
22/08/2025
Waxaa markii ugu horreysay Deeganka laga fuliyay qaliinnada baddalka jilibka, miskaha (sinaha), iyo seedaha.
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa booqday Cusbitaalka Takhasuska Sare ee Sheekh Xasan Yabare oo toddobaadkii ugu danbeeyay waday ol'ole qaliin oo ay ka caawinayeen dhakhaatiir heer caalami ah oo ka socday Hay’adda Iskaashiga Caalamiga ah ee Turkiga, ayna ka faa'iidaysteen 30 bukaan.
Qaliinnadan waxaa fuliyay koox isugu jirtay dhakhaatiir Soomaaliyeed iyo khuburo caalami ah oo ay TİKA u soo dirtay Deegaanka, waxaana fulinta qaliinnadan ku baxa malaayiin lacag ah balse bukaannadani ayaa hadda ku helay si bilaash ah, waana markii ugu horreysay ee meel ka baxsan caasimadda dalka ee Addisababa laga fuliyo qaliinnadani.
Madaxweynaha ayaa u mahadnaqay dhakhaatiirta fulisay qaliinnadani :"Tani waxa ay sii xoojinaysaa xidhiidhka, walaalnimada iyo kalgacaylka ka dhaxeeya labada dal ee Itoobiya iyo Turkiga, gaar ahaan Deegaanka Soomaalida. Ajir iyo xasanaad allaha idinka siiyo adeegani bilaashka ah eed soo gaadhsiiseen bulshada", ayuu yidhi Madaxwayne, Mustafe Muxummed Cumar.
Marar badan ayaa cusbitaalkan laga fuliyay qaliinnno ay ka caawiyeen dhakhaatiir ajinabi ah, taasi oo baajisay malaayiin lacag ah oo bukaannadaasi kaga bixi lahaa caafimaad ay udoontaan wadamo shisheeye; Daddaalkani waxa uu calaamad u yahay yididiilada mustaqbalka caafimaadka Deegaanka, gaar ahaan kor u qaadidda adeegyada takhasuska ah ee ay heli karaan bulshadu.