Murti

Murti Halkani waa bogga war murtiyeedka, faallada iyo wacyi galinta bulshada. FG: waxyaabaha laga soo xiga

Zohran Mohamood Mamdani; oo ah 33 jir kana mida xisbiga dimoqraadiga ed dalka Mareykanka ayaa ku guulaystay doorashada h...
26/06/2025

Zohran Mohamood Mamdani; oo ah 33 jir kana mida xisbiga dimoqraadiga ed dalka Mareykanka ayaa ku guulaystay doorashada hordhaca ah ee Maayarka magaalada New York.

Zohran waxa uu ku dhashay magaalada Kampala ee dalka Uganda, waxaana dhalay Mohamood Mamdani iyo Mira Nair. Mira Nair waa hooyadiisa waxa ay ahayd filin sameeyso Maraykan Hindiyana. Zohran oo jira 7 sano ayay sida ay Murti Media soo xiganayso qoyskoodu u guureen magaalada New York ee dalka Mareykanka, halkaas oo uu ka dhigtay iyo jaamacad ba. Zohran waxa uu aasaasay intii uu Jaamacadda ku jiray ururka ardayda ee cadaalad doonka Falastiin.

Zohran haddii doorashadan si rasmiya ugu guulaysto waxa uu noqonayaa qofkii Muslimka ahaa ee waliba koonfurta Asia ka soo jeeda noqday Mayorka magaalada New York.

Zohran waxyaabaha uu ku ololaystay waxaa ka mida:
1. Basaska dadwaynuhu raacaan in uu lacag la'aan ka dhigi doono
2. In uu samayn doono dukaamo waawayn oo ay dawladdu leedahay si loo dhimo sicir bararka maciishada
3. Dhimitaanka lacagta kirada guryahay
4. Dhismaha 200,000 oo guri oo qiimo jaban si loo dhimo guryo yaraanta

Waxyaabaha kale ee cajiibka ah ee laga hayo ninkan waxaa ka mida:
1. Shaydaanyahu hadii uu New York lugta soo dhigo anoo Mayor ah xabsigaan dhigayaa
2. Narandra Modi waa gacan ku dhiigle

Zohran waxyaabaha uu aadka taageerada ugu helay waa isticmaalka baraha bulshada gaar ahaan soo duubista muuqaallo yar oo kookooban oo uu kaga hadlayo maciishadda iyo sida loo dhimi karo sicir bararka iyo guud ahaanba arrimaha bulshada.

Akhriste ma isleedahay magaalooyinka deegaanka Soomaalida ee waawayni waxay u baahan yihiin Maayor la dootay? Gaar ahaan caasimadda Jigjiga?

War Deg-dega Waxaa la xaqiijiyay madixii Sirdoonka YH ee Moosaad in lagu dilay gantaalladii ay Iiraan Talaabiib ku garaa...
23/06/2025

War Deg-dega

Waxaa la xaqiijiyay madixii Sirdoonka YH ee Moosaad in lagu dilay gantaalladii ay Iiraan Talaabiib ku garaacaysay maalmihii la soo dhaafay.

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Iiraan iyo YH! ● Dagaalka Iiraan iyo YH ayaa waxa uu gaadhay marxalad uu ku fiday qay...
23/06/2025

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Iiraan iyo YH!

● Dagaalka Iiraan iyo YH ayaa waxa uu gaadhay marxalad uu ku fiday qaybo badan oo ka mida Bariga dhexe, ka dib markii uu Mareykanku weerar ku qaaday xarumaha Nukliyeerka lagu bacrimiyo ee dalka Iiraan.

● Iiraan oo weerarka Maraykanka ka jawaabaysa ayaa sii labo jibbaartay weerarada gantaallada ee dhanka YH. Iiraan ayaa sidoo kale weerar adag ku qaaday saldhigyada Militariga Maraykanka ee Qadar iyo Ciraaq.

● Magaalada Dooxa ee caasimada Qadar ayaa sida ay Murti Media soo xiganayso laga maqlay qaraxyo waawayn kuwaas oo ah beegsiga saldhigga Maraykanka ee magaalada Dooxa.

● Qadar ayaa dhankeeda qaqabatay gantaallo dhawra, wacayna sidoo kale sheegtay in ay hawadeeda xidhay.

● Dhanka kale wada hadal ay codsaday ISR ayay Iiraan gaashaanka u daruurtay. Iiraan ayaa sidoo kale sheegtay in ayna Maraykanka xataa wada hadal la galaynin.

● Dhinaca kale Madaxwaynaha Ruushka Faladamir Butin ayaa qaabilay wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Iiraan.

● Geeata kalena Pakistan ayaa sheegtay in ay si cad ula safan doonto Iiraan.

Maraykanka oo weerar ku qaaday Iiraan! Maraykanka ayaa xalay weerar ku qaaday xarumaha Nukliyeerka lagu bacrimiyo ee Iir...
22/06/2025

Maraykanka oo weerar ku qaaday Iiraan!

Maraykanka ayaa xalay weerar ku qaaday xarumaha Nukliyeerka lagu bacrimiyo ee Iiraan. Donal Trump oo arrintaa ka hadlay ayaa sheegay in ay ciidamada Maraykanku beegsadeen xarumaha Nukliyeerka Iiraan ee Fordow, Natanzi iyo Asfahan.

