Deegaan Media

Deegaan Media "Deegaan Media Codka Shacabka

Lacagta dadwaynaha in shaqsiyaad kooban urursadaan si aan sharciga waafaqsanayn waa danbi.Duqa dawlada hoose ayaa ka bil...
25/06/2026

Lacagta dadwaynaha in shaqsiyaad kooban urursadaan si aan sharciga waafaqsanayn waa danbi.

Duqa dawlada hoose ayaa ka bilaabay magaalada inuu ka ururiyo lacago kala duwan taasoo aan sharciga dawliga meelna kaga qornayn hadaba ujeedka duqa ayaa ah iyadoo lagu jiro xilli kala guura suurtagalnimada soo noqoshadiisuna aad u hoosayso kaga faa'iidaysto kuna shubto akoomadiisa uu shaqsiga u leeyahay.

Arinta la yaabkaleh ayaa ah baraarug la'aanta baahsan ee bulshada ganacsatada ka muuqata iyagoo hubsasho la'aan looga qaadanayo xadigaa lacageed ee badan.

Duqa dawlada hoose isagoo lacag xad dhaaf ah ka ururiya shacabka magaalada ayaa hadana riiga magaalada oo lacag u baahan uga baahaynaya bulshada lacag wax looga qabto cilad farsamo oo lasoo daristay.

Bulshada magaalada hartasheekha waxaan ogaysiinaynaa in ay ka foojignaadaan lacagahan aan ku dhacayn qasnada dawlada.

Deegaan Media Codka shacabka M.M.Harta

Maamulka Magaalada: Lix Sano oo Fadhiidnimo iyo Boobka Hantida ku caanbaxay ​Dhibaatada magaalada Harta-Sheekha ka taaga...
24/06/2026

Maamulka Magaalada: Lix Sano oo Fadhiidnimo iyo Boobka Hantida ku caanbaxay

​Dhibaatada magaalada Harta-Sheekha ka taagan kuma koobna oo keliya arrinta biyaha; waxaa jira dhibaatooyin kale oo intaas ka sii culus oo dhanka maamulka ah.

​Duqa Magaalada Harta-Sheekha, Mukhtaar Xasan, wuxuu xafiiska fadhiyaa muddo ka badan 6 sano. Muddadaas dheer ee uu xilka hayo, ma jirto wax horumar ama adeeg ah oo uu ku soo kordhiyay magaalada. Taa baddalkeeda, dakhliga iyo cashuurta laga ururiyo shacabka waxay si toos ah u gashaa jeebkiisa iyo koox (team) gaar ah oo ku xeeran.

​Xadgudubyada Maamul ee Sifada Cad u Muuqda:
Boobka Dhulka Danta Guud: Duqu wuxuu si sharci-darro ah u iibiyay qiyaastii 70% dhulkii danta guud ee magaalada, isagoo ka iibiyay ganacsato xulafo la ah oo qayb ka ah kooxdiisa.

Qorshaha Lacag Ururinta ee Xilliga Kala-guurka: Xaaladdii ugu dambaysay ee hadda taagan, wuxuu ku hawlan yahay inuu lacago xaddi weyn leh ka ururiyo ganasatada magaalada, isagoo ku andacoonaya inuu dhisayo wado laami ah, ka dibna lacagtaas loo soo celin doono.
​Su'aasha Taagan:

​Sifada ayay suurtogal u tahay in muddo 6 sano ah oo uu xafiiska fadhiyay uu dhisidda wadadaas ku guuldarraystay, haddana uu ku andacoodo inuu ku dhisayo wakhtigan lagu jiro xilliga kala-guurka ah?

​Tani waxay u muuqataa isku-daygii ugu dambeeyay ee hantida shacabka lagu boobayo ka hor intaan isbeddel maamul iman. Bulshada iyo reer Harta-Sheekha waxay u baahan yihiin gurmad degdeg ah iyo in sharciga lala tiigsado maamulkan ragaadiyay horumarkii magaalada.

Deegaan Media

Maamul-xumada iyo Musuqmaasuqa magaalada Harta- Sheekha (Halkee ku Baxdaa Lacagta Biyaha iyo cashuurta Shacabka?​Xaaladd...
23/06/2026

Maamul-xumada iyo Musuqmaasuqa magaalada
Harta- Sheekha (Halkee ku Baxdaa Lacagta Biyaha iyo cashuurta Shacabka?

​Xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Harta-Sheekha ma aha mid indhaha laga qabsan karo ama laga aamusi karo. Waxay maraysaa meel u baahan isbeddel iyo xisaabtan dhab ah, iyadoo adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada ay noqdeen kuwo loo adeegsado dano shakhsi iyo masuqmaasuq baahsan.

