16/01/2023
Dhallinyaro, guusha waa iyada oo aad xaqiijisaan riyooyinkiina idinka oo ka gudbaya caqabadaha qallafsan ee idinka hor-jooga. Siraha lagu gaaro guusha teeda ugu wayn waxay tahay idinka oo ku sugnaada hadafkiinaoo marnaba aanan ka shakin. Duruuftu maahan mid keenta guusha iyo guuldarrida, laakiin mid ay tahayba dadka ayaa sababa. Guuldarridu maahan sida ay inoogu muuqato oo fashilaad ah, bal waxay tahay goob lagu nasto marka la gelayo socdaalka guusha. Qiyaasta guusha laguma cabbiro sareynta meesha uu qofku gaaray, bal waxaa lagu cabbiraa mixnadaha culus ee uu ka soo tallaabay.
Waa laga yaabaa sawaxanka iyo khiyaanada in qofku ku noqdo qof caan-baxay, laakiin midkoodna raad kuma lahan in qofku guuleysto. Tilmaamaha guusha waa kuwo la kasban karo xataa haddii uusan qofku lahayn. Tijaabada nololeed oo qofku marayo, guushu waxay tahay midda ugu yar. Waayo qofku markuu guuleysto ilaaladeeda ayaa u baahan guul ka wayn xasilisa. Qofkii aanan tan danbe ku guuleysan, guusha h**e macna u yeelan-meyso.
Caqabaduhu waa shayga ugu h**eeya oo idiin muuqanaya markaad ka fekertaan inaad hadaf yeelataan. Waa dhab oo waa idin cansi gelinayaan caqabadahaas. Waxaad kaga adkaan kartaan waa niyad adag iyo fal joogto. Qofku in uusan hadafkiisu gaarin u sabab maahan in ay awooddu ku yar-tahay, bal waa in isaga laga waayay hankii uu hadafka ku gaari lahaa. Guushu waa ficillo yar-yar oo ururey. Fal gibin ah oo aad sameysaan ayaa suuragelin-kara guul wayn oo aad ku naalootaan timaaddadiina. Ogaada farqiga u dhexeeya go’aan-qaadashada hadafka iyo ku taagnaanta waddadeeda in uu yahay mid aad u yar.
Guushu waa boqortooyo ay taajkeeda xirtaan ciddii qiimaheeda bixisa. Hankiina gaarsiiya inaad dayaxa gaadhaan, xataa haddii aad gaari weydaan waxaa hubaal ah inaad daruuraha ka dul-mareysaan. Ku dadaala inaad weligiin ahaataan falaha ficilka guusha ee aydnaadan ahaan fal-celiyaha ficilka guusha. Umana ay baahna aqoon badan ee waxay u baahan tahay xikmad badan. Haddii aad xisaabta ku soo barateen mid la yiraahdo ma-dhamaato (Infinitive), qorsheysta inaad fekerkiina iyo rajadiina ka yeelshaan ma-dhamaato. Ogada haddii malihiinu ku xooggan yahay inaad guuldaraysataan weligiin guuleysan-meysaan, haddiise malihiinu uu ku xooggan yahay inaad guuleysataan, weligiin guuldaraysan-meysaan.
Kuwa ka cabsada in ay ku dhaqaaqaan waddada guusha waa kuwa naftooda ku xukumay in ay dhex-fadhiyaan fashilka ay ku sugan yihiin. Noloshu waxay soo dhoweysaa dadka aanan wakhtigooda dayicin ee iyagana si xalaal ah u faa’iideysta bulshadoodana si xalaal ah ugu faa’iideeya. Xeerka nolosha ayaa wuxuu yahay mar-kasta oo dadku ay shaqo adag qabtaan, noloshu waxay u ballaqaysaa irdo cusub oo fursado ah, kuwaas oo aanan u furmeen haddii uusan la yimaadeen dadaalkaas adag. In guul aad gaartaan waa arin muhim ah, waxaase ka muhimsan inaad isu diyaarisaan guusha. Maxaa-yeeley guul ay guuldarri ka danbayso maahan guul.
Qofka doonaya inuu barto sida badda loogu dabaasho, biyaha ayuu isku tuuraa. Labo ayay mid noqon, in uu ama dabaashii barto ama uu biyaha ku dhinto. Labadaas waxaa u dhexeeya in uu biyaha ka cabsado oo uu noolaado isaga oo aanan dabaal aqoon. Waxaad muujisaan geesinimo aad ku bilawdaan fulinta waajibaadka idin saaran, idinka oo ka bilaabaya howsha ugu muhimsan sida ugu fudud, dabadeed u gudba howsha xigta, waxaad arkaysaan idinka oo waddadii guusha cagta saaray. Ha eegina waxa laydin ka sheegayo, maxaa yeeley waxaad tihiin waxa aad tihiin ee ma tihidin waxa ay idin ka sheegayaan kuwa jiritaankiina ka hinnaasaya.
In hareerihiina ay ku sugan yihiin kuwo badan oo guuldaraystay, macnaheedu maahan inaad idinkua aad ku xukuman tihiin guldaraysi. Dhaqaaqa idinka oo aanan ka fileynin hiil kuwan fashilmay. Guuldarrida hal jawaan ayay idinka mudan tahay oo waa guul. Qofka doonaya in uu guuleysto, marka h**e ha is-qiimeeyo oo hayeesho qiimo aadaminimo ai ay nolosha si taban ugu soo dhoweyso. Markaas wuxuu haleelayaa garashada hadafkii guusha waxaana u fududaanaya towfiiqda waddadii guusha. Waxaa idin ku waajib ah inaad marka h**e xeerarkii nolosha aad barataan, dabadeed aad ka dhex sahmisaan xeerka guusha. Haddii kor-geeyaha (Elecator) guusha oo idin ka kharaabo ha is-dhiibinina ee salaanka (jaranjarta) ku socda.
Mowjadaha aad cirbadda caqligiina ku joojiseen ka dhaqaajiya, waxaad heleysaan muuqaalka xaaladihiina oo is beddela. Nin-kasta oo buurta dhaladeeda gaaray, ogaada samada kagama iman ee dhulka ayuu koritaanka ka bilaabay. Qiimaha guusha gadaal lagama bixiyo ee h**ey ayaa laga bixiyaa. Haddaba hankiina ka yeela mid wayn, dabadeed ku ballaariya naftiina gudaheeda, dabadeed u gudbiya oo la wadaaga gooreysada, waxaad fursadaha ka heleysaan cimilada hareerihiina ah. Ugu danbayn, ogaada qof hadaf leh wakhti isk**a dayaco. Ogaada qofka guusha k**a danbaysta ah heley waa qofka ku guuleystay jannada eebbe.Qore:
Dr. Saadiq Enow
[email protected]