiya aan ka galin horaa laga siinayaaye

Bal waa su'aalo is waydiin mudane dhibku ma anagaa shacabka ahbaa oo sharciga ayaanaan u hogaansamin mise waa maamulka na xukuma oo wax yaabo sharci daro ah ayaa lagu arkay.
Iyada oo ay jiraan caqabadahaasi hadana ma jirto cid si waaqaca uugu haysa jawaabo caqli gala oo lagu qanci karo.
Ileen shacabku waxay xaq u leeyiin inay wax walba ogaadaane, sida loo ogaysiiyo marka dano gaara laga leeyay sida bixinta cashuurta badalida aragti siyaasadeed intaba saw ilaa qabalay qabalay shirar looguma qabto oo muraadka markaa jira nalagama dhaadhiciyo tana sidaa si la mida ha naloogu sheego.
wali maan arag degmooyin sidaa si la midi haysato,
Waayo degmooyinka kale oo dhan way helaan mustawaqaha sidoo kale passportiga way qaataan.

Hada ogow dadkani waxay soo doorteen xildhibaano waxa kale oo matala wasiiro iyo wasiir ku xigeeno midna uma muuqato dhibkani, haday shacabku sharciga baal marsanyiin waxay ahayd inay tusaan tubta uugu toosan ee ay muraadkooda ku heli karaan, hadii lagu gafaayo xuquuqdii ay ku lahaayeen deegaanka iyo dalkana waxay ahayd inay soo dhiciyaan hadii kalana ay la dhaafaan lu gooyada iyo hagar daamada,

dadku ha sinaado deegaankuna mid ha ahaad

Subixii Dagaalka.__________________________Tirsiga Taariikheed Markii Uu Ahaa 06.02.2023 Waxaa La wada maqlay In Subaxni...
12/02/2023

Subixii Dagaalka.
__________________________

Tirsiga Taariikheed Markii Uu Ahaa 06.02.2023 Waxaa La wada maqlay In Subaxnimada Lagu Dhawaaqi Doono Natiijada la Wada Sugayay Oo Ka imaanaysay Shirkii Odayaasha Dhaqanka Deeggaanka Soolka. Waa natiiyo qof Waliba garan karo raadkeeda waxaana ay ubadnayd in laga soo sheego natiijo aan farxad gelin dadka Samo taliska ah.waa na natiijo aanay mahadin doonin dadka aan lahayn Tamar jidheed dheerayn orod legdin dagaal iyo loolan hadal taas oo macnaheedu yahay.waa najiijo dhinacyadu sii saadaalinayeen sababtuna waa dhawaaqa hadalada xanafta leh.iyo siidhiga dhiilada oo ka dhacayay Afafka Dadkii nabad gelyada lagu cimaamaday. Dhalinyaro cadhaysan waxna ka tabanaya maamulka ay dhul ahaan ka tirsanyihiin ayaa goolaaftan iyo gaylan la goobyaalayay. Waxaa sidoo kale.dul ka joogtaynaya ciidan qaran oo dhismayay in ka badan 30 Sano oo leh Saanad malatery oo dhamaystiran.

Habeenkaas.waxaa xoguhu sheegayeen in subaxa lagu dhawaaqayo natiijo colaadeed xabaduna ay ka baxayso qoriga afkiisa inta la ogyahay waxaa sabab u ah fidmadan waa hal koox oo ah kuwii toosiyay. Waxaa la sheegayaa inay jiraan kooxo kale oo wareer kusoo qaaday jamhuuriyada soomaaliland waxaana si cad ujira oo muuqda dagaalo qabiilaysan oo ka socda warbaahinta iyo sidoo kale dagaalo ka socda dhanka maamul goboleedyada soomaaliya oo garab siinaya kooxaha isu garabaystay ee hogaaminayaan Odayaasha Waxaa bilaabmay dagaal.

Habeenkaas waxaan ka mid ahaa kuwii helayay xogahaas waxaanan dareemay in subaxa aroorta ay laascaanood ka duulayso Shinbirtii nabada.Waxaana aan soo Qoray taariikhdan sawirka ah oo ahaydna wixii ugu danbeeyay ee aan soo qoray xagan iyo Facebooga.ilaa heer aan ka xumaaday lix cisho ka dib in weli ay dhacayso xabadii bilaabantahay xiligaas.

