Habaqo Times

Habaqo Times news page

27/11/2025
23/11/2025
Madaxweyne Kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa furay kulan-weynaha maalgashiga ee gobolka Shabeelle iyo m...
08/07/2023

Madaxweyne Kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa furay kulan-weynaha maalgashiga ee gobolka Shabeelle iyo maamulka magaalada Godey.

Kulankan oo uu soo agaasimay Xafiiska Maalgalinta iyo Warshadaha DDS, ayna kasoo qeybgaleen Madaxwayne Kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan, masuuliyiinta xafiiska, hogaaminta degmooyinka gobolka Shabeelle, maamulka magaalada Godey iyo ganacstada magaalada Godey ayaa ah madal lagu bayaaminayay shuruucda dhulka iyo dardargalinta hawlaha maalgashiga ee degmooyinka, maamulka magaalada Godey iyo sidii fahan looga siin lahaa siyaasadda maalgashiga dalka iyo Deegaanka iyada oo la dhisayo guddiyada maamulka maalgalinta heer degmo islamarkaana la soo bandhigayo fursadaha maalgashiga ee gobolka ee sida beeraha, xoolaha, dalxiiska iyo warshadaha.

Madaxweyne Kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan oo furay kulanka ayaa sheegay in dawladdu ay qaadatay dardargalinta malgashiga iyada oo la saxayo caqabadaha ka jira dhanka maalgashiga, islamarkaana lagu dhiirigalinayo maalgashadayaasha in ay maalgashadaan dhulkooda oo la abuuro fursado shaqo abuur.

Qiimaynta warbixinta waxqabadka sannad-miisaaniyeedka 2015-ka t.i ee xafiisyada heer deegaan oo muddooyiinkii u dambeeya...
06/07/2023

Qiimaynta warbixinta waxqabadka sannad-miisaaniyeedka 2015-ka t.i ee xafiisyada heer deegaan oo muddooyiinkii u dambeeyay ka socday madasha shirarka ee Xafiiska Qorshaynta ayaa galay maalinkii shanaad.

Waxaana maanta la qiimeeyay xafiisyada adeegga shacabka, warfaafinta, curinta iyo tiknoolojiyadda iyo xafiiska maaliyadda.

Madaxwayne kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan oo goobjoog ka ahaa qiimaynta maanta ayaa tilmaamay in nidaamkan cusub ee lagu qiimaynayo waxqabadka xukuumaddu uu yahay nidaam ku salaysan halbeegyada iyo ujeeddada fog ee ay xafiisyadu u aasaasan yihiin, sidoo kalana yahay qaab-qorsheed qiimayneed oo 70% awoodda saaraysa shaqada xafiisyada; halka markii h**e ka ahayd mid ka duwanayd islamarkaan la qiimayn jiray waxyaabo aan munaasab ahayn.

Madaxwayne kuxigeenka DDS ayaa sidoo kale tilmaamay in Xafiiska Qorshaynta & Horumarinta Dhaqaalaha ee Deegaanku uu hoggaaminayo qiimayntan, islamarkaana uu qiimeeyo waxqabadka xafiisyada heer deegaan.

02/07/2023

Madaxweyne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa soo kormeeray dhul beereedka Gabi iyo Harawa.

Magaalada Diridhabe oo lagu qabtay kulanka wadatashiga maalgashiga. Kulankan oo ka qabsoomay New Sesta hotel ee magaalad...
30/06/2023

Magaalada Diridhabe oo lagu qabtay kulanka wadatashiga maalgashiga.

Kulankan oo ka qabsoomay New Sesta hotel ee magaalada Diridhabe waxaa ka qaybgalay Madaxwayne Kuxigeenka DDS mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, masuuliyiinta Xafiiska Maalgalinta iyo Warshadaha DDS, maamulada dagmooyinka gobolka Siti iyo maalgaliyayaal kala duwan oo isugu jira kuwa Deegaanka iyo dalka dariska ah ee Jabuuti.

Kulankan ayaa lagu soo badhigay fursahada Kala duwan ee dhinaca maalgashiga ka banaan iyo caqabadaha jira ee ubaahan in wax laga qabto oo maalqabeenadu dhankooda soo bandhigeen.

Madaxwayne Kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan oo ka hadlay kulankaas ayaa hoosta ka xariiqay in guud ahaan Deegaanka Soomaalidu qani ku yahay khayraad kala duwan islamarkaana ku haboon maalgashiga kala duwan ee dhinaca waxsoosaarka beeraha, xoolaha iyo warshaydanta, wuxuuna intaas ku daray in maalqabeenada looga fadhiyo in ay la yimaadaan qorshe cad oo ka turjumaya waxqabadkooda halka maamulada heer gobol iyo heer degmo looga baahanyahay in ay kaalintii kaga aadanayd ee hogaamineed ka gaystaan.

Madaxwayne Kuxigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa cadeeyey in xukuumad ahaan maalgaliyayaasha lala garab joogo wixii dhiirigalin ah ee dhanka xukuumada jira.

23/05/2023
Waftiga sare ee uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan ayaa booqday Degmada Erer.Waxayna soo...
23/05/2023

Waftiga sare ee uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan ayaa booqday Degmada Erer.
Waxayna soo indho indheeyeen goobaha waxbarashada, beeraha iyo xarumaha dhalinyarada.

Madaxweyne kuxigeenka DDS ayaa dhagaxdhigay maktabadda bulshada degmada Hadhagaale.Madaxweyne kuxigeenka DDS Mudane Ibra...
21/05/2023

Madaxweyne kuxigeenka DDS ayaa dhagaxdhigay maktabadda bulshada degmada Hadhagaale.

Madaxweyne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan ayaa dhagaxdhigay dhismaha maktabadda bulshada magaalada Hadhagaale oo ka mid ah mashaariicaha uu fulinayo Ururka Horumarinta Soomaalida, waxaana madaxweyne kuxigeenka DDS oo munaasabadda dhegaxdhigga ka hadlay uu sheegay in bulshada looga baahan yahay in ay ka faa'iidaystaan maktabadda oo carruurta ku dhiirrigaliyaan in waxbarashadooda la horumariyo.

21/05/2023

Address

Dire Dawa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Habaqo Times posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share