27/07/2026
Xukuumada DDS ayaa ansixiyay 6 garoon kubadeed oo cusub in laga dhiso gobolada deegaanka. Gobol kasta wuxuu doortay magaalada ku haboon ee laga dhisi karo magaalooyinka ay maamulaan, oo dhamaantood ma wada dooran xarunta gobolka.
Tusaale ahaan, Gobolka Liibaan oo ay xaruntiisu Filtu tahay, waxay ka doorbideen in garoonka laga dhiso Doolo Addo, oo ah magaalo istiraaji ah oo kobcaysa, horumar xawli ahna ka socdo.
Marka ay sidaa tahay, maamulka Gobolka Sitti iyo masuuliyiinta xukuumada ku matala ayaa iyaguna u doortay in Shiniile laga dhiso garoonka kubadda cagta ee Gobolka Sitti. Sidaad ogtihiin, Shiniile waa caasimadda gobolka, laakiin garoon baahi uma qabto iyo magaalayn toona. Sababtuna waa inay janbiga ku hayso magaalada Diridhaba, oo ay adeeg kasta ka hesho, isla markaana si kasta oo loo qurxiyo, Diridhaba ayaa qarinaysa.
Gobolkuna wuxuu u baahan yahay in la isku dheelitiro magaalooyinkiisa, oo uu yeesho magaalooyin kala fog fog oo ay adeegyadii magaalanimo u dhamaystiran yihiin.
Aragti ahaan, waxaa qurux badan in garoonka ay xukuumadu gobolka u ansixisay laga dhiso magaalada Ayshaca, oo ku taal meel istiraatiiji ah, muddoyinkii u dambeeyayna horumar xawli ah ku tallaabsatay, isla markaana dhawaan loo dhamaystiri doono corridorka waddada, taas oo ay dad badani ku dhiiran doonaan inay maalgashadaan.
Bal suurayso Ayshaca oo isla heshay garoonka iyo corridorka. Sow Diridhaba iyo Jigjiga uun la tartami mayso?