Xogta ismaamulka diri dhabe

Xogta ismaamulka diri dhabe Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xogta ismaamulka diri dhabe, News & Media Website, dire dawa finance, Dire Dawa.

Kulan looga hadlayo dardargelinta qorshaha horumarinta wadooyinka ee Jigjiga ayaa lagu qabtay magaalaada jigjiga.Kulanka...
17/10/2024

Kulan looga hadlayo dardargelinta qorshaha horumarinta wadooyinka ee Jigjiga ayaa lagu qabtay magaalaada jigjiga.

Kulankan ayaa waxaa hogaaminayay Madaxweyne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan, iyadoo looga hadlay dardargelinta horumarinta wadooyinka ee jigjiga.

Kulanka oo lagu soo bandhigay halka ay shaqooyinku marayaan ayaa Madaxweyne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan waxa uu soo jeediyey jihooyinka ugu habboon ee lagu dardargelinayo shaqooyinkan horunarineed.

Ugu dambanytii kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Madaxa Xafiiska Madaxweynaha DDS, Duqa Maamulka Magaalada Jigjiga iyo bahwadaagta gacanta ku haysa shaqada horumarinta wadooyinka ee Jigjiga.

 | wafti balaadhan oo uu horkacayo wasiirka wasaarada gaadiidka iyo saadka ayaa ismaamulkani dir dhabe soo gaadhay.Dirir...
16/10/2024

| wafti balaadhan oo uu horkacayo wasiirka wasaarada gaadiidka iyo saadka ayaa ismaamulkani dir dhabe soo gaadhay.

Dirir 06/2017

Wafdi u horkacayo wasiirka Gadiidka iyo Saadka ee uu horkacayo wasiirka Gadiidka iyo Saadka ee Dalka Dr Alamu Sime oo ay ku weheliyaan Mareyaha Shirkada Tareenka Ethio-Djibuoti ee DalKa Eng. Takale Uma Mareyaha Horumarinta Warshadaha Dalka Dr Fasiha Yitagasu Mareyaha Gadidka Bada iyo Saadka Dalka Dr Barisa Amalo Ayaa Sidiran Loguso Dhaweyay Garoonka Calamiga Diyaradaha ee Ismamulka Dirdhabe

Wafdigan ayana Waxa kuso Dhaweyay garoonka calamiga diyaradaha ee ismamulka Dirdhabe Masuliyiin uu Horkacayo Duqa Ismamulka Dirdhabe Mudane khadiir johar iyo masuliyiinkale duwan

Wafdigan ayaana u Kuurgalay soo indha indheynta Rugta Ganacsiga Xorta iyo Sabada Qalalan ee Ismamulka Dirdhabe

xigasho:- DDMMA

waxaa la sheegay in dir dhaba la leedahay xidhiidh walaaltinimo magaaloyinka dalka shiinaha.Xisbiga barwaaqo ayaa si dha...
15/10/2024

waxaa la sheegay in dir dhaba la leedahay xidhiidh walaaltinimo magaaloyinka dalka shiinaha.

Xisbiga barwaaqo ayaa si dhaw wada shaqayn dhinacyo badan tabanaysa kala dhexaysa xisbiga haya talada dalka shiinaha iyado dhinacyada waxbarashada, awood kobcinta iyo iskaashiga arrimaha waxsoosaarka warshadaha iyo horumarinta beerahaba ka wada shaqeeya.

Booqosho ay ku imaaden wafti ay hor kacayso marwo faan guyifan oo ah danjiraha dalka shiinaha u fadhida itoobiya iyo masuliyin ka socday xarunta dhexe ee xisbiga barwaaqo ayaa magaaladani dir dhaba soo gaadhay iyago soo booqday xarunta ganacsiga xorta, horumarka laga sameyay wax soo saarka beeraha iyo waliba dhabada xadiidka cusub ee dareenka.

Ugu danbaynti ayaay waftigani kulan la qateen duqa ismaamulka mudane khadiir jawhar waxayna isla meel dhigeen sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidbka magaaladani dir dhaba iyo magaalooyinka dalkaasi shiinaha.

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard! Asad Abdirizak Nor, Ceydaruus Cabduqaadir Yuusuf, Mohamed...
15/10/2024

Shout out to my newest followers! Excited to have you onboard! Asad Abdirizak Nor, Ceydaruus Cabduqaadir Yuusuf, Mohamed Mahad, Cabdirisaaq Cumar Fanax, M Amiin Abdalla, Abdisalam Mohamed Hashi, Abdulkariim M. Guraad, Mohamud Mahamed, Hayir Haghi, Osmail Ahmed Abdalla Osmail, Hassania Hayd, Ibrahim Buro, Axmed Duaale, Mohuyadin Abdilahi Mousa Dhagacade, Dayib Macalim, Umar Dhagacade, Taha Hassen, Shariif Bilar, Mahdi Abdulahi, Moha Ibra Hudeyfa, Abdullahi Omar, Mahad Osman Abdulle, Hambaa Seenaa Anniyyaa, Mohamud Adan Hashi, Abdulahi Karshe Baniin, Ahmed Wali Deria Guled, Mohammed Noorow Mallow, Osmaan Mohamed Jebshe, Mahamud Abdul Budul, Abdifatah Hasan Dhagajuun, Ali Heydar Mohamed Ahmed, Mohamed Farxaan Abdulahi, Cabdullahi Sheekh Maxamad, Sadam Cabdi, Abdourahman Abdillahi Omar, Abdisamed Ahmed Mohammed, Maxamed Siyaad, Axmed M. Yasin, Mohamud Ahmed Kilwe, Ali Issack Ibrahim, Ilyaas Farax Maxamuud, Hassan Abdirisak Coast, Abdalah Profeser, Mohamed Hersi, Abderrazak M. Ahmed, Hashim H Allabari, Abdirizak Aden Elmi, Abdirizak Garaad, Maxamad Aadan Sur Sur, Shaafici A Khushiile

Meta-Facebook ayaa shaaca ka qaaday in ay hirgalin doonto barnaamij kor u qaadaya khibrada macaamiisha iyadoo la kaashan...
15/10/2024

Meta-Facebook ayaa shaaca ka qaaday in ay hirgalin doonto barnaamij kor u qaadaya khibrada macaamiisha iyadoo la kaashanaysa Itiyo-telekom

Meta-Facebook ayaa shaaca ka qaaday inay hirgalin doonto barnaamij lagu horumarinayo khibrada macaamiisheeda Itoobiya iyadoo la kaashanaysa shirkadda isgaadhsiinta ee Itiyo-telekom.

Maareeyaha shirkadda Isgaadhsiinta ee Itiyo-telekom Freehiwat Taamiru ayaa wadahadal istiraatijiyadeed la yeelatay Agaasimaha Horumarinta Ganacsiga iyo Iskaashiga Istiraatiijiyadeed ee Bariga Dhexe iyo Afrika ee Meta-Facebook Fikaas Menon iyo madaxda sare ee arrimaha gacan ka gaysan doona horumarinta khibradaha casriga ah ee macaamiisha.

Intii kulanku uu socotay, Meta-Facebook waxa ay ku dhawaaqday in ay go’aansatay in ay Itoobiya ka bilowdo barnaamij ay la kaashanayso Itiyo-telekom si kor loogu qaado isticmaalka xogta macaamiisha.

Muddada cusboonaysiinta baasaboorrada loo daabacayo macaamiisha ka weyn 25 sano ayaa laga dhigay 10 sano .Si loo dhimo t...
12/10/2024

Muddada cusboonaysiinta baasaboorrada loo daabacayo macaamiisha ka weyn 25 sano ayaa laga dhigay 10 sano .

Si loo dhimo tirada cusboonaysiinta baasaboorada, hay'adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa ku dhawaaqday in wakhtiga cusboonaysiinta baasaboorka ee macaamiisha da’doodu ka wayn tahay 25 sano oo horaan u ahaa shan sano laga dhigay toban sano.

 | wareegi labaad ee tababarka awood kobcinta ee u socda masuuliyinta ismaamalka dir dhabe ee xisbiga barwaaqo ayaa maal...
12/10/2024

| wareegi labaad ee tababarka awood kobcinta ee u socda masuuliyinta ismaamalka dir dhabe ee xisbiga barwaaqo ayaa maalintisi afaraad si habsami leh ku soo dhamaaday.

Tababarkani oo uu halku dhagisu yahay "Tamarta riyadu waa kobaca dhabta ah" ayaa maanta waxay musuliyiintu qaaten mawduuca ah "
Fikirka Dib u habaynta dhaqaalaheena waxaan ka gudbinayna dalka anago gaadhsinayna barwaaqo" ayaay koox koox uga wada xaajoonayaan masuliyiintu mawduucasi.

Ugu danbaynti ayaa waxaa galinki danbe ee maanta fah faahin dheeri ah ka siisay masuuliyiinta su'aalihi iyo fikradihi ay isla soo qaaten inti ay kooxo kooxaha u wada xaajonayeen wasiirada wasaarada dakbliga ee JDFI marwo aynalem nuguse.

Waxaana la filaya in uu tababarkani sii socon doono ilaa 7 bishani Dirir 2017

  waxaa la sheegay in dadaalada loogu jiro kor u qaadida tayada waxbarashada loo bahan yahay in ay bulshada ka qayb qaad...
10/10/2024

waxaa la sheegay in dadaalada loogu jiro kor u qaadida tayada waxbarashada loo bahan yahay in ay bulshada ka qayb qaadato.

| kodxin 30/2016 T.I
Iyado laga duulayo sidi agabka waxbarashada loo gaadhsin lahaa ardayda ay qoysaskoodu hayntoodu lidato ee ismaamulkani dir dhaba ayaa waxaa deeq agabka waxbarashada ah ismaamulka soo gaadhsiiyay maalqabeen lagu magacaabo tedhoros shifaraw oo hada ka hor ku noola magaaladani dir dhaba hadana ganacsiyo kala duwa ku leh xaruunta dalka ee magaalada addis ababa.

Deeqdani oo ah buuggaagta wax barashada ayaa waxaa qiimahoodu dhan yabay 5 boqol oo kun oo birr waxaana intaasi dheer in uu maalqabeenku 5 boqol oo kun oo birr oo kale ku caawiyay ismaamulkani dir dhaba is barnaamijka quudinta caruurta dugsiyada ay qab ugu noqoto.

Deeqdani ayaa waxaa ka gudoomay maalqabeenka kuxigeenka duqa ismaamulka dir dhabe ahna madaxa xafiiska ganacsiga, warshadaynta iyo maalgashiga ee ismaamulka mudane xarbi buux wuxuna uga mahad celiyay deeqdani iskugu jirta buuggaagta waxbarashada iyo lacagta uu ugu tala galay in ay qayb ka noqoto barnaamijka quudinta ardayda.

Mudane xarbi buux ayaa intaasi ku daray in ay gargaarka caynkani oo kale uu sii xoojinayo dadaalka loogu jiro tayaynta waxbarashada iyado ismaamulkani dir dhaba dugsiyada miyiga iyo kuwa magaaladaba ay ka jirto baahi dhanka agabka waxbarashada iyo waliba fidinta barnaamijka quudinta ardayda.

Geestisa waxaa sido kale uu sheegay mudane tedhiros shifaraw oo ah maalqabeen hada ka hor ku noolan jiray magaaladani dir dhaba in uu sii xoojin doono gargaarada caynkani oo kale isago hantiilayaasha kalena baaq u diray in ay is garab taagan ardayda si ay waxbarashadooda u wataan.

 | tababarki awood kobcinta ee lasiinayay masuuliyinta ismaamalka dir dhabe ee xisbiga barwaaqo ayaa maalintisi labad si...
10/10/2024

| tababarki awood kobcinta ee lasiinayay masuuliyinta ismaamalka dir dhabe ee xisbiga barwaaqo ayaa maalintisi labad si habsami leh looso gabagabeeyay.

Tababarkani oo uu halku dhagisu yahay "Tamarta riyadu waa kobaca dhabta ah" ayaa maanta waxay musuliyiintu qaaten mawduuca ah "
Han ka gudubno hadalada xanafta leh ee jabka ku ah taarikhda anago u gudbayna nidaam qaran" ayaay koox koox uga wada xaajoonayaan masuliyiintu mawduucasi.

Galinki danbe ee maanta ayuu Dr tasfaaye baljige oo ah u qaabilsanaha dawladda ee golaha wakiilada shacabka ee JDFI ayaa su'aalihi iyo fikiradi kasoo baxay wada xaajoodyadi ay yeeshen kooxihi loo kala qaybiyay masuuliyiinta.

 | Waxaa maalinti labaad xagiisi kasii socda tababarki ay qaadanayeen masuliynta ismaamalka dir dhabe ee xisbiga barwaaq...
10/10/2024

| Waxaa maalinti labaad xagiisi kasii socda tababarki ay qaadanayeen masuliynta ismaamalka dir dhabe ee xisbiga barwaaqo.

Tababarkani oo uu halku dhagisu yahay "Tamarta riyadu waa kobaca dhabta ah" ayaa maanta waxay musuliyiintu qaaten mawduuca ah "
Han ka gudubno hadalada xanafta leh ee jabka ku ah taarikhda anago u gudbayna nidaam qaran" ayaay koox koox uga wada xaajoonayaan masuliyiintu mawduucasi.

  waxaa gargaat qalabka lagu ilaaliyo nadaafada iyo bilicda xaafadaha ama waddooyinka magaalada la siiyay ururada ka sha...
03/10/2024

waxaa gargaat qalabka lagu ilaaliyo nadaafada iyo bilicda xaafadaha ama waddooyinka magaalada la siiyay ururada ka shaqeeya nadaafada magaaladani dir dhaba.

Barnaamij si heer sare ah looso agaasimay oo lagu siinayay ururadaasi abaal marin iyo agabka nadaafada ayaa ka qabsoomay beerta nasashada ee cali birra.

Ugu horayn waxaa ka hadlay madaxa xafiiska maareeyaha magaalada injineer jamaal ibrahim wuxuna sheegay in dadaalka ay wadaan ururada ka hawl gala xaafadaha magaalada iyo waliba kuwa ka shaqeeya kor u qaadida bilicda waddooyinka magaaladu ay qabteen hawlo lagu diirsado anaga ka xafiis ahana uu waajibaad nagasaran yahay in aan isgarabtagno oo aan taagero caynkani oo kale ah aan siino.

Geesta kale mudane cabdiraxmaan oo ah agaasinka wakaaladda ilaalinta nadaafada iyo bilicda ee magaalada ayaa sheegay in ay ururadani kadib marki lagu wareejiyay masuuliyada ilaalinta nadaafada iyo bilicda xaafadaha amaba waddooyinka ayaay si muuqata uga midho dhaliyeen hafafki laga lahaa taasina waxay ku mutaysten in ay abaal marintan iyo taageeradani la siiyo.

Mudane cabdiraxmaan ayaa intaasi ku daray in qorshe balaadhan oo ay hoggaaminta sare ee ismaamulku gaar ahaan duqa ismaamulka mudane khadiir jawhar uu horkacayay ay kasoo wadeen olole nadaafadayn ah oo toddobaad le ah taasi oo isbadil la taaban karo laga keenay korna loogu qaaday bilicda iyo nadaafada dir dhaba.

Labada kooxod keeba guusha u qalmay?
22/09/2024

Labada kooxod keeba guusha u qalmay?

Address

Dire Dawa Finance
Dire Dawa
00251

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xogta ismaamulka diri dhabe posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xogta ismaamulka diri dhabe:

Shortcuts

Share