Subixii Garaadku Ku dhawaaqay. Garaad Aa. Haaheey. Waa garaadka Waa GAR+ AAD Garta ayaa loo Aadaa oo waa nin wanaagsan.

GARAD Wuu gartay oo waa wax garad Waa eray macno badan miisaan badan oo macaan mid lagu Sheegaba. Garaadku wuxuu ku dhawaaqay. erayadii Argagaxa lahaa ee ay ka mid ka ahaayeen.Galla Dagaalka. Ninka Walaalkii La dilayo ee Soo noqdaa Waa Fulay.Iyo Qaar La mid ah. Waa Subixii Ay reer laascaanood ku Kala Aragti Duwanayeen udiyaargarowga Colaad ay la galaan Somaliland oo ilaahay walaaleeyay.dad ahaan iyo Deegaan ahaan ba.waana Subixii Daalka.haaheey. waa Suxbanimadii Dagaalka.Wuxuu ka mid ahaa bishii Dagaalka Waana Bilowga Maalmii Dagaalka.

Wixii ka danbeeyay Subaxaas Dadka Reer laascaanood May Arag Qorax Caafimaad.waxa nin walba garan karaa dooxo caws qalalani ku yaal oo dhexdeeda Dab lagu qaybiyay waxaa ka soo baxaya Sidaas oo kale ayaa Kasoo baxday.Waa Tusaale Allaa Qurux badnaydaa Maaliintii iigu danbaysay ma tiibay dumiyeen Dadow bi.i waa.

Waxaa bilaabmay Qax. hayaan. Barakac dhimasho Dhaawac dhan walba na waxaa tiro beel ah qasaaraha.Muuqaal ahaan hadaan macneeyo Waa dagaal qadhaadh.Qadhmuun.Foolxun.Wejiyaal Badan.Aragtiyo Badan.Dano badan Damac badan dilal badan.Digasho badan.Daymo badan oo daryeel liita.Haaheey Daryeel liita.

Ma tirsana inta qaxday.ma tirsana inta dhimatay. Dhimasho Aa. Haaheey.dhimasho.Waa lagu dhintay. Maxay see ku dhinteen Waa walaalo Soomaali ah.muslimiin ah Dan wadaag deris wadaag duunyo wadaag doorka ay aakhiro ku leeyihiina waxaa ka jawaabay culimada Gobolka Togdheer oo waxaa lagu talax tegay Inaanu Raadkaasi Janadii Ku Beegnayn. Janadii Ku Beegnayn.

Dagaalkii wuu socdaa. Kuwa ugu badan ee dhimashadooda lasoo sheegayaa waa wada hebel labada dhan ba.Hasee ahaatee joojiya kuma joogsanayo ee wuxuu madagaalkii Shaydaankaa Subaxaana laah. Waan yaabanahay.

Maanta waxaa la sii gelayaa maalintii todobaad.waxaa isbedelku durba ka muuqda magaaladii oo waxaa yaraaday dadkii.sanqadhii waa xero Ciidan Tolow sidee bay u eekaanaysaa Bil ka dib maxaa see laga taraa.waxaa sidaas ugu Taliyay dadkeediiye.haa sida ay u eekaanayso Laascaanood waxaa udooray kuwii Xabadaha Ka dhex riday.Hadal waa run k**a rays.ana weligay cid aan naftayda ahayn ma raali gelin waxaan ogahay Hadii dagaalku sii socdo in Xaaladu si kale noqonayso Waad garan kartaa adba anigu ma ogi laakiin waxaa udoor leh dadka ku dagaalamaya.

Waxaan odhan lahaa wax waliba waa xumaanayaan.waxaana bilaabmay.Welwel ganacsi oo Soomalida dhexdeeda ah.sidaan ka helayno Xogaha. Waxaa bilaabay Rixingayn umadeed oo maanta wiil iyo Abtigii ayaa kala shakisan.Waa runtay.waa sidaas.

