31/07/2026
DEDAAL MARKASTA NOLOSHA❗️
Inaad aragto naftaada oo horumaraysa oo ka guulaysata sidii aad shalay ahayd…
Inaad ka hor timaaddo naftaada, la dagaallanto, oo ku jihaaddo si aad ugu socoto nolosha sida Eebe kuu faray,
inaad ku dadaasho dhulka— waayo aadanuhu ma helayo wax aan dadaalkiisa ahayn.
Inaad isku daydo, xitaa haddii aad khaladaad samayso ama ku dhici karto…
laakiin mar kasta oo aad toobad keento oo aad ku soo noqoto Eebahaaga,
waxaad jebinaysaa dhabarka shaydaanka,
waxaadna niyada ku haysaa inaad tahay mu’min xooggan oo rabbi tusay waxa fiican oo naftiisa ku jira.
Kani waa dareenka farxadda dhabta ah.
Mararka qaar waxaa ina soo mara daal iyo su’aalo ku saabsan waxa nagu soo fool leh,
laakiin waxa na filan in Ilaahay yahay midka wax walba habeeya oo badala.
Sidaas darteed waxaan ku soconaa nolosha annagoo kalsooni ku qabna,
isku dayeyna… waana in la isku dayaa—waayo isku daygu waa caabudid.