Diil wabi tv

Diil wabi tv To be fair Means, To be Balance The Reality You Are Reporting.
(1)

10/08/2026

"Qaab-socodka shir-waynaha wadatashiga qaran wuxuu gaadhay heer rajo wanaagsan leh", Prof. Mesfin Araya.

*******************

Komishineerka guud ee komishinka wadatashiga qaran, Prof. Mesfin Araya ayaa sheegay in qaab-socodka shir-waynaha wadatashiga qaran ee socda uu si wanaagsan u sii xoogaysanayo, isla markaana uu gaadhay heer dhiirrigelin iyo rajo leh.

Prof. Mesfin ayaa sheegay in kooxaha 250-ka ah ee wadatashiga ay hadda dib-u-eegis iyo isku-dubarid ku samaynayaan ajandayaashii ay soo diyaariyeen, si loogu gudbiyo loona diyaariyo kooxaha kakooban 500. Inta badan kooxaha 250-ka ah waxay soo gabo'gabeeyeen diyaargarowgooda waxaana la filayaa in shaqada guud ee isku-dubaridka fikradaha kooxahan ay caawa si buuxda u soo dhammaato.

Marxaladda xigta ee kooxaha 500 ee xubnood ka kooban ayaa fikradaha la soo uruuriyey si qoto dheer u horumarin doona, iyagoo u diyaarinaya talooyinka iyo natiijooyinka loo gudbin doono shirweynaha madasha guud ee wadatashiga.

Prof. Mesfin wuxuu xusay in habkan isku-dubaridka fikradaha iyo wadatashigu aanu ahayn hawl fudud, isla markaana fikraduhu ay soo mareen dood iyo kala shaandhayn badan, laga soo bilaabo 10 kooxood ilaa heerarka hadda la joogo gaar ahaan marxaladihii h**e, qaar ka mid ah ka qaybgalayaashu waxay doonayeen in fikradahooda sida ay u soo bandhigeen loo qaato, taasina waxay sababtay doodo kulul iyo isqabqabsi.

Hase yeeshee, Komishinku wuxuu si dhow ula socday doodaha, isagoo hubinayey in dooddu aysan ku salaysnaan qof ama shaqsi, balse ay fikradaha iyo arrimaha la isku hayo ku koobnaato.

Prof. Mesfin wuxuu sheegay in dadaalkaas kadib doodihii ay hadda degeen, isla markaana wadatashigu uu bilaabay inuu qaado wadadii saxda ahayd ee isafgaradka iyo isku-raaca.

09/08/2026
09/08/2026
07/08/2026
07/08/2026

Address

Ethiopia Addis Ababa
Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Diil wabi tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Diil wabi tv:

Shortcuts

Share