Amuuruhu ma Saaloona waxaanay usilanyihiin sidii Soomaalidu ahaan jirtay.Waar waa ba Soomaali.Alle ha sahlo.Wax kastaba waxaa ay ku Socdaan Amuuraha ilaahay.Alxamdulila.
Taladu weli waxaa ay ku jirtaa gacmaha Shacabka iyo dowlada waana dhowdahay oo may soo xaadirin kuwii Cunijiray hilbaha dadka.dhuuxi jirayna lafaha Aadamaha.waa see halka loo socdo ee miyaynu Sugnaa Gorgorada Iyo Geeltoosiyaha dadka Cuna mise waxaynu Utoobadkeenaa ilaahay?
Waynu kala doorane ma daalnaa waa jawaabta kusoo dhacday qaar ka mid ah dadka akhriyi doona.Ana Mooyi baan idhi.!

Follow like Share tu waa dhankiina

Maxaa loo yaqaan reerka sidan oo kale kaligii meel u daga ❓
08/02/2023

Maxaa loo yaqaan reerka sidan oo kale kaligii meel u daga ❓

08/02/2023

Deg deg ❗

Waxa shalay yimi santarka k**arooyaan amakaariyo lasoo diray kuwaas oo ay kawada hadleen caqabadaha dhex maray maamulka iyo shacabka

Kuwaas oo ay isku af garteen amakaariyada iyo shacabka santarka k**arooyaan

Sido kale waxay ka garaabeen amakaariyadu waxyaabaha uu santerkani ka kacay inay yihiin wax muhiima oo jira la,islana qirsan yahay wax kasta oo ka maqan

Sido kale Waxa shalay laga qaaday santerka

Gudomiyaha santerka : ismaaciil
Gu.ku xigeen ka : dhan waraabe

Insha allah wixii wara ee dambe ee ka soo baxa waanu idinla socodsiin doona

Kani waa golaha ama madrasada siinta lagu barto ee magaalada k**arooyaan Ardayda kasoo baxday madrasadan ayaan wax cidi ...
06/02/2023

Kani waa golaha ama madrasada siinta lagu barto ee magaalada k**arooyaan

Ardayda kasoo baxday madrasadan ayaan wax cidi qiyaasi karto ahayn ilaa wakhtigu sh.badri haystay marka la,eego

WAR DEGDEG AH;Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland iyaga oo u tudhaya shacabka ku nool magaalada Laascaanood  waxa ay kag...
06/02/2023

WAR DEGDEG AH;

Ciidamadda Jamhuuriyadda Somaliland iyaga oo u tudhaya shacabka ku nool magaalada Laascaanood waxa ay kaga jawaabeen weerarkii ay ku soo qaadeen kooxaha argagaxisada ahi isdifaac,

ilaa hadda ciidanku waxa ay ku suganyihiin xeryahoodii ilaa hadana waxa ay ku jiraan difaac".

Sidaa Waxa yidhi; Wasiirka warfaafinta Somaliland saleebaan koore.

05/02/2023

Deg.deg ❓

Shacabka santarka k**arooyaan iyo maamulka degmada daroor uu dhex taal is fahan waa xoogani

Taas oo ay sababeen maamulka degmada daroor isfahan waaga ka taagan baladka
Kuwaas oo aykaga jawaabeen hanjabeed iyo caga juglayn loogu hanjabayo shaadhka

Xalayto markay kasii tagayeen magaalada k**arooyaan waxay carab ka aad ula dhacayeen 200 oo liyuu police ah iyo 60 mileeshiyaan ah oo degmada ku sugan in bari ay k**arooyaan ku bariisin doonan waa siday lahaayeen maamulka degmada daroor


Ciidankan shacabka loogu hanjabayaana waa kii uu shacabku u huray naf iyo maalba

Maamulka degmadu markay damceen inay shacabka awood iyo cudud u isticmaalan ay howshii kala wareegeen amakaariyadu oo ay hadda gacanta ku hayaan la eegayana ilaa barri inay soo gaadhaan magaalada k**arooyaan

Shacabka deegaanka iyo cabashadooda kuwa laf dhabarta u ah

1: ugu horrayn shacabka santarka k**arooyaan ayaa maamulka u xaqiijiyay inaanay dakhli diid ahayn sidoo kale ay doonayaan uun xuquuqda ka maqan santarkooda

