MAAN SHIIL MEDIA

MAAN SHIIL MEDIA Rugta Wararka iyo Warbixinada Soomaalida iyo Caalamka

🚨 WAR DEGDEG AH: Hoggaamiyeyaasha Tigray oo wajahaya khilaaf gudaha ah xilli dagaal cusub uu Itoobiya ka qarxay.Afar hog...
25/09/2026

🚨 WAR DEGDEG AH: Hoggaamiyeyaasha Tigray oo wajahaya khilaaf gudaha ah xilli dagaal cusub uu Itoobiya ka qarxay.

Afar hoggaamiye ciidan oo rug caddaa ah, kuwaas oo muujiyay shaki ku aaddan dagaalka cusub, ayaa la xiray. Waxaa ka mid ah Tadesse Werede, oo ahaa taliyihii guud ee ciidamada Tigray intii lagu jiray dagaalkii h**e. – Reuters

MAAN SHIIL MEDIA

Muftiga Guud ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Shiikh Saalax Al-Fawsaan ayaa fatwooday amar dhif iyo naadir ah, wuxuuna ...
25/09/2026

Muftiga Guud ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Shiikh Saalax Al-Fawsaan ayaa fatwooday amar dhif iyo naadir ah, wuxuuna ku baaqay in la jebiyo kooxda Xuutiyiinta Yemen; "Cid kasta oo isku dayda in ay gacan ula tagto xitaa hal taako oo ka mid ah dhulka barakaysan in la jebiyo waa waajibaadka ugu waaweyn iyo cibaado fadli badan, waxaana loo huri karaa nafta & jiritaanka iyadoo la raadinayo raallinimada Alle."

MAAN SHIIL MEDIA

Roobab mahiigaan ah ayaa sababay dhul-go’ ka dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka Sikkim ee waqooyi-bari Hindiya...
25/09/2026

Roobab mahiigaan ah ayaa sababay dhul-go’ ka dhacay meelo kala duwan oo ka tirsan gobolka Sikkim ee waqooyi-bari Hindiya, iyadoo ay burbureen dhismayaal iyo waddooyin.

Gobolka buuraleyda Himalayas ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay diiwaangeliyay roob ku dhowaad laba jibbaar ka badan celceliska caadiga ah.

MAAN SHIIL MEDIA

Dhaqdhaqaaqa maraakiibta maraya marin-biyoodka Bab al-Mandab ayaa Khamiistii wax yar hoos uga dhacay iyadoo Arbacadii oo...
25/09/2026

Dhaqdhaqaaqa maraakiibta maraya marin-biyoodka Bab al-Mandab ayaa Khamiistii wax yar hoos uga dhacay iyadoo Arbacadii oo tirada maraakiibta martay ay ahayd 26 markab.

Xogta gaadiidka badda ee shirkadda Kpler ayaa muujinaysa in 12 markab ay soo galeen marin-biyoodka, halka 14 kalena ay ka baxeen.

MAAN SHIIL MEDIA

WAR DEGDEG AH: Ciidamada Israa’iil ayaa ku sii siqaya aagga Wadi al-Ruqqad, oo ku yaalla miyiga galbeed ee Daraa, koonfu...
25/09/2026

WAR DEGDEG AH: Ciidamada Israa’iil ayaa ku sii siqaya aagga Wadi al-Ruqqad, oo ku yaalla miyiga galbeed ee Daraa, koonfur-galbeed Suuriya, iyagoo ridaya rasaas digniin ah, sida ay soo sheegeen warbaahinta.

MAAN SHIIL MEDIA

  Ciidamada Itoobiya ayaa habeenkii xalay dagaal la galay xoogagga Tigrayga, iyagoo iska caabiyay weerar ay koodu ku qaa...
25/09/2026



Ciidamada Itoobiya ayaa habeenkii xalay dagaal la galay xoogagga Tigrayga, iyagoo iska caabiyay weerar ay koodu ku qaadeen gobolka Canfarta, sida ay tibaaxayaan ilo dhinaca bani’aadannimada ah, dhanka kale, waxaa soo baxaya warar sheegaya in internet ka laga jaray qaybo ka mid ah waqooyiga Itoobiya.

Dadka deegaanka ayaa ka cabsi qaba in dib loo soo celiyo xaaladdii isgaarsiinta iyo internet ka looga jaray, iyo xannibaaddii sahayda ee gobolka lagu soo rogay intii uu socday dagaalkii 2020 ilaa 2022, kaas oo lagu qiyaasay inuu sababay dhimashada ku dhowaad 600,000 oo qof. - AFP

MAAN SHIIL MEDIA

Puntland oo u jawaabtay dadka ka soo horheestey in ay ka go'do Soomaaliya: "Puntland ma aha ganbar fadhiga lagu quruxsad...
25/09/2026

Puntland oo u jawaabtay dadka ka soo horheestey in ay ka go'do Soomaaliya: "Puntland ma aha ganbar fadhiga lagu quruxsado ee waa dad iyo dal isku-filan." — Agaasimaha-guud ee Wasaaradda Arrimaha-gudaha, Farmayeeri.

MAAN SHIIL MEDIA

Ugu yaraan 41 qof ayaa ku dhintay, halka 49 qof oo kalena la badbaadiyey, kadib markii doon ay ku degtay harada Tanganyi...
25/09/2026

Ugu yaraan 41 qof ayaa ku dhintay, halka 49 qof oo kalena la badbaadiyey, kadib markii doon ay ku degtay harada Tanganyika ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

MAAN SHIIL MEDIA

WAR DEGDEG AH: Qatar ayaa “si cad oo aan shaki ku jirin” u diidday sheegashada Netanyahu ee ku saabsan in Doha ay wado o...
25/09/2026

WAR DEGDEG AH: Qatar ayaa “si cad oo aan shaki ku jirin” u diidday sheegashada Netanyahu ee ku saabsan in Doha ay wado olole ka dhan ah Israel.

MAAN SHIIL MEDIA

Duulimaadyadii ku wajahnaa magaalada taariikhiga ah ee Lalibela ee Itoobiya ayaa maanta la hakiyay, kaddib dagaallo ka d...
24/09/2026

Duulimaadyadii ku wajahnaa magaalada taariikhiga ah ee Lalibela ee Itoobiya ayaa maanta la hakiyay, kaddib dagaallo ka dhacay meel u dhow Magaalada, sida ay sheegayaan xogaha.

Dhanka kale, dadka ku nool gobolka Tigray ee waqooyiga dalka ayaa bilaabay inay kaydsadaan raashin iyo lacag caddaan ah, iyagoo ka cabsi qaba in dagaallada dib u soo cusboonaaday ay isu roggi karaan colaad balaadhan oo gobolka saamaysa.

MAAN SHIIL MEDIA

Address

Addis Ababa
Jigjiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when MAAN SHIIL MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share