dire studio

dire studio our company is currently working wedding planning,advertising,decoration,video production studio.

Wafdi ka socda heer federaal iyo heer deegaan oo ay wehelinayaan hoggaaminta Maamulka Magaalada Qabridahar ayaa soo korm...
18/03/2024

Wafdi ka socda heer federaal iyo heer deegaan oo ay wehelinayaan hoggaaminta Maamulka Magaalada Qabridahar ayaa soo kormeeray Mashaariicaha horumarineed iyo Adeegbixinta Xarumaha dawlada ee M.M.Qabridahar.

Wafdigan oo hawlo shaqo ujooga gobolka Qorraxey ayaa waxaa hogaaminaya Wasiir kuxigeenka Wasaarada Haweenka ee JDFI Marwo Huria Ali, waxayna kormeereen waxqabadka horumarineed ee M.M.Qabridahar, si loo xaqiijiyo yoolalka u dajisnaa Xisbiga Barwaaqo ee dhinaca horumarinta magaalooyinka deegaanada iyo dalka.

Masuuliyiinta M.M.Qabridahar ayaa wafdiga u soo bandhigay waxqabadka iyo qorsheyaasha ay hiigsanayaan.

Wafdiga ayaa bogaadisay horumarka ku dayashada mudan ee isbadalkii kadib ka curtay M.M.Qabridahar, intaas kadib waxay booqdeen iskaashatooyinka iyo shaqsiyaadka loo sameeyay shaqo-abuurka iyo Jaamacada Qabridahar, kuliyada TVET-ka iyo cusbitaalka guud ee Qabridahar.

dire studio

Wasiirka Wasaarada Beeraha JDFI  iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa gaadhay degmada Erer ee gobolka Siti.Dr. Girma Amant...
18/03/2024

Wasiirka Wasaarada Beeraha JDFI iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa gaadhay degmada Erer ee gobolka Siti.

Dr. Girma Amante, Wasiirka Wasaarada Beeraha JDFI iyo wafdiga uu hogaaminayay oo wali ku guda jira shaqooyinkii dabagalka iyo taakulaynta iskugu jira ee dhinaca horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ayaa gaadhay degmada Erer ee gobolka Siti iyadoo wafdigu inta uu safarka ku sii jiray lagu soo dhawaynayey tuulooyinka ku yaala wadada isku xidha Diridhabe ilaa iyo xarunta degmada.

Kadib Masuuliyiintu ayaa kulan la yeesheen qaybaha kala duwan ee shacabka xarunta iyo tuulooyinka miyiga ee degmadaasi si loo dhagaysto tabashooyinka jira ee la xidhiidha dhinaca biyaha, xanuunada ku dhaca beeraha, su'aasha beeraha Huurso iyo waliba xal u helida dadka barakaca ee ku sugan degmadaasi.

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida.

dire studio

Dad ka badan 66kun oo qof ayaa lacago kala baxay bangiga ganacsiga   itoobiya habeenimadii sabtidu soo galaysay.Lacagta ...
18/03/2024

Dad ka badan 66kun oo qof ayaa lacago kala baxay bangiga ganacsiga itoobiya habeenimadii sabtidu soo galaysay.

Lacagta lala baxay ayaa lagu sheegay inay ka badan tahay 2.4 bilyan oo birr.

25 kun oo kamid ah tiradaas ayaa bangigu sheegay inay lacago direen ama xawileen maalintii ay cilladu soo wajahday bangiga.
Ardeyda jaamacadaha ayaa ilaa haatan loogu baaqayaa inay soo celiyaan lacagaha.

Xigasho: wargeyska Fortune
dire studio

Fursado shaqo banan
11/03/2024

Fursado shaqo banan

Soon qaad wanagsan dhaman umada muslinka meelkasata oo ay jogaan
10/03/2024

Soon qaad wanagsan dhaman umada muslinka meelkasata oo ay jogaan

Wafdi baladhan oo ay hogaaminayso Gudoomiyaha wasarada jinsiyadaha ee dalka itoobiya marwo  salamawit dhawit ayaa kormee...
23/02/2024

Wafdi baladhan oo ay hogaaminayso Gudoomiyaha wasarada jinsiyadaha ee dalka itoobiya marwo salamawit dhawit ayaa kormeer shaqo kuso gaadhey
ismaamulka dir dhabe .

