JIGJIGA MEDIA TV

JIGJIGA MEDIA TV JIGJIGA MEDIA TV; Warbaahin Wax Dhista, Horumar Amni Iyo Adeeg Bulsho.

24/09/2026

Nabigu Scw Wuxuu na baray duco, hadii aad sadex...More

Gudoomiyaha Gobolka Faafan Mud: Khadar Ahmed Nur ayaa maanta bixiyay Warbixin lagu soo af-meerayay Film Decumentry ah oo...
23/09/2026

Gudoomiyaha Gobolka Faafan Mud: Khadar Ahmed Nur ayaa maanta bixiyay Warbixin lagu soo af-meerayay Film Decumentry ah oo ku saabsan wax-qabadkii sanadkii 2018 T.I ee Degmooyinka Gobolka Faafan oo maalmahan soo bixidoona kaas oo lagu soo bandhigi doono shaqooyinka uu gobolka faafan hormuudka ku yahay

22/09/2026

Sheekh C/rashiid Sh Cali suufi, waligaa ha is odhan...Seemore

Shirweynaha Guud ee Qaabdhismeedyada iyo Xubnaha Xisbiga Barwaaqo ee Laanta DDSWaxaa magaalada Jigjiga ka furmay Shirwey...
21/09/2026

Shirweynaha Guud ee Qaabdhismeedyada iyo Xubnaha Xisbiga Barwaaqo ee Laanta DDS

Waxaa magaalada Jigjiga ka furmay Shirweynaha Guud ee Qaabdhismeedyada iyo Xubnaha Xisbiga Barwaaqo ee Laanta DDS.

Shirweynahan waxaa si rasmi ah u furay Madaxa Arrimaha Xisbiga Barwaaqo ee Laanta DDS, Mudane Faysal Rashiid, waxaana ka qayb galay hoggaaminta iyo xubnaha qaabdhismeedyada Xisbiga Barwaaqo ee heer Deegaan, Maamul Magaalo iyo Degmo.

Shirweynahan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta wada shaqaynta iyo isku-duwidda qaabdhismeedyada xisbiga, is-dhaafsiga xogta iyo waayo-aragnimada, iyo ka wada tashiga arrimaha muhiimka u ah hawlaha iyo qorshayaasha xisbiga ee heerarka kala duwan.

Inta uu shirku socdo, waxaa sidoo kale la filayaa in laga wada hadlo qorshayaasha shaqo iyo sidii loo sii xoojin lahaa habsami-u-socodka hawlaha qaabdhismeedyada Xisbiga Barwaaqo.

Bandhiga buuga "Haye hooyo"Buuga haye hooyo oo uu qoray Cabdifataax Mahdi ( Baynax ) ayaa waxaa la soo bandhigayaa habee...
21/09/2026

Bandhiga buuga "Haye hooyo"

Buuga haye hooyo oo uu qoray Cabdifataax Mahdi ( Baynax ) ayaa waxaa la soo bandhigayaa habeenka sabtida maalinta jimcaha habeenimada sabtida

Buugan ayaa waxa uu ka hadlayaa baarinimada waxa uuna culayska saarayaa Doorka wax qabadka iyo xuquuda hooyada

Gudoomiyaha Gobolka faafan Mud: Khadar Ahmed Nur ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Qoraaga Buuga

Goobta Lotus Hutel
Goorta Sabti bacdal Makhrib

Buladari--Waxaa maanta Degmada Buladari lagu soo dhaweeyay maamulkii cusbaa ee dhawaan loo magacaabay Degmada Cusub ee B...
20/09/2026

Buladari--Waxaa maanta Degmada Buladari lagu soo dhaweeyay maamulkii cusbaa ee dhawaan loo magacaabay Degmada Cusub ee Buladari ee Gobolka Faafan

Wafdi balaadhan oo ka kooban maamulka Gobolka faafan, maamulka cusub ee Degmada Buladari, Xildhibaano, qurba-joog, iyo Wax-garad ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Buladari, u jeedka socdaalkan ayaa ahaa soo dhawaynta maamulka cusub ee Deg/Buladari

Soo dhawayn kadib maamulka iyo wax-garadka oo bulshada Buladari la hadlay ayaa bulshada ku booriyay inay xoojiyaan midnimada, nabada, iyo wax-wada qabsiga iyo sidii loo dhisi lahaa Degmada Cusub ee Buladari.

Harrawa--Waxaa Madasha- shirarka Ee Degmada Harawa Ka-qabsoomay Tababarka Maamulka Suuban Iyo nabadgaliyada oo  Loo-qabt...
19/09/2026

Harrawa--Waxaa Madasha- shirarka Ee Degmada Harawa Ka-qabsoomay Tababarka Maamulka Suuban Iyo nabadgaliyada oo Loo-qabtay Hogaaminta Qabaleeyada Degmada, Kaas oo ay ujeedadiisu ahayd sidii kor loogu qaadi lahaa garaadka siyaasadeed ee hogaaminta Qabaleeyada Degmada SM2019 TI.