Iiraan oo weerarkaa ka hadashay ayaa dhankeeda sheegtay in ay goor h**e ka sii baaraandageen, ayna ka qaadeen dhammaan agabkii muhiimka ahaa ee yaallay xarunta Fordow oo ahayd xarunta ugu wayn ee lagu bacrimiyo Nukliyeerka Iiraan.

Trump ayaa sidoo kale Iiraan ugu hanjabay haddii ay nabad qaadan waydo in uu sii wadi doono duqaymaha. Iiraan oo arrintaa ficil kaga jawaabaysa ayaa goordhawayd weerar ku ekaysay Talaabiib, weerarkaas oo sida ay Murti Media soo xiganayso YH u gaystay khasaare ba'an.

Dhanka kale Trump ayaa weerarkan qaaday isaga oo aan oggolaansho ka haysanin golaha Sanadka Maraykanka. Xubno golaha Sanadka Maraykanka ka mida oo weerarkaa dhaleeceeyay ayaa sidoo kale codsaday in Trump xilka laga xayuubiyo.

Si kastaba ha ahaatee, ISR (YH) ayaa Isbuuc ka hor Iiraan weerar ku qaaday iyada oo qorshaheedu yahay in ay dagaalka toos u soo galiso Maraykanka.

Deg-Deg Dawladda Iiraan ayaa xadiday isticmaalka shabakadda Internetka guud ahaan dalkaba.
18/06/2025

Deg-Deg

Dawladda Iiraan ayaa xadiday isticmaalka shabakadda Internetka guud ahaan dalkaba.

Deg-Deg Dawladda Mareykanka ayaa shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Telaabiib iyo muwaadiniinta Maraykanka ah ba ka daa...
18/06/2025

Deg-Deg

Dawladda Mareykanka ayaa shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Telaabiib iyo muwaadiniinta Maraykanka ah ba ka daad-guraynaysa Is-raa-ii11 bad iyo cirba.

Netanyahu ayaa qiray jabka iyo xanuunka ay soo gaadhsiisay Iiraan, waxa uuna yidhi:  "Waxaa na soo gaadhay khasaare xanu...
18/06/2025

Netanyahu ayaa qiray jabka iyo xanuunka ay soo gaadhsiisay Iiraan, waxa uuna yidhi: "Waxaa na soo gaadhay khasaare xanuun badan, laakiin Is-raa'i11 gudaha wali way ka xooggan tahay"

Deg-Deg In ka badan 30,000 oo Y*u**huud*iyiin ayaa u baxsaday dhanka Giriigga iyo dhanka doomo ku baxsaday. Qiimaha doon...
17/06/2025

Deg-Deg

In ka badan 30,000 oo Y*u**huud*iyiin ayaa u baxsaday dhanka Giriigga iyo dhanka doomo ku baxsaday. Qiimaha doonta lagu raaco ayaa cirka isku shareeray ka dib dagaalka Iiraan iyo Isr**aa'i**11

Deg-Deg Telefeeshinka CNN ee laga leeyahay Maraykanka ayaa xaqiijiyay in xarunta looga taliyo sirdoonka Moosaad ee ku ta...
17/06/2025

Deg-Deg

Telefeeshinka CNN ee laga leeyahay Maraykanka ayaa xaqiijiyay in xarunta looga taliyo sirdoonka Moosaad ee ku taalla Telaabiib ay gantaallada Iiraan dhulka la simeen.

Deg-Deg Madaxwaynaha Turkiga mudane Rajab Tayib Erdoğan ayaa sheegay in ay bilaabeen soo saarista gantaallada ridada dhe...
17/06/2025

Deg-Deg

Madaxwaynaha Turkiga mudane Rajab Tayib Erdoğan ayaa sheegay in ay bilaabeen soo saarista gantaallada ridada dheer. "Si dhaqsa ah waxaan u gaadhaynaa awood difaac taas oo ayna cidina ku dhiirran karin in ay noogu babac-dhigto" ayuu yidhi Erdoğan.

Deg-Deg Dawladda Iiraan ayaa sheegtay in 48 saac ee u dambaysay ay ilaa 28 xubnood oo ka tirsan sirdoonka moosaad gacant...
16/06/2025

Deg-Deg

Dawladda Iiraan ayaa sheegtay in 48 saac ee u dambaysay ay ilaa 28 xubnood oo ka tirsan sirdoonka moosaad gacanta ku dhigeen, kuwaas oo sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay intooda badan la daldalay.

Deg-DegWarbaahinta Is**raa*iil ayaa xaqiijisay in 90% ay dawladda Iiraan gantaalada ay soo gamaysay la beegsatay goobo m...
16/06/2025

Deg-Deg

Warbaahinta Is**raa*iil ayaa xaqiijisay in 90% ay dawladda Iiraan gantaalada ay soo gamaysay la beegsatay goobo militari oo ayna la beegsanin shacab, taas oo khilaafsan hadalkii shaydaanyahu.

Address

Jigjiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Murti posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share