Star TV

Star TV Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Star TV, TV Channel, ethopia, Addis Ababa.

23/09/2026

Kooxda Xu/tiyiinta ayaa uga digey Mareykanka iney weerari doonaan danaha uu ku leeyahay gobolka hadii Washington ay isku daydo iney soo farageliso dagaalka iyadoo taageeraysa Sucuudiga.

La-taliye sare oo ka tirsan Xu/tiyiinta ayaa sheegay in kooxdu ay si adag u bartilmaameedsan doonaan danaha Mareykanka ee gobolka hadii Washington ay isku daydo iney xoog ku furto marin biyoodka baabul mandab ama ay sameyso faragelin milatari oo ay ku taageerayso Boqortooyada Sucuudiga..

23/09/2026

Madaxweynaha Suuriya, Axmed Al Sharac, intii uu ka hadlayay gollaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu yidhi. "Mararka qaarkood xaqa ayaa guuleysta, mararka qaarkoodna xaqu ma guuleysto, nabad kastana maaha mid caddaalad ah, dagaaladu waxay na bareen in dulmiga iyo caddaalad daradu ay waligood sii jiri doonin."

Ra'iisal Wasaarihii h**e ee UK, Boris Johnson ayaa qaylo dhaan afka furtey isla markaana ka codsaday dowladiisa Ingiriis...
18/09/2026

Ra'iisal Wasaarihii h**e ee UK, Boris Johnson ayaa qaylo dhaan afka furtey isla markaana ka codsaday dowladiisa Ingiriiska iney si degdega u qaado talaabooyin ay ku badbaadineyso Ra'iisal Wasaarihii h**e ee Pakistan, Imran khan, kaaso in kabadan 3 sano ku jira xabsi.

Boris Johnson ayaa yidhi. "Halgeygii Cricket-ka Pakistan ee Imran khan wuxuu ku dhex silcayaa qol yar oo xabsi ah oo ku yaala Dalka Pakistan, waa wakhtigii Britain ay isticmaali lahayd saameynteeda si ay gacan uga gaysto sidii khan looga sii deyn lahaa xabsiga.."

Mareykanka ayaa cunaqabateyntii ka qaaday Ciidamada Milatariga Eritrea iyo Hayado kale oo Eritrean ah, taasoo laga yaabo...
18/09/2026

Mareykanka ayaa cunaqabateyntii ka qaaday Ciidamada Milatariga Eritrea iyo Hayado kale oo Eritrean ah, taasoo laga yaabo iney muujiso isbadal ku yimaada xidhiidhka Washington iyo Asmara xili ay sii kordheyso muhiimada istaraatiijiyadeed ee badda-cas. Falanqeeyeyaasha waxay sheegeen in talaabadani ay suurgal ka dhigi karto in xidhiidhka Mareykanka iyo Eritrea uu sii xoogeysto.

Sanadkii 2021, ayuu Maamulkii Madaxweyne Biden cunaqabateyn kusoo rogay Ciidamada Milatariga Eritrea, Xisbiga talada haya ee PFDJ iyo hayado kale oo ay ku eedeeyeen iney ku lug lahaayeen dagaalkii lagu hoobtey ee waqooyiga Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigreega.

Halkani waa Degmada Sherkole, gobalka Asosa ee Deeganka Benishangul ee Itoobiya. Booliska Degmadas ayaa sheegay in ay xa...
17/09/2026

Halkani waa Degmada Sherkole, gobalka Asosa ee Deeganka Benishangul ee Itoobiya. Booliska Degmadas ayaa sheegay in ay xabsiga u taxaaben ganacsato soo galinaysay Qaadka. Ganacsatadan ayaa la sheegay in ay jabiyeen awaamir loo dejiyay Degmadan. Booliska ayaa sheegay in qaadku halis ku yahay bulshada sidaasna loo joojiyay.

Ganacsatada kale ee lagu arko iyagoo qarsoodi ku keenay in sidan oo kale la xidhi doono, qaadkana laga gubi doono ayay sheegen.

Ilaa xalay baraha bulshada Itoobiya waxaa lagu baahinaya Carruuraha leh imdhaha midawga kale ah. Deeganka Canfarta iyo D...
17/09/2026

Ilaa xalay baraha bulshada Itoobiya waxaa lagu baahinaya Carruuraha leh imdhaha midawga kale ah. Deeganka Canfarta iyo Deeganada Debubka ayaa lagu soo bandhigayaa carruuraha noocan ah.

Xujo Ree Soomaliland.Aabahan waxaa lagu magacaaba Muuse Jaamac. Awlaad hal wiila oo aan shaqayn ayuu dhalay. Wuxuu yaall...
17/09/2026

Xujo Ree Soomaliland.
Aabahan waxaa lagu magacaaba Muuse Jaamac. Awlaad hal wiila oo aan shaqayn ayuu dhalay. Wuxuu yaalla Burco, Somaliland.

In mudo ah xannun kansar ah ayuu la tacaalayay. Waxaa la geeyay AdisAbaaba oo xanunka ku sheegtay. Meesha shafka ah ayaaa duleesha. Hadii laga furo dhiig ayaa ka qulqulaya. AdisAbaba daawadii kansarka iyo lacagihii Nabarka lagaga gubi lahaa ayuu waayay. Waxaa lagu celiyay Burco.
Nabarkii ayaa maalin kasta ku fidaya.

Warqadaha Baadhitankisa ayaan u diray dhakhtara Kansarka ee cusbitalka wayn ee Tukur Ambesa, oo ka sareeya kuwii h**ey u baadhay. Waxay sheegen in xannunku fidi karo oo wadna iyo jidhka kale gaadhi karo hadaan degdeg daawo loogu bilaabin.
Meesha ugu dhawna waa AdisAbaba. Hadii uu yimaado dadka Deeganka dawada iyo daryeelkisa 5 bilood ka bixin doona.

Ree Somaliland idinku caawa gacanta furo bal sahay AdisAbaba keenta isaga iyo wiilkisa u dira. Dadka aan baahino Burco, Hargeysa iyo Borame ugu badan. Ree Borame mooye labada kale akoonada Somaliland wax nafle kuma diraan. Dad badana way nagu taxan yihiin.

Qof walbaw 5 ama 10 dolar kaliya u dira.

Telesom: +252633568360 Muuse Jaamac

Somtel: +25653568360 Muuse Jaamac

Qoraalka u share-gareeya, si Aabahan looga gaadho xannunka ku fidaya. Intaasa gurmad ah, qofkale oo caawiya tus.

Xasuusin: Nabigu(Scw) wuxuu yidhi: "Bakhaylku waa ka agtiisa la igu sheegay ee aan igu salin."Waa habeen Jimce ah ku sal...
17/09/2026

Xasuusin:

Nabigu(Scw) wuxuu yidhi: "Bakhaylku waa ka agtiisa la igu sheegay ee aan igu salin."

Waa habeen Jimce ah ku saliya Nabiga.

Address

Ethopia
Addis Ababa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Star TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category