​Ceelka Biyaha Harta-Sheekha: Dakhli La Lunsaday iyo Dayactir Dayn Lagu Raadinayo ​Bulshada magaalada Harta-Sheekha waxay muddo dheer bixiyaan lacagaha biyaha si ay u helaan adeeg joogto ah oo tayo leh. Hase yeeshee, waxaa isa soo taraya cabashooyinka la xidhiidha hakadka joogtada ah ee ku yimaada biyaha magaalada iyo iswaydiinta rasmiga ah ee ku saabsan halka uu ku dambeyno dakhliga ka soo xarooda ceelka biyaha. Dadka deegaanka ayaa aaminsan in lacagahaasi ay ku dhacaan jeebad gaar ah, halkii loogu talagalay dayactirka iyo horumarinta adeegga biyaha.

​Xogta Tirokoobka Dakhliga ee Sannadkii U Dambeeyay: Cadadka Biyaha la Isticmaalay: Qiyaastii 42,000\text{ m}^3 (oo u dhiganta 210,000 oo foosto).Dakhliga ka Soo Xarooday:10,500,000 Toban milyan iyo shan boqol oo kun) oo Bir.

​Lacagtaas baaxadda leh ma muuqato wax lagu qabtay, lamana yaqaan meel ay martay. Sida ay sheegayaan ilo xogogaal ah, markii uu ceelkii magaalada u baahday dayactir degdeg ah, waxaa maanta magaalada looga raadinayaa lacag deyn ah oo dhan 1.5 Milyan oo Bir si loogu dayactiro. Arrintani waxay dhalisay su'aalo waaweyn oo ku saabsan maareynta dakhliga iyo hantidhawrka wakaaladda biyaha magaalada.

​Bulshadu waxay xaq u leedahay in si cad loogu soo bandhigo dakhliga soo xarooday, kharashaadka baxay, iyo in la sameeyo xisaab-celin furan oo daahfuran. Waa in la hubiyo in lacagta shacabka dib loogu celiyo adeegyada laf-dhabarta u ah noloshooda, gaar ahaan joogtaynta ceelka biyaha.

Deegaan Media

"Falaadhi gilgilasho kagama hadho."Xaqiiqada Jirta: Sawirrada baraha bulshada lagu baahiyo waxba k**a beddeli karaan xaq...
26/04/2026

"Falaadhi gilgilasho kagama hadho."

Xaqiiqada Jirta: Sawirrada baraha bulshada lagu baahiyo waxba k**a beddeli karaan xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta magaalada.Harta-Sheekha
Musuqmaasuqa waa arrin u baahan baadhitaan caddaalad ah, ee maaha mid lagu xallin karo sawir-siyaasadeed.

​Gunaanad: Waxaan leenahay, Guddoomiye Cabdikariim ha ogaado in indhaha shacabka Harta-sheekha ay ku soo jeedaan go’aannadiisa. Caddaaladdu waa inay ka sarraysaa haybta iyo saaxiibtinimada. Mukhtaar Xasanna sawirku k**a dhigayo mid ka nadiif ah eedaymaha loo haysto.

Waxa soo baxaya Xogo dheeraad ah in magaalada Harta-Sheekha ay wajahayso caqabad dhanka dhulka dan-guud ah, taas oo hort...
26/04/2026

Waxa soo baxaya Xogo dheeraad ah in magaalada Harta-Sheekha ay wajahayso caqabad dhanka dhulka dan-guud ah, taas oo hortaagan mashaariic muhiim u ah adeegga bulshada iyo waxbarashada carruurta.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in bishii la soo dhaafay uu qorshuhu ahaa in magaalada laga hirgeliyo Dugsi xannaanada carruurta ah (KG), kaas oo ay maalgelinaysay Dawladda Federaalka. hase yeeshee, mashruucaas ayaa fashilmay ka dib markii uu hor-istaag ku sameeyay Duqa Magaalada Harta-Sheekha, (Mukhtaar Xasan)

Duqa ayaa marmarsiiyo ka dhigtay in aanu xafiiskiisu hayn wax dhul dan-guud ah oo laga dhisayo dugsigaas, taas oo layaab iyo fashil ku noqotay dadka deegaanka iyo maamulka heer fadaraal.

Tani ma aha markii ugu horraysay ee Duqu uu is-hortaag ku sameeyo mashaariicda horumarinta. Sida ay xaqiijiyeen dad xog-ogaal ah:

Dhawaan ayay ahayd markii laga hor-istaagay culimo doonayay inay magaalada ka dhisaan **Markas Diini ah**, iyadoo markaasna uu Duqu ku dooday inaan dhul la heli karin.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhul badan oo loogu talagalay danta guud uu Duqa magaaladu si sharci-darro ah ugu wareejiyay **ganacsato gaar ah**, isagoo dhaafsaday lacago badan oo laaluush ah.

