18/07/2025
W/Q Hogaanka Nabadgalyada DDS Mudane Abdikadir Rashid Duale
…………………………………………………………………………….
Nabadda Iyo Muhimadda Islamku Siiyay
ilaahay ayaa mahad leh nabad galyo iyo naxariis rasuulkeena muxamad ah dushiisa ha ahaato.
intaa kadib waxaan rabaa inaan kahadlo muhimada ay nabaddu kuleedahay islaamka dhexdiisa oo an doonayo inan waxyar ka iftiimiyo,markaan sidaas leeyahayna uma jeedo inan la ogayn ama aan lagaranaynin ahmiyada nabadgalyadu leedahay ee waxaan isleeyahay sidi loo baahnaa looma fahmin.
hadii aan muwduuca kusoo dhowaado walaalayaal nabadgalyadu muhimad khaas ah ayay uleedahay jiridaanka aadanaha iyo xayawaankaba, waxaana ladhihi karaa waa tiirka koowaad ee nolosha, hadaan nabadi jirin nololi jirimayso sida layidhi marar badan.
sharaxaad badan uma baahna arintaas, aadamuhu wuu ka qaxaa meeshii uu nabad kuwaayo sikasta oo ay qiimo ugu lahayd noloshii uu kuhaystay, xayawaanku wuu kahajiraa halka lagu waxyeeleyo barwaaqo kasta oo uu kuqabay.
sidaas darteed ayuu islaamka dowr weyn kaciyaaray adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinteeda waxaana ladhihi karaa waxay kamid tahay waajibaadka shareecadu uqasdiday in laxifdiyo.
islaamku isagaaba nabad galyo ah sida ku cad magaciisa, magacyada ilahay waxa kamid ah (Assalaam) oo micnaheedu nabadgalyo tahay,nabi muxamad(scw)waxa nalafaray markaan kusalinayno inaan niraahno(salalahu calayhi wasalim)oo micnaheedu yahay nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaato,salaadaha markan kabaxno waxa nala faray inaan nidhaahno (allahuma anta salaam waminka salaam) oo micnaheedu tahay ilahow adaa nabad ah xagaaga ayayna nabadgalyadu katimaadaa.
arimahaasoo dhan hadii aynu ilgaar ah ku milicsano waxa ay ina tusinayaan martabada ay nabadu islaamku kajoogto iyo qiimaha gaarka ee ay leedahay.
Diintanadu waxay nafaraysaa inaan adkayno nabadgalyada kuna dadaalno sidii loo ilaalin lahaa,waxay na amraysaa in nabad kuwada noolaanshaha mujtamaca ay tahay wajib muqadas ah oo mudan in la dhowro, alle(sw)waxa uu quraankiisa kariimka ah kuyiri (QOFKII NAF DILA WUXUU LAMID YAHAY ISAGA OO DADKA OO DHAN DILAY, QOFKII NAF NOOLEEYANA WUXUU LAMIDYAHAY ISAGA OO DADKA OO DHAN NOOLEEYAY) wuxuu kale oo yidhi (HA DILINA NAFAFYAALKIINANA)micnuhu ha isdilina wuxuu kale oo yidhi (QOFKII U DILA QOF MUMIN AH SI ULAKAC AH, ABAALKIISU WAA JAHANAMO XAAL UU KUWAARAYO, ILAAHAYNA WAA UCADHOODAY KORKIISA WUUNA NACLADAY WUXUUNA UDIYAARSHAY CADAAB WEYN)waxa kale oo isla aayadaas mida kahoraysa ilahay kuyidhi (SIDEDABA UMA SUGNAANIN QOF MU’MIN AH INUU DILO MU’MIN KALE ILAA SI K**A AH MOOYEE)wuxuu kale oo yidhi (KALIYA WAXA ABALKOODU YAHAY KUWA LADIRIRAYA ALLE IYO RASUULKIISA OO KUFIDINAYA ARLADA FASAHAAD IN LADILO AMA LASALBIYO AMA GACMAHOODA IYO LUGAHOODA ISDHAAF LOO JARO AMA ARLADA LAGA MASAAFURIYO, SIDAS AYAY WAXAY KU LEYIHIIN ADDUNYADA DULLI IYO HOOG AAKHIRANA WAXAY LEEYIHIIN CADAAB WAYN). Rasuulka(scw) wuxuu yidhi (muslim waxaa ah qofkii ay dadka kanabad galaan afkiisa iyo adinkiisa)wuxuu kaloo rasuulka (scw) yidhi (aduunyada oo suusha ayaa ilaahay kala fudud in qof muslim ah ladilo)wuxuu kale oo yidhi rasuulka(scw) xadiis micnahiisu ahaa (qofkii dila gaal ay muslimiintu nabadgaliyeen galimaayo janada mana urinayo carafteeda waxaana carafteeda laga uriyaa masaafo loo socdo afartan sano) wuxuu kale oo yiri (qofku k**a suulo in ay diintiisa waasac utahay hadii uusan galin dhiig xaraam ah)wuxuu kale oo yidhi (ha isdulminina,ha isxasdina ha isu cadhonina ha isu dhabarjedinina oo noqda adoomada allow walaalo)wuxuu kale oo yidhi(kadhowrsada qofka la dulmiyay habaarkiisa,maxaayeelay uma dhaxeeyo qofka ladulmiyay habaarkiisa iyo alle xijaab) Riwayad kale waxay ahayd (ka dhowrsada qofka ladulmiyay habaarkiisa gaalba ha ahaado haduu doonee).
