DHOGOR MEDIA

DHOGOR MEDIA Welcome to my Official page Dhogor Media where you can follow reliable and various News from around the World.
(3)

Liiska dalalka Caalamka ayaa waxaa ka soo muuqda Ismaamulka Soomaaliland oo hada loo aqoonsaday dowlad Rasmi ah markaad ...
18/09/2026

Liiska dalalka Caalamka ayaa waxaa ka soo muuqda Ismaamulka Soomaaliland oo hada loo aqoonsaday dowlad Rasmi ah markaad fiiriso dalalka liiskooda,,

Xafiiska Caafimaadka DDS ayaa abaal-marin Gudoonsiiyay Degmada God-god ee Gobolka Af-dheer abaal-marintan oo micnaheedu ...
17/09/2026

Xafiiska Caafimaadka DDS ayaa abaal-marin Gudoonsiiyay Degmada God-god ee Gobolka Af-dheer abaal-marintan oo micnaheedu yahay Hirgalinta Barnaamij Caymiska Caafimaadka bulshada ee sanadkii 2018T.I

Waxaa kulankii 1-aad wada qaatay waxgaradka beesha Jaamac Geeldoon oo uu ugu h**eeyo Suldaan Cabdullaahi Keydsane, iyo U...
16/09/2026

Waxaa kulankii 1-aad wada qaatay waxgaradka beesha Jaamac Geeldoon oo uu ugu h**eeyo Suldaan Cabdullaahi Keydsane, iyo Ugaaska guud ee Beel-waynta Waafate Ugaas Xuseen Ugaas Cabdi, iyadoo waxgaradku ay isla meel dhigeen in maanta laga bilaabo beesha Jaamac Geeldoon ay 6-Lix ku tahay 5-ta jufo ee ay beesha Waafate ka koobaan tahay Suldaankooduna yahay suldaanka cusbaa ee shalay lagu caano shubay Ee Suldaan Cabdullaahi Keydsane Salaad, talaabadan oo ay guud ahaan Waxgaradka iyo Boqorkooduba soo dhaweeyeen.

Soomaalidu waxay leedahay dhaqan u gaar ah kaas oo ah in ay hirgaliyeen qarniyo ka hor madal Ul dhaqan ah oo gundhig u a...
15/09/2026

Soomaalidu waxay leedahay dhaqan u gaar ah kaas oo ah in ay hirgaliyeen qarniyo ka hor madal Ul dhaqan ah oo gundhig u ah Midnimo iyo ismaqal, madashaan dhaqan ayaa ah Geed dhaqan oo u Aas-aasan si Guud masaaliixda Ummadda Soomaaliyeed iyo danahooda joogtada ah.

Waxaana maanta Degmada Cadaadle ee Gobolka Shabeelle lagu qabtay Munaasibad dhaqan oo lagu caano shubayay Suldaan Cabdullaahi Keydsane Salaad, oo ah suldaan cusub oo ay yeelanayso jufada (Jaamac Geeldoon) oo ah mid ka mid ah jufooyin hoosaadka Beel-waynta Waafate Muumin oo kamid ah beelaha daga Gobolka Shabeelle ee DDS.

Waxaana munaasibaddan maanta ka soo qayb galay marti sharaf kala duwan oo iskugu jiro Mas'uuliyiin Dowladda ah iyo Ururada bulshada qaybaheeda kala duwan Sida Odayaasha Dhaqanka, Dhalinyarada, iyo Hooyooyinka, Waxayna dhammaantood si wayn u soo dhaweeyay Suldaanka Cusub.

Waxaana allah uga baryaynaa in uu u fududeeyo ushan dhanka ah oo ay maanta beeshiisu ku caano shubtay Suldaankooda cusub Suldaan Cabdullaahi Keydsane Salaad, waxaana marka 1aad u rajaynaynaa in uu noqdo mid bulshadiisa mideeya una horseeda midnimo iyo wadajir buuxa.

 : Caasimadda 2-aad ee Deegaanka Soomaalida ee Magaalada Godey 05-01-2019.
15/09/2026

: Caasimadda 2-aad ee Deegaanka Soomaalida ee Magaalada Godey 05-01-2019.


  Degmada Cadaadle oo uu isbadal dhanka Koritaanka ah ka muuqdo taas oo ay ugu h**eyso jidadka Magaalada bilicda iyo ift...
13/09/2026

Degmada Cadaadle oo uu isbadal dhanka Koritaanka ah ka muuqdo taas oo ay ugu h**eyso jidadka Magaalada bilicda iyo iftiinka habeen iyo maalin-ba isku mid ka dhigay.

Masuuliyiinta Dowladda Hoose ee Cadaadle way ku mahadsan yihiin kuwii h**e iyo kuwan hada joogaba.

Waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha Ee Ugaas Miraad Layli lagu soo dhaweeyay wafdi iskugu jiro Suldaamo iyo waxgarad kuwaa...
12/09/2026

Waxaa maanta Garoonka Diyaaradaha Ee Ugaas Miraad Layli lagu soo dhaweeyay wafdi iskugu jiro Suldaamo iyo waxgarad kuwaas oo u socda midnimada iyo Wada-jirka bulshada Degmada Cadaadle iyo God-dheere iyo wacyi-galinta bulshada ee amniga xaduudka DDS,,

08/09/2026

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa ka hadlay Wadatashiga Qaran iyo Xaaladda siyaasadeed ee Dalka iyo Deegaanka.

08/09/2026

Wasiirka Xafiiska Dakhliga DDS, Mudane: Muxiyadiin Cabdi Faarax, ayaa ka hadlay munaasabaddii - oo ah Maalinta Horumarka Deegaanka Soomaalida. "Waxuuna Wasiirku si gaar ah u iftiimiyay muhiimadda uu leeyahay dakhliga oo la bixiyo oo ay kow ka tahay koboca dhaqaalaha iyo isku-filnaanshaha Hormarka sida Waxbarashada Caafimaadka iyo biyaha Nadiifta ah ee DDS.

Magacaabis Cusub:Xubnaha Maamulka ku-meel-gaarka ah ee Maamul-magaalada Har-geelle ee Gobolka Afdheer,
08/09/2026

Magacaabis Cusub:

Xubnaha Maamulka ku-meel-gaarka ah ee Maamul-magaalada Har-geelle ee Gobolka Afdheer,

Address

God Dere
God Dere

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when DHOGOR MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to DHOGOR MEDIA:

Shortcuts

Share