SRTV Somali

SRTV  Somali SRTV Somali
(1)

28/07/2025

Qaybta 1aad: Su'aalaha iyo talo-bixinadii uu golaha Xildhibaanada deegaanku usoo jeediyay Qorshaha Miisaaniyada deegaanka ee S.M. 2018 t.i.

28/07/2025

Kalfadhiga 9’aad Golihiisa 6’aad ee Golaha Xildhibaanada oo si rasmi ah usoo dhammaaday ayaa lagu ansixiyay bayaano kala duwan.

28/07/2025

Warka Fiidnimo ||SRTV|| tabinta:Faysal C/laahi.

28/07/2025

Jigjiga waxaa lagu qabtay kulan lagu qiimaynayo waxqabadka Xisbiga Barwaaqo ee waaxda maamulka hantida ee deegaanada dalka

28/07/2025

Odayaal dhaqameedka iyo waxgaradka ka soo jeeda degmada Tulli-guuleed ayaa kulan mahadnaq ah oo ay iskugu yimadeen ku soo dhaweeyay qaab dhismeedka cusub ee ay xukuumadu kusoo kordhisay Deegaanka.

28/07/2025

“Waxaan aad ugu faraxsanahay, si kal iyo laab ahna u soo dhawaynaynaa degmada Burqayar ee naloo ansixiyay,”Bulshada degmada Burqayar.

28/07/2025

Bulshada qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan magaalada Garbo ayaa si meeqaam sare leh u soo dhaweeyay qaab dhismeedka cusub ee Deegaanka lagu soo kordhiyay, gaar ahaan Maamul Maagalada loo ansixiyay ee magaalada Garbo.

28/07/2025

Kulan ay iska kaashadeen mac'hadyada Hiraad Institute iyo CRPP, oo looga hadlaayo doorka warbaahinta/saxaafada ee kahortagga colaadaha iyo dhismaha nabada xilligan casriga ah oo lagu qabtay magaalada Jigjiga.

Kal-fadhiga 9’aad Golihiisa 6’aad ee Golaha Xildhibaanada oo si rasmi ah usoo dhammaaday ayaa lagu ansixiyay bayaanno ka...
28/07/2025

Kal-fadhiga 9’aad Golihiisa 6’aad ee Golaha Xildhibaanada oo si rasmi ah usoo dhammaaday ayaa lagu ansixiyay bayaanno kala duwan.

Bayaannadan oo uu Golaha horkeenay Xafiiska Caddaaladda DDS, ayaa kala ahaa:

• Bayaanka Nidaamka Maamulka iyo Maareynta Mashaariicaha DDS – 2017
• Bayaanka Go’aaminta Nidaamka Keydka, Iskaashiga iyo Horumarinta Deegaanka Soomaalida – 2017
• Bayaanka Dib loogu Aas-aasay Xafiiska Maleeshiyada DDS – 2017
• Bayaanka Iibka iyo Maamulka Hantida Dawladda – 2017
• Bayaanka Go’aaminta Xuska Maalinta Tacadiyadii ka Dhacay Deegaanka Soomaalida – 2017
• Bayaanka Shaqaalaha Dawladda Deegaanka Soomaalida – 2017

Golaha ayaa ka dooday si qoto dheer, kadibna cod buuxa ku meelmariyay bayaannadan.

Kal-fadhigii 9’aad ee Golihiisa 6’aad ee Golaha Xildhibaanada DDS, kadib markay ansixiyeen bayaannadaas, waxaa si rasmi ah usoo xidhay kal-fadhiga Afhayeenka Golaha Xildhibaanada, Marwo Ayaan Cabdi.

SRTV Somali

Tuulada Horohawd waxaa laga daahfuray mashruuc waraab oo casri ah.Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waraabka JDFI, Mudane Dr. ...
28/07/2025

Tuulada Horohawd waxaa laga daahfuray mashruuc waraab oo casri ah.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Waraabka JDFI, Mudane Dr. Endrias Geta Baldada, Wasiirka Xafiiska Waraabka DDS Mudane Maxamed Faatax iyo Gudoomiyaha degmada Shabeeley ayaa furay mashruuc waraab casri ah oo laga hirgeliyay tuulada Horohawd, degmada Shabeeley ee gobolka Faafan.

Mashruucan oo lagu beerayo 330 hector oo dhul beereed ah ayaa waxaa si wadajir u fulinaya Wasaarada Waraabka iyo Dhulka Joogiisu Hooseeyo ee JDFI, Wasaarada Shaqada iyo Xirfadaha JDFI iyo Xafiiska Waraabka DDS ayaa mid casri ah oo loo adeegsanayo Artificial Darling, waana mashruuc ka qeybqaadanaya waxsoosaarka beeraha iyo tashiilka biyaha.

Wasiirka Xafiiska Waraabka DDS, Mudane Maxamed Faatax oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay Xafiiska Waraabku bilaabay mashruucan oo ka koobnaa 10 ceel biyood iyo dhul beereed dhan 330 hector isla markaana maanta la furay qeyb hordhac ah oo hanaanka waraabka loo adeegsanayo technologyiyad casri ah oo sahlaysa maamulka iyo maaraynta iyo tashiilka biyaha, Marka la dhamaystirana mashruucan ay ka faa'iideysan doonaan bulshada tuulada Horohawd ee degmada Shabeeley ee gobolka Faafan.

28/07/2025

Wasiirka xafiiska Maaliyada DDS, Mudane Dayib Axmed nuur ayaa kal-fadhigii 9'aad golihiisa 6'aad ka soo jeediyay warbixinta qorshaha miisaaniyada 2018-ka T.I.

28/07/2025

Shacabka ku dhaqan degmada cusub ee God-dheere ayaa dabaaldeg iyo mahad celin ku muujiyay taageerada ay u hayaan degmada cusub ee loo ansixiyay.

Address

Jigjiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SRTV Somali posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share