2: waxaa jira saan horaba idiinku sheegay miinooyin ku aasan magaalada aageeda sido kale ay qof h**e oo ay la kacaday jiro iyaga taa ka hadlaya shacabku waxay yidhaahdeen

maamulka degmada daroor h**e in badan ayaanu ugu cabanay oo aanu nidhi miinooyin kan maatida si,uun halaga yidhaahdo hasa yeeshe hal marna ku dhaho maamulka degmadu dhag umay dhigin
Maanta se gobolka waxaan ahayn uga dacwoon mayno

Sido kale waxay xalay maamulka degmadu u dalbeen magaalada booyad biyo ah

Hadaba waxa iswaydiin mudan sababta kolkay biyaha u baahnayen loogu keeni waayay oo ay hada ooy biyuhu meel walba jiifaan ugu keenayo

1: waxa ay dadka deegaankan ku dhaqani ku badbadbaaden alla wax badbaadiye ama ay ku baxeen waxa uu ahaa riiga xarshin ee ka qodan magaalada abokor axmed

Iyada oo uu riiga degmada daroor intuu doono uuga dhowyay oo ay degmadoodii tahay ❗

Haa ❗

Shacabka magaaladu waxay xaqiijiyeen in aanay dakhli diid ahayn halkay geeyaana lagaga qaadayo lkn hadda laga bilaabo ay deg awaare iyo degmada dig tay il ka gartaan ay ku shubayaan dakhliga kol hadaanay deg daroor hab yaraate waxay u tartay santarka aanay jirin dakhli ay usoo doonato mooye

Xafiiska Maamulka Gobolka Jarar
Xafiiska Xeer-ilaalinta Guud ee DDS
Xafiiska Madaxweynaha DDS

Sidan horaba idiin ku sheegay   waxa socday maanta  wada hadal dhanka degmada iyo santarka k**arooyaan dhexdoda ah oo bi...
04/02/2023

Sidan horaba idiin ku sheegay waxa socday maanta wada hadal dhanka degmada iyo santarka k**arooyaan dhexdoda ah oo bilaabmay bacda duhur ilaa 11:30 pm loo gaadho intii h**e waxad modaysay in xaalku soo dhadhawaanayo hadana waa lagu kala tagay oo wax cad oo lagu kala tagay ma jiro ama la,isla gartayba caawa waxaana caqabada ugu wayn keenay kiisaska been abuurka ah ama wanjalaada ah ee reer k**arooyaan loo adeegsanayo ee la leeyay qori ayaa qof loola baxay iyo buug dakhli ayaa nalaga qaatay inkasta oo uu markii dambe buugii ay ku eedeeyen bulshada la sheegay inay haystaan
Waxa la yaab ah ama aan wax la qaadan karo ahayn in bulshadii lagu eedeeyo wax aanay qabin waa ta koweede

hadaba shayga is waydiinta mudan ayaa ah

Maxa sababay is af garad la,aantan jirta iyada oo wakhtigaa oo dhan laga wada hadlayay oo la wada fadhiyay

1, waxaan odhan karnaa hadalku wuxuu midho dhal yeeshaa kolka la,isaga garaabo
Ee kol hadii difaac lakala galo is af garad ma yimaado

Degmadana is difaacid loogama fadhiyine in shacabku wuxu tabanayo ku qanciyaan ayay ahayd

Bal mar kale aynu dib u milicsano dooda shacbiga

Wax laf dhabarta ah ee shacbigu ku doodayay ee la taaban karo waxaa ka mid ah

In ay jirto miino ku aasan meel magaalada aageeda ah oo ay mudaba ugu cabanayeen degmada sidii maatida looga badbaadin lahaa ee bahashaa si,uun loo odhan laha ama hala qarxiyo ama hala saare
Waxa ay xaqiijiyeen shacbigu ama maamulku waxaa ka mid ah in mudo bil iyo badh ah ama laba billood ku dhawaad ahba ay uga cabanayeen degmada tan ee daroor wax jawaaba oo cadna aanay ka helin haba yaraate
Miinadu waxay ku jirtaa cali shucaac sokadiisa halkii ay wiilkii h**e kaga qaraxday agteeda