Tababarkan oo uu furay Gudoomiyaha Degmada harraw,Mudane Maxamuud Sheekh C/qaadir ayaa hogaaminta qabaleeyada loo soo jeediyay Maamulka suuban iyo shaqooyinka looga baahan yahay hogaaminta wanaagsan, taas oo si qoto dheer loogu sharaxay hogaaminta, fahan buuxana ay ka qaateen waxa uu yahay maamulka suubani.Sidoo kalena waxaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xasiloonida iyo amniga Degmada, iyadoo xooga la saarayo ka hortaga khilaafyada iyo in khilaafkasta oo la xalinayo lagu eego maskax degan maamul wada jira.

Ugu danbayn waxaa la isla qaatay in xooga la saaro gudi ku shaqaynta iyo qorshe ku shaqaynta hogaaminta hoose ee Degmada, lagana midho dhaliyo qorshyaasha shaqo ee dhanka xisbiga, dakhliga, Nabadgalyada iyo dhamaan hal abuurada Xisbiga ee S.M 2019T.I.

Gabagabadii kulanka Hogaaminta qabaleeyada ayaa buuqday qaar ka mid ah Mashaariicda laga fuliyay Dekhliga Degmada ee kala ah dhismaha fooqa(G+1) ee Xafiiska Maamulka Degmada oo socda iyo Cagafta Louderta ee Degmada.

19/09/2026

21/1/ 2019 TI. DDS coomin Soon.

Garabka Dhalinyarada Iskaashiyada Xafiisyada heer Deegaan ee Xisbiga Barwaaqo ayaa maanta agabka waxbarashada oo dhamays...
17/09/2026

Garabka Dhalinyarada Iskaashiyada Xafiisyada heer Deegaan ee Xisbiga Barwaaqo ayaa maanta agabka waxbarashada oo dhamaystiran gaadhsiiyay 170 ardayda oo aan awoodin in ay iibsadaan ee wax kabarata Dugsiyada Maamulka Magaalada Shabeelay.

Munaasabadan maanta ka qabsoontay Magaalada Shabeelay oo qayb ka ah Tabarucaadka bilaha xagaaga ee doorka Garabka dhalinyarada iskaashiyada Xafiisyada heer Deegaan ee Xisbiga Barwaaqo ayaa halku dhig looga dhigay “Waxbarashada jiilka maanta, waa dhismaha mustaqbalka”

Waxaana kasoo qayb galay hogaaminta Magaalada Shabeelay oo uu kamid yahay Duqa Magaalada Shabeelay Mudane, Maxamed Daahir Jaamac, Gudoomiye kuxigeenka Xafiisyada heer deegaan ee garabka dhalinyarad Xisbiga Barwaaqo ",Marwo Masuul Cabdiqaadir iyo hogaaminta Garabka Dhalinyarada iskaashiyada Xafiisyada heer Deegaan ee Xisbiga Barwaaqo, iyada oo intii ay munaasabadu socotay halkaasi laga soo jeediyay kalmado ku saabsan wareejinta iyo gudoon agabka waxbarashada maadama oo lagu gudo jiro wakhtigii dugsiyada dib loo furayay ee sanad dugsiyeedka 2019TI.

Garabka Dhalinyarada iskaashiyada Xafiisyada heer Deegaan ee Xisbiga Barwaaqo oo mudooyinkii u dambeeyay wada barnaamijka Tabarucaadka bilaha xagaaga ayaa halkaas kasii wadi doona barnaamijyada la xidhiidha arimaha Tabarucaadka.

Faafan, DDS: Bahda Caafimaadka Gobolka Faafan ayaa lagu maamuusay dadaalka iyo waxqabadka muuqda ee ay ka qaateen horuma...
17/09/2026

Faafan, DDS: Bahda Caafimaadka Gobolka Faafan ayaa lagu maamuusay dadaalka iyo waxqabadka muuqda ee ay ka qaateen horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan hirgelinta Barnaamijka Caymiska Caafimaadka Bulshada.

Abaalmarinnada waxaa si wadajir ah u guddoonsiiyay Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cismaan Faarax, Madaxa Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida Eng. Maxamed Shaalle Isaaq, iyo Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS Dr. Muuse Axmed Ibraahim.

Gobolka Faafan ayaa ka mid noqday gobollada ugu horreeya ee lagu abaalmariyey hirgelinta barnaamijka, iyadoo Degmada Mula ay kaalinta koowaad ka gashay degmooyinka lagu abaalmariyey.

Abaalmarintu waxay dhiirrigelin u tahay dadaallada xafiisyada, degmooyinka iyo shaqaalaha caafimaadka ee ka shaqeeyay ballaadhinta iyo gaadhsiinta bulshada adeegyada Caymiska Caafimaadka Bulshada.

Address

Jigjiga

Telephone

+251972018985

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when JIGJIGA MEDIA TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category