30/04/2020
Ururka lagu magacaabo ( AMARA NATIONAL MOVEMENT) ama dhaqdgaqaaqa Qaranka Amxaarada Qoraal uu qeeybiyey waxuu ku xusay in :-
1) La sameeyo Dawlad ku meel gaadh ah oo ay ka kooban yihiin dhammaan Xisbiyada iyo Ururada siyaasiga ah ee ka dhaqdhaqaaqa guud ahaan dalka lagu magacaabo Ethiopia waa Gumeysiga Abyssinia.
2) In Dastuurka hadda jira isbeddel lagu sameeyo gaar ahaan 15 qodob kamid ah mesha in laga saaro.
Waxaan ka soo qaadayaa qodobadaa kuwa ugu muhiimsan oo ay u dhigen in sidan lagu sameeyo.
-Cinwaanka dastuurka ee ku xusan Qomiyad, qoomiyado iyo shucuubta Ethiopia waa erey bixin nidaamkii hantiwadaagga iyo shuuciyadda waa in laga saaraa meesha laguna beddelo Dastuurka Dalka Ethiopia.
- Luqada Dalka waa in lagu soo cesho in ay tahay oo keli ah midda AMXAARIGA.
- Calanka dalku waa in uu noqda mid ka kooban oo keli ah saddexda midab ee Cagaar, Jaalle iyo guduud lagana saaro xiddigta dhexda ka muuqata.
- Waa in la baabiyo nidaamka Qowmiyadaha ku dhisan ee kililada , laguna beddelo nidaam kilil oo ku dhisan Juqraafiga, Qowmiyadaha,,luqada iyo diimuhu loo simanyahay. Haddii kale sida uu hadda yahay waxuu u muuqda qaabka la yidhaah Confederation.
Sidan hadda loo sameeyey waxaa dhib weeyn ku qaba Qowmiyadda Amxaarada oo degaano iyo megaalooyin ay iyagu lahaayeen lagu duudsiyey. Waxaa kamid ah Metekel ( Binushangu) Harar, Nazret,Dire Dawa, Awasa,Debrezet iwm intaba waxaa ugu shacbiyad badan qowmiyada Amxaarada, haddana waxba looga ma oggolo.
- Waa in megaalada Addis Ababa iyo Dire Dawa loo aqoonsada caasimada Xukuumadda Federalka. Nidaamka 40:40: 20 ee lagu duudsiyey dadka Amxaarada oo Dire Dawa iska leh uguna badan in la joojiyo. Waa in ay mesha ka baxdo sheegashada Oromada iyo Somalida ee Dire Dawe iyo Danaha khaaska ee Oromada ee Addis Ababa la joojiyo lana laalo sharciyadaa.
- Qodobka 39 ee Aaya ka talinta iyo gu'itaanka waa in mesha laga saaro. Ethiopia waa hal mana ay jirto dal ay qowmiyad gaar ah u sheegan karto.
- Golaha Federationka waa in qaab kilileedka ku dhisan Juqraafiga ee la sameeynayo ay si siman kilil walba tiro isleg loogu metelo.
-Ururka Amxaaradu in uu doorasho ka soo galo meel kasta oo Amxaaro iyo taageerayaashiisu deggan yihiin marka codka uu helo in loo beddelo boqolleeyo codadka ururada tartamey inta uu urur walba ka noqdo in uu xubnaha Baarlamaanka kuraasta helo.
-Qofka in la qiimeeyo xuquuqdiisa Sinjiyadda ee aan la qiimeeyn Qowmiyadda. Amxaarka mesha uu ku dhashey ay dalkiisa noqota xuquuqdiisana uu ku helaa oo aan loo riixin kilka Amara oo uusan u dhalanin.
-Waa in kililada lagu magacaabo magac Juqraafiyadeed oo laga guuro midka hadda ee qowmiyadaha.
Qodobada ayaa ugu muhiimsan waxyaabaha innaga inaga khuseeya una baahan in aan arrimaha ula soconno si dhifoonaani ku jirto.
Guusha waxaa uska leh shacabka Gobanimadoonka ah.
Qore:- Namus Yurub.