Waxa taa u raaca oo ay shacbigu ku doodayeen in magaaladoodu ay santer ku magacaaban tahay hadana santernimadaasi cashuur ay ku kordhisay mooyaane aanay wax kale ka helin haday tahay raashin haday tahay xanaano xoolaad iwm ee soo raacaba

Waxa kale oo maamulka degmadu soo qaadanayay ee isku difaacayay waxaa ka mid ah

In waxbarasho la sameeyay
In caafimaad la sameeyay
Iyo in baraag haayadeed jirto

Bal hadab sedexdan qodob ee ay maamulku ku doodeen aynu si cad u dul istaagno

1, wax barasho marka la leeyay maaha in laga hadlo ama lasoo qaato guriga wax lagu dhiganayo ama la qiimiiyo daartan ee waxa qiimayn mudan 5 sano ku dhawaad gurigan dhisan maxad wax ku bartay mana jiro gal arday oo fasalka 1,aad dhameeyay school kan

2, Caafimaad asna sidoo kale waa la massa oo daar lama qiimayn karo daar aan dawo dhex ool hal kiniina ku dhaho oo an qofkii dhaawacma dawayn karin oo aan hooyadaa dhiig baxaysa looga helayn irbad dhiig joojina hadana qof dhex taaganyay oo uu ku mushahar qaadanayo

Ma,aha macquul ee markaa guryahan ma muunad ahaan ayaa lii dhisay ? Cajiib

3, kaliya baraagtaa ayaa loo hayaa maamulka

Si kale hadaynu u dhigno caafimaadka iyo wax barashadaba haayad ayaa dhistay kaliya miisaaniyada degmada wax ka go,ay waxa jira baraagtaa

Bal hada waxa is waydiinta mudan waa
Miisaaniyada degmadu xagee martaa

Haa dabcan santarada ayaa mashaariic ahaan loogu celiyaa hadab santerada degmada santerkani k**a mid aha miyaa ❓

Cajiib

Ma jecli inaan magacaabo lkn waxa lay xaqiijiyay kol laga wada hadlay dhanka raashinka

In masuul kamida masuuliyiintii meesha marayay ku jawaabay

Raashinka maxa ku falaysaan iimaan la,aan ayaa laga qaadaaye ❗

Cajiib maamulka wax la waydiinayaa waa kaa halkuu bulshadiisa ka qancin lahaa qadafka ku shekaynaya

Sawirkani waa maanta markii shirka laysugu baxay

Kamarooyaan waxaa maanta gaadhay maamulka deg daroor kuwaas oo ka wada hadlayay tabashooyinka ka soo yeedhay shacab wayn...
04/02/2023

Kamarooyaan waxaa maanta gaadhay maamulka deg daroor kuwaas oo ka wada hadlayay tabashooyinka ka soo yeedhay shacab waynaha reer k**arooyaan kuwaas oo kuwada arinsanayay magaalada caawana waxay marti u yihiin ree k**arooyaan oo ku casuumay halkaa

《Fiiro gaara 》

waxii shirkaas kasoo baxay ee la go,aamiyo insha allah halkan kala soco oo isha ku hay

Santarka magaalada k**arooyaan ee ka tirsan deg daroor ee gobolka jararWaxa magaaladan santer ka loo magacaabay wakhtigi...
03/02/2023

Santarka magaalada k**arooyaan ee ka tirsan deg daroor ee gobolka jarar

Waxa magaaladan santer ka loo magacaabay wakhtigii uu xilka hayay xilka D.D.S.I cabdi ilay dhamaadkiisa haba yaraate wax uu ka helo deg daroor oo santer ahaanina ma jiro mudadaa dheer ba

Oo aan ka ahayn cashuur loo soo doonto ama dakhliba aan dhahe
Deg.daroor mudo ku dhawaad dhowr iyo toban sano ayay dhisan tahay oo ka dembaysay xiligii degmada loo magacaabay mudadaa dhowr iyo toban ka sano ah waxa uu santar ke k**arooyaan ka arkay waxa jira hal baraaga oo ka go,day miisaaniyada degmada tan ee daroor