walalyaal sidaas aan ku arkayno aayadaha quraanka iyo axadiista rasuulka ee arintan kahadlaysa oon ahayn intaas aan tusalaha usoo qaatay oo kaliya nabadgalyadu waa rukni asaasi ah oo muhiim u ah min qof ilaa mujtamac ummadda, marka waxaan shaki kujirin jiilka ku barbaara qawaaniintan, aamina oo si dhab ah urumeeya inay liibaanayaan adduun iyo aakhiro kuna naaloonayaan nolol farxad iyo raaxo leh, waxase nasiib darro ah in maanta markaad dadkeena ufiirsato in badan oo kamid ah ayan ku dhaqmin kana faa,iidaysanin dadkana ooga faa,iidaynin dastuurkan rabaaniga ah ee damaanad qaadaya badbaadinta basharka iyo bani aadamka idilkiis,waxaad arkaysaa meelo badan oo uu deegaankenu kamid yahay in banaysiga dhiiga oo sifudud loo daadiyo ay caadi tahay.
Akhristow waxa la ogyahay in diintanadu tahay diin samaxaad, diin cadaaladeed oo caadifo k**adhan iyo laablakac,diin basharka oo dhan udamaanad qaadaysa nabad iyo nolol,diin aan ogolayn dulmiga iyo jowrka,diin faraysa macruufka,munkarkana reebaysa,diin siinaysa qofkastoo xaqleh xaqiisa,diin gacanta kudhagaysa dulmiilaha doonaya inuu dunida fasaadiyo,diin dadka kaxoraynaysa inay dad kale adoomo u haadaan,diin kor uqaadaysa qiyamka,karaamada iyo sharafta qofka,diin dhiiri galinaysa horumarka,cilmiga iyo aqoonta,diin ladiriraysa jahliga iyo dib udhaca,diin doonaysa inay dunida kufaafto cadaalada,sinaanta,iyo kala dambaynta,diin aan ogolayn in qaanuunka lagu xadgudbo oo dhowraysa xuquuqul insaanka,diin ciqaabaysa dulmiilaha sharkiisana kabadbaadinaysa umadda,Diin…..diin….diiin.
runtii maanta dhaqanka dadka muslimiinta ah ee xaqiiqatan ku salaysan nacaybka waa mid ka fog diinta ay sheganayaan waana kan sababay cadaawada heerkeeda sareeyo ee loo qaaday iyaga iyo diintoodaba,halkii ay awal kadhici jirtay in qaabdhaqameedkii muslimiintii h**e oo kali ah ay ku soo islaami jireen mujtamacaad dhan oo malaayiin ah,sida ay sheegeen dadka taariikhda islaamka ukuura gala ee loo yaqaano mu,arikhiinta badankood.
Taariikhdu waxa ay marag katahay in inta islaamka ku gaaray sida nabadgalyada ah in la eg uusan ku gaarsiinin seefta tiiyo la ogyahay dhulalka islaamka kufurtay jihaadka xitaa uusan marna kadhicin cid lagu jujuubay diinta ee ay iyaga iskood si akhtiyaari ah uqaateen mabaadiida islaamka kadib markii ay arkeen inuu oga fiicanyahay dastuuradii dulmiga kusalaysnaa ee ay dowladihii laga xoreeyay kula dhaqmi jireen,sideedana marka aad udhabo gasho hadafka jihaadkii ay dowladaha islaamka ah kufurteen dunida dacaladeeda waxa aad arkaysaa in waxa ay kudduleen uu ahaa Nidaam dulmi iyo jowr kusalaynaa ee uusan ahayn waxa ay kuduuleen xoriyad iyo caqiido sida dad badani moodaan,taasina waxa daliil marag madoonto ah ugu filan inaan meelihii uu islamku qabsaday marna laga burburin dadkii ahlulkitaabka ahaa goobihii ay wax kucaabudi jireen diintoodiina aan lagu faro galin.runtiina waxa maanta haboonaan lahayd inay muslimiinta ku dhaqmaan nuxurka diinta ay sheeganayaan oo aan xaqiiqdii ahayn sida ay ufahmeen iyo inay badalaan wax naftooda kujira ee ay ku hoobteen si uu ilaahayna ubadalo xaaladooda maanta iyo ducfiga haysta ugu dambaystii waxaan ilaahay kabaryayaa inuu dadka muslimiinta ah tubta toosan waafajiyo.