Abdulrazaq Hassan

Abdulrazaq Hassan News and breaking

  Golaha Federaalka (HoF) iyo Golaha Wakiillada Shacabka (HoPR) ayaa doortay Guddoomiyaal cusub.Muferihat Kamil ayaa loo...
05/10/2026



Golaha Federaalka (HoF) iyo Golaha Wakiillada Shacabka (HoPR) ayaa doortay Guddoomiyaal cusub.

Muferihat Kamil ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Federaalka, iyadoo beddelaysa Agegnehu Teshager.

Dhanka kale, Wasiirkii h**e ee Maaliyadda Ahmed Shide ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Shacabka muddo shan sano ah, isagoo beddelaya Tagesse Chafo.

Ahmed Shide ayaa h**ey u ahaa Wasiirka maaliyada 5 sana ee lasoo dhaafay

Abdulrazaq Hassan

  Ethiopia ayaa maanta  yeelan doona xukumad cusub sida qorshaha yahay duhurki ayaa lafilaya in Golaha wakiilada ay kula...
05/10/2026

Ethiopia ayaa maanta yeelan doona xukumad cusub sida qorshaha yahay duhurki ayaa lafilaya in Golaha wakiilada ay kulankoda ugu h**eeyey yeeshaan kuna doortaan Hogaanka cuusb ee Dalka

Abdulrazaq Hassan

  Siyaasiga Jawar Maxamed ayaa ugu baaqay shacabka Tigray inaysan khasaarin fursadda taariikhiga ah ee dhismaha nidaam s...
04/10/2026

Siyaasiga Jawar Maxamed ayaa ugu baaqay shacabka Tigray inaysan khasaarin fursadda taariikhiga ah ee dhismaha nidaam siyaasadeed oo ku meel gaadh ah kadib marki loo awood sheegtay kooxda TPLF, lagana saaray magalada casimada ee Mekele, isaga oo ku taliyay in la dhiso maamul ku-meel-gaar ah oo loo dhan yahay,
Wuxu shacabka tigray ugu baaqay in si nabad ah ay ula xaajoodaan dowladda federaalka, sidokale laga fogaado aargoosi siyaasadeed iyo inaan lagu beddelin TPLF hannaan kale oo keligii-talis ah si loo xaqiijiyo dimuqraadiyad dhab ah iyo xasilooni waarta.

Dawlada federaalka ayaa qorsheyneysa in maamul ku meel gaadh ah kadhisto gobalka Tigray , iyada oo durba soo baxaysa in Madaxweynihi h**e ee mamulka Getachew Reda uu markale noqon kara Hogaanka cusub

Ciidamada dawlada ayaa haatan kudhow magalada shire halka kooxda TPLF ay isugu aruurtay magaalooyinka Agirat iyo Axum oo dhaca xuduuda Eritrea

Abdulrazaq Hassan

04/10/2026

, : Ololaha doorashada xilibaanka golaha degaanka xaafada islii iyo maanta

  deegaanka Tigrayga waxa dib usoo noqday adeegyada shirkada Ethiopia telecom kadib Mudo 10 cisho ah oo ay ka maqnaayeen...
04/10/2026

deegaanka Tigrayga waxa dib usoo noqday adeegyada shirkada Ethiopia telecom kadib Mudo 10 cisho ah oo ay ka maqnaayeen guud ahaan gobalka .

shirkadda Ethio Telecom ee dawladdu leedahay ayaa inta badan deegaannada gobolka Tigray laga jaray habeenkii Khamiista, Sebtembar 14,2026 kadib marki kooxda TPLF ay amarka bixisay

Ciidamada dawlada ayaa maalin kahor lawareegay magalada kuwa oo maantana gaadhay aaga wukro oo 50 kilometers ujirta makele halka kooxda TPLF ay isku aruursadeen magalooyinka Agigrat iyo Axum oo dhaca Dhinaca xuduuda Eritrea

Abdulrazaq Hassan

  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Al Jazeera ku sheegay in aysan dhib ...
04/10/2026

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareysi uu siiyay Telefishinka Al Jazeera ku sheegay in aysan dhib u arag ama aysan kahor istaagi doonin Itoobiya inay hesho deked iyada oo loo marayo heshiis wadajir ah oo lagu isticmaalayo hal ama in ka badan dekedaha Soomaaliya si ay u adeegto danaha dhaqaale ee labada dal.