Waxa soo raaca school ay haayadi dhistay asna dhisan mudo 5 sano ku dhawaad ah hadaanay wax dherayn ba mudadaa uu dhisnaa school kaasi wax lagu bartay ma jiro 2 mar ayaa macalin la keenay markii h**e inyar markuu joogay macalin ki wuu ka tagay caqabada xaga degmada uu kal kulmay owgeed kan labaadna dhawaan ayuu yimi oo wuxu joogay mudo dhowr iyo toban habeen ah mudadaa school kaasi dhisnaa ma jirto wax araday ah oo la odhan karo fasal ka 1,aad ayay dhameeyeen

Waxa kale oo intaa raaca dhakhtar asna dhawaan laga dhisay oo ay haayadi dhistay asna dhakhtarka dhisitaan ka dib ama aan dhaho dhowr bilood oo uu xidhnaa oo dhisitaanka dhakhtarka ka dambeeyay kadib wiil yar ayaa la keenay wakhti yar kadib asna wuu tagay oo wuu maqanyay dhakhtarkana yacnii waa magac u yaal ee dhakhtar ma aha caafimaadna lagama helo xataa wax kiniina ood ka helaysaan jirinba oo aan ka xumada hayn asna kolkad dontona aad ka waayaysaba ragna wuu ku mushahar qaadanayaa meesha caynkaasa ah oo la odhanayaa dhakhtar baa ka dhisan oon jooga

Hadaba xalayto abaaro 10:30 waxa yimi qabaal ka socda deg daroor oo doonaya dakhli ama cashuur saad u taqaanaba qabaalku marka uu saa uyimi 2. Wiil ayuun buu dajiyay oo uu ka dhaqaaqay labadaa wiil oo uu midi ahaa macalin kii oo fasax ku maqna markii la waydiiyay maxad u socoteen ee ay dhaheen dakhli raaca gaadhigiina ayuun baa la yidhi yuu idinka tagine wax loo gaystayna ma jirto saana way kaga soo baxeen balad kaa qabaalkiina waa usoo noqday oo dhexduu ka qaaday

Waxa kale oo isoo gadhayyay warar been abuur ah oo leh qoryaa nimanka loola baxay waa la jidh dilay waxbaa loo gaystay iyo wax lamida wararkaasina waa waxba k**a jiraan oo anaaba goob joog ka ahaa hadii waxa la joojin waayana caddayn dhaba ayaan gacanta idinka saariye cida tira aanu idinkana helno

Intaa kadib waxa ii raacda

Mudada uu godoomiyahan deg daroor xilka haystay lama arag hal maalina ku dhaho uu santerkan cagaha soo dhigo hadaba balan qaadyadii beenta ahaana way dhamaadeen marka waxa aanu xaqqa uleenay santerka k**arooyaan la helo ayuun baa wixii dakhli ahna laga wada hadli karaa
Haa anagu dakhli diid ma nihin lkn xaqii santernimo ayuun baan degmada ka rabnaa

Xigasho : Abwaan wardi waaberi

Dooxani waa dooxa wayn ee magaalada k**arooyaan dooxan ayaa leh laasas ama ceelal laga cabo oo biya leh wakhtiyada biyo ...
28/01/2023

Dooxani waa dooxa wayn ee magaalada k**arooyaan dooxan ayaa leh laasas ama ceelal laga cabo oo biya leh wakhtiyada biyo la,aanta ay tahay sida xagaaga ama jiilaalka oo kale dadka deegaan kan ku dhaqan ayaan biyo meel u doonan jirin ilaa kal dambeedada mooye oo ay u aroorin jireen xoolahamagaalada waniiq iyo magaalada ergin mooye magaaladani wakhtiyadii h**e may lahayn baraago laga cabo iyo bali toona waxaan ceelasha ka ahay hada se waxa ka samaysan 3 baraagod iyo dhaam biyood halka baraaha kale ee ay qodistoodu socota ku dhowyiin dhowr iyo toban baraagood ❗

Address

Daroor
Addis Ababa
2519

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when garduur media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category