06/01/2026
War saxaafadeed wadajira oo ay soo saareen Wasaaradaha Arrimaha Dibada ee dalalka Imaaraadka iyo Itoobiya oo ay uga hadleen arrimaha gobolka ayaan haba yaraatee lagu soo hadal qaadin arinta aqoonsiga Somaliland.
Labada wadan waxay war saxaafadeedka kaga hadleen arimo badan oo ay ku jiraan arrimaha gobolka, waxay si wayn diirada u saareen xaalada Suudaan, waxay si wadajira u cambaareeyeen weerarada lagu hayo dadka shacabka, waxay si wadajira u dalbadeen in xabad joojin bani aadanimo oo degdega laga gaadho dagaalka Suudaan, waxaa kale oo Imaaraadka iyo Itoobiya si wadajira u codsadeen in gargaarka bani aadanimo loo fasaxo si degdega isla markaana aan la carqaladeyn, waxay ugu dambeyn ku baqeen in Dalka Suudaan loo dhiso dowlad rayid ah oo loo dhan yahay.
Waxaa xusid mudan in war saxaafadeedka wadajirka ah ee ay soo saareen Wasaaradaha Arrimaha Dibada ee dalalka Imaaraadka iyo Itoobiya aan haba yaraatee looga hadal arinta aqoonsiga Somaliland ( Labada wadan ma cambaareyn mana taageerin, way ka aamuseen.) halkaasi waxaa kaga muuqanaysa in war saxaafadeedka ay labada wadan soo saareen uu yahay mid la xisaabiyay oo eray kasta oo la odhanayo la miisaamay, waxayna tani muujineysaa in labada Dal ay dooneyn iney mowqif mideysan ka qaataan arinta Somaliland.
Halkaa maxaad ka fahantay.?