Waa wax laga xumaado in magaalada Harta-Sheekha oo leh baaxad dhul oo ballaaran laga waayo meel laga dhisayo dugsi loogu talagalay waxbarashada carruurta, taas oo muujinaysa maamul xumo iyo danaysi shakhsi ah oo curyaaminaya mustaqbalka jiilka soo koraaya.

Magaalada Harta-Sheekha, waxay u baahan tahay gurmad iyo isla xisaabtan deg-deg ah.Magaalada Harta-Sheekha, oo ka mid ah...
25/04/2026

Magaalada Harta-Sheekha, waxay u baahan tahay gurmad iyo isla xisaabtan deg-deg ah.

Magaalada Harta-Sheekha, oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan dhinaca ganacsiga, waxay maanta wajaheysaa xaalad la yaab leh oo dhinaca maamulka iyo qorshaynta ah. In kasta oo magaaladu ay leedahay dhul ballaaran oo danta guud ah, haddana waxaa caqabad weyn noqotay in la waayo meel loogu talagalay dhismaha adeegyada asaasiga ah, gaar ahaan dugsiyada barbaarinta carruurta (KG).

Sida nidaamka casriga ah ee horumarinta magaalooyinka uu dhigayo, dhulka waxaa loo qorsheeyaa si cilmiyaysan iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo adeegyada danta guud, halka marka labaadna loo qoondeeyo maalgashiga wax-soo-saarka sida warshadaha. Balse, Harta-Sheekha waxay u muuqataa mid ka fogaatay dhabbihii horumarka, iyadoo ay ka jirto qorshe-xumo baahsan oo saameysay adeegyadii bulshada.

Magaalada Harta-Sheekha waxay u muuqataa mid go’aankeedu uu gacanta ugu jiro hal shakhsi, waana Duqa Magaalada, Mukhtaar Xasan Waxaa xusid mudan in Duqu uu xafiiska fadhiyo muddo lix sano ah, haddana ilaa maanta ma muuqato waxqabad la taaban karo ama mashruuc weyn oo uu u qabtay magaalada iyo shacabka deegaanka. Ma jirto hay’ad ama guddi si dhab ah ugu dhiirrada inay daba-gal ku sameeyaan dhibaatooyinka maamul ee halkaas ka jira.

Waxaa jira walaac xooggan oo laga qabo hantida iyo dakhliga magaalada ka soo baxa. Wararka la helayo waxay sheegayaan in dakhligaas uu u qaybsamo laba dhinac:Qayb ka mid ah: Waxaa la siiyaa mas’uuliyiinta heer Gobol (Gobolka Faafan) si loo daboolo qaladaadka jira.

Qaybta kale: Waxay ku dhacdaa jeebka shakhsiga ah, iyadoo aanay jirin cid kula xisaabtamaysa hantidaas qaranka ee lagu takri-falayo.

Maamul-xumo & musuqmaasuq waxay caqabad ku tahay mustaqbalka iyo horumarka magaalada Harta-Sheekha, waxayna u baahan tahay gurmad iyo xisaabtan deg-deg ah.

Deegaan Media

Maalintaa madaxwaynuhu wuxuu ka cabanayay cadaalad darro cabudhin Xadhig iyo doorasho maanta oo uu madaxwayne yahay sana...
15/03/2026

Maalintaa madaxwaynuhu wuxuu ka cabanayay cadaalad darro cabudhin Xadhig iyo doorasho maanta oo uu madaxwayne yahay sanad waxaa dhacay xadhigii ugu badnaa waxaa gacanta dawlada ku dhintay dad badan oo mudaharaadayay waxa xabad lala dhacay dad aan hubaysnayn waana intii uu ka cabanayay

Alle ha u naxariisto Marxuum Yaxye Muxumad oo caawa fiidkii ay meleeshiyada Gobolka Faafan ku toogteen xaafadda Dudahida...
22/02/2026

Alle ha u naxariisto Marxuum Yaxye Muxumad oo caawa fiidkii ay meleeshiyada Gobolka Faafan ku toogteen xaafadda Dudahida ee magaalada Jigjiga.

Ilaahay samir iyo iimaan ha ka siiyo qoyskiisa uu ka baxay. Amin

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay, in Itoobiya ay u socdaan wada-hadallo lagu horumarinayo kaabeyaasha isku-xidha lab...
13/02/2026

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay, in Itoobiya ay u socdaan wada-hadallo lagu horumarinayo kaabeyaasha isku-xidha labada dal, sidoo kalena Somaliland uu ka hawlgalo Bangiga Itoobiya oo uu xarun ku leeyahay.

Madaxweyne Cirro waxa uu xusay, in ay Somaliland siinayso dhul bilaash ah maalqabannada iyo shirkadaha doonaya inay maalgelin ku sameeyaan Somaliland, kuwaas oo waliba loo samayn doono cashuur-dhaaf.

Address

Hart Sheik
Addis Ababa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Deegaan Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category