Caddaalada Gobolka Liban

Caddaalada Gobolka Liban Page-kan waxaan oga hadli doonaa arimaha ku saabsan gobolka liban wixii horumar iyo isla xisaabtan ah ayaan ku falanqeyn doonaa

05/07/2025

Gobolka Liban ma helin wixii uu mudnaa dadkiisa u ah hogaanka ayaa la dahay sorry

12/06/2025

Dollo Ado ma aysan helin wixii ay mudneyd magaalo lagu yaqiinay ganacsi, amni iyo xasilooni balse hada ma muuqato?

25/09/2024

Maxaadan ogeyn oo ka jira Degmada Doolow Ado ee gobolka Liibaan?

Degmada Doolo Ado ee gobolka Liibaan ee Dowlad Degaanka Soomaalida (DDS) waxaa maalintii Sabtida (21/09/2024) ka dhacay isku dhac dad shacab labo reer oo degmada wada deggan (Xawaadle iyo Masarre).

Rabshada degmada ka dhacday waxaa ku dhintay hal qof halka ay dad badan oo labada dhinac ah na ku dhaawacmeen, waxaa se la yaab ku noqotay shacabka degmada in maamulka gobolku ay soo xireen 48 qof oo shacab hal reer kaliya ah!

Xalay na waxaa dhacday arrin kale oo walaac iyo dareen ku abuurtay dadka degaanka taas oo ah in xalay habeennimo xabsiga lagala baxay 7 Oday oo ka mid ah shacabka xirnaa, ilaa haddana aan la garaneyn halka loo qaaday ayada oo aan ehelkooda loo sheegin halka la geeyay!

Odayaasha xalay xabsiga lagala baxay ayaa ah halbeel kaliya, aaway caddaladii iyo usinaantii dadka deegaanka mise waa waxkle oo aanan ogeyn ayaa jira.

Haddaba arrinka is weydiinta mudan ayaa ah DDS weli caadi miyay ka tahay in dad gaar ah la beegsado iyo habeen madow dad xabsiga lagala baxo oo aan masiirkooda la aqoon?

Dhanka kale, masuuliyiinta dadka xiran ku matala maamulka gobolka Liibaan iyo midka degmada Doolow Ado ma ka hadleen halka la geeyay odayaasha xabsiga lagala baxay?

Hadii aan xal loo helin arintaas caqabado horleh ayey abuuri doontaa oo indhaha laga fiirsado.

W/Q Cilmi Faradheere

Waa nasiib daro in Hogaan kasta ee la doorto uusan gobolka liban waxba uqaban wey arkaan in gobol kasta horumarkiisa wax...
11/03/2023

Waa nasiib daro in Hogaan kasta ee la doorto uusan gobolka liban waxba uqaban wey arkaan in gobol kasta horumarkiisa waxaan gaarsiiyay dadkiisa aaway kuwii kusoo waxbartay gobolka xaqiisa hala siiyo gobolka uhiili xildhibaan iyo Wasiir gobolkaaga Liban.

28/10/2022

Asc fiidnimo wnsgn reer Liibaan

Address

Jigjiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caddaalada Gobolka Liban posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share