Warsug Somali TV

Warsug Somali TV Welcome to RR Somali TV. Thank You! RR Somali TV

Kuso dhawoow talefishinka RR Somali TV. Mahadsanid! RR Somali TV

It is an independent Somali TV Channel that provides the latest news on local updates, world headlines, political updates, business, and entertainments throughout the whole Somali Community. Waa talefishin xor ah; shaqadisuna ay tahay u adeegida bulshada Somaliyeed. RR Somali TV waxaad ka helaysaa si joogta ah wararka dalka, adunka iyo sido kale barnaamij-yada siyaasada, ganacsiga, tariikhda, iyo madadaalada.

26/07/2025

Cabdirashiid Janan, Taliyaha NISA ee Jubbaland ayaa maanta Beledxaawo kusoo bandhigay ciidamo uu sheegay inay kasoo goosteen maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.Ciidamadan oo wata hubkooda ayaa waxaa xerada UK oo ