Somali state youth unity

Somali state youth unity “Your daily dose of news, inspiration, and fresh perspectives. Stay informed, stay inspired!” waa page ujeedkiisu yahay inu dhiira galiyo mudnimada dhalinyarada

Saddexdan mataano ah ee idiin muuqda waxa maanta laga soo saaray gabadh uur lahayd (sawirka isla iyada ayaa ila wadaagta...
21/01/2025

Saddexdan mataano ah ee idiin muuqda waxa maanta laga soo saaray gabadh uur lahayd (sawirka isla iyada ayaa ila wadaagtay). In aad yaabban tahay waa macquul oo anigu ba sidaas baa aan u yaabay markii h**e. Xaaladda ay ku abuurmeen oo ah meel makaanka ka baxsan (ectopic pregnancy) h**e waa aan u aqaannay se waxa iga fajiciyay qudhayda waxa uu ahaa qaabsameyskooda (anatomy).

In ilmaha uurka ku jira—gaar ahaan saddexda bilood ee h**e—ay qaab ahaan u eg yihiin noolayaasha kale waa wax caadi ah oo faraca aynu wadaagno ayaa sabab u ah, balse in ay saa'id ugu ekaadaan noole kale sida xaaladdan oo kale waxa u sabab ah; ilmaha oo ku abuurma meel aan munaasib ku ahayn, sida tuunbooyinka ugxanta (follobian tubes). Kuwan sawirka ka muuqda naftarkoodu isla halkaas ayay ku abuurmeen sida aan sawirka raajada ka arkay.

Soomaalidu waxa ay u yaqaannaan xaaladdan "Ummusibyaan" waa magac ay wadaaddadu ka keeneen carabta oo iska khuraafaad ah, waxaana ay ku sheegaan in la ileeyay/cawryay ruuxa marxaladdan la kulma. Sidaas ayaa ay gabadhan lafteedu aammisnayd, aamminsanna tahay.

Waa xaalad dhif iyo naadir ah in saddex mataan ay ku samaysmaan meel ka baxsan makaanka hooyada.

W/Q Dr Mubarek Qowdhan.

11/01/2025

Ma xoog meel loo waayay baa mise waa xeelad shaqo?

07/01/2025

Xiliyada qaar oo ay jiraan awood ku wehilisa😂

Sawirkan waxa lagu magacaabaa "Runtii Qaawanayd" ama "Runta Ceelka Kasoo Baxaysa", Jean-Leon Jerome ayaa 1896-dii sawira...
06/01/2025

Sawirkan waxa lagu magacaabaa "Runtii Qaawanayd" ama "Runta Ceelka Kasoo Baxaysa", Jean-Leon Jerome ayaa 1896-dii sawiray, waxaana uu uga jeeday sheeko beri aan dhawayn dhex martay Runta iyo Beenta.

Wuxuu yidhi:

Maalin maalmaha kamid ah waxa kulmay Run iyo Been. Beentii ayaa Runtii ku tidhi " Runeey miyaadan maanta arkaynin sida uu jawigu u macaan yahay". Runtii oo shakisan ayaa cirka fiirisay waxayna aragtay in maanta daruuro jiraan qorraxduna ay hadh ku jirto, markaas ayay go'aansatay in ay bal maanta wax yar wakhti la qaadato Beenta.

Cabbaar markii ay socdeen ayay dul yimaaddeen ceel biyood. Beentii ayaa mar kale tidhi "Bal eeg ceelkan, waxay iga haysaa inaan ku wada dabbaalanno". Runtii oo shakisan ayaa ka walaacday soo jeedinya Beenta, waxayna lugteeda ku eegtay ceelkii oo dareentay diirrimaadkii iyo macaankii biyaha, waxayna Runtii iska bixisay maryihii oo biyihii ayay quustay.

Beentii ayaa markiiba la boodday maryihii Runta oo la baxsatay, Runtiina waxay isku dayday inay soo baxdo ceelka ay oo maryaheeda lasoo noqota, balse waxay aragtay in ay qaawan tahay oo cawradeeda la arki karo, waxayna markiiba ku noqotay ceelkii iyada oo xishoonaysa misana murugaysan.

Ilaa maanta Runtii iyadoo qaawan oo murugsan ayay ceel madow ku jirtaa, Beentiina dadka ayay ku dhex nooshahay iyada oo ku labbisan dharkii Runta.

✍️Deeq Deeq Macalin

06/01/2025

‘Ani xalay dhanba ma joogin xaafadahaayaga, hadda leen kusii socdaa’ ayuu yidhi.

Waan qabaa waxyaabo badan in sidaas la isku dhaafdhaafiyo!!

06/01/2025

“Waxaan u baahanahay magaalo Smart ah lkn magaalo Smart ah waxay u baahantahay dad Smart ah”

05/01/2025

Markii uunan qof is-xakamayn karin waa sidan oo kale🤣

29/11/2024

Muqaal yar oo si farshaxameysan hab taban wax uga dhahaya deeqaha caalamiga ah ee qaarada Africa🤔🤔

29/11/2024

ama laba eray ka dheh.

29/11/2024
15/09/2024

waxaa la yiri, Dagaal way ogayd heshiiskii dambiyo dawadiina ma oga ileen waa doqone!

Address

Dire Dawa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali state youth unity posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Somali state youth unity:

Share

Category