Television dawlada Fana ayaa lagu baahiyey qoraalkan

Badda

  Sida ay qortay wakaaladda Faransiiska ee AFP Kooxda TPLF ayaa ka baxday caasimadda Tigrey ee Maqalle ka dib markii mil...
03/10/2026

Sida ay qortay wakaaladda Faransiiska ee AFP Kooxda TPLF ayaa ka baxday caasimadda Tigrey ee Maqalle ka dib markii millateriga Itoobiya ay ka qabseen deegaannada Tigrey, Amxarada & Canfarta oo todobaadyo ka hor ay ku fideen.

Ka bixitaanka TPLF ee mekele ayaa ciidanka dawlada ka dhigaysa kuwa durba gaadhay bilow wanaagsan lakin aan kadhignayn guul k**a danbeys ah

TPLF ayaa hada isugu aruurtay Magaalooyinka Adigrat iyo Axum halka oo la rumeysan yahay in ciidanka dawlada ay ku adkaan doonto in ay sifudud ugu saaran Kooxaha isbahaysiga sidokale Walaaca amni ayaa sare ukacay kadib markii casimada Addis Ababa, Bahir dar ,debri zeyt iyo samara dhawaan lala beegsaday weeraro drone lagu fuliyey kuwa oo walaac xoogan ka dhaliyey gudaha Dalka

Abdulrazaq Hassan

  Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa u safray dalka Masar, halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha JFS, Xasan ...
03/10/2026

Madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa u safray dalka Masar, halkaas oo uu ku sugan yahay Madaxweynaha JFS, Xasan Sheekh Maxamuud, xilli xiisadda gobolka ay marayso meel xasaasi ah.

Dawlada Ethiopia ayaa albaabada uxirtay safarada Eritrea iyo masar kadib markii ay ku eedeysay in ay qayb kayihiin dagaalka gudaha Ethiopia

Si kamid wadamada Masar iyo Eritrea ayaa iyaguna qaaday talaabo kamid ah mida ay Ethiopia qaaday

Abdulrazaq Hassan

  Magaalada Addis Ababa waxaa ka socda  dabaaldega xuska   Irreecha Hora, kaas oo ay boqolaal kun oo qof isugu yimaadeen...
03/10/2026

Magaalada Addis Ababa waxaa ka socda dabaaldega xuska Irreecha Hora, kaas oo ay boqolaal kun oo qof isugu yimaadeen Fagaaraha Meskel si ay ugu dabaaldegaan maalinta ay bulshada oromada gooni da layihiin

Abdulrazaq Hassan

    Duqa magalada  Diridhaba ayaa loo magacabaay  Cabdulahi Aadan oo deegaanka Soomalida ka ahaa wasiir ku-xigeenka xafi...
02/10/2026

Duqa magalada Diridhaba ayaa loo magacabaay Cabdulahi Aadan oo deegaanka Soomalida ka ahaa wasiir ku-xigeenka xafiiska ganacsiga iyo gaadidka.

5-sanno ee h**e waxaa hoganaka magalada diredhawa soo haysay khadiir oo kasoo jeeda qawmiyada Oromada.

5 tii sanaba mar Somalida iyo Oromada ayaa midba Hogaanka u qabta magalada sida ku cad qaab heshiiseedka 40-40-20

Abdulrazaq Hassan

Address

Abdixassan2016@gmail. Com
Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdulrazaq Hassan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdulrazaq Hassan:

Shortcuts

Share