Wafdigan baladhan ayaa waxa garoonka diyaarada ee ismaamulka dir dhabe kuso dhaweyey hogaaminta sare ee ismaamulka dir dhabe sido kale waxa lagu wada in ay ka qayb gali donan wafdigan madal dood cilmiyeed ah oo ay soo diyariyeen ururka etio France ee ka qabsomi dona dir dhaba .

Sido kale wafdigan ayaa waxa lagu wada in madasha ku wehelin doona wasarada jinsiyadaha ee dalka itoobiya qaybteda dir dhaba

dire studio

Shir-madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika oo socon doona 17- 18 bisha February 2024 ayaa manta ka furmay caasimada dalka ...
17/02/2024

Shir-madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika oo socon doona 17- 18 bisha February 2024 ayaa manta ka furmay caasimada dalka ee Adis Ababa.

Ajandayaasha iyo qodobada ugu muhiimsan ee Shir-madaxeedkani hogaaminta Afrika ee sanadkan aya diirada lagu saaraya waxbarashada, sida lagu cadeeyey war kasoo baxay Xafiiska Warfaafinta JDFI, waxaana xusid mudan in Itoobiya ay wax badan ka qabatay Tayada Waxbarashada, iyadoo dib u habeyn lagu sameeyay siyaaasadii Waxbarashada ee 1986dii ladajiyay.

Shir-madaxeedkani ayaa waxaa kasoo qeyb-galay dhamaan hogaaminta wadamada Afrika, qaar ka socda wadamada caalamka, madaxda hay'adaha caalamiga ah oo aay ugu horayso QM.
dire studio

Fursado shaqo oo Ka Banaan Xafiska Cafimaadka Ee Ismaamulka diri dhabeZero Experience ka faiideysi wacan
13/02/2024

Fursado shaqo oo Ka Banaan Xafiska Cafimaadka Ee Ismaamulka diri dhabe
Zero Experience ka faiideysi wacan

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Marwada koowad ee Dalka Marwo Zenaj Tayajaw ayaa xadhiga ka jaray Wa...
13/02/2024

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Marwada koowad ee Dalka Marwo Zenaj Tayajaw ayaa xadhiga ka jaray Warshada Furunka iyo Daqiiqda oo maalintii soo saaraysa 300 oo kun oo xabo oo Rooti ah.

Raysal wasaaraha JDFI, oo ka hadlay Madasha xadhig ka jarka Warshada Furunka iyo Daqiiqda oo ay hirgalisay Xafiiska Marwada 1aad ee dalka, Marwo Zenaj tayajaw ayaa sheegay in Mudadii uu ku sugnaa Deegaanka uu arkay mashaariicaha muga leh ee ka socda Deegaanka sidoo kalena ay soo dhagax dhigeen Mashruuca Dalxiiska Shabeellay oo qaabka loo dhisayo guud ahaan uu ka turjumayo dhaqanka soomaalida.

Raysal wasaaraha ayaa sheegay in shacabka deegaanku ay maanta haystaan hoogaankii ugu wanaagsanaa uuna Deegaanka Soomaalidu ujihaystay jidkii horumarka.

Dhankiisa Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa uga mahad celiyey Xafiiska Marwada 1aad Mashaariicaha ay ka hirgalisay Magaalada Jigjiga.

dire studio

Afarta kilaster ee miyiga Ismaamulka Dirdhaba waxa laga daahfuray barnamijka daryeelka deeganka ee bilaha xagaaga ee 201...
13/02/2024

Afarta kilaster ee miyiga Ismaamulka Dirdhaba waxa laga daahfuray barnamijka daryeelka deeganka ee bilaha xagaaga ee 2016T.I kaso halku dhig looga dhigay "helida daryeelka deganka oo isku dhafan waa horumarka cagaarinta deegaanka ".

Hadaba wafdi uu hor kacayo madaxa xisbiga Barwaaqo lantiisa Diri dhabe Mudane Ibrahim Yusuf ayaa ka daahfuray kilasterka waaheel gaar ahan qabalaha halow buusa.

waxana halkasi sidiiran uguso dhaweeyay shacab waynaha ku dhaqan kilasterkaasi.

Mudane Ibrahim Yusuf Madaxa xafiska Xisbiga Barwaaqo lantiisa Diri dhabe ayaa carabaabay in shaqoyinki daryelka deganka ee sanaddi h**e shaqoyin wanagsan lagaso hooyay ayna mudantahay in lasi xoojiyo.

Address

Dire Dawa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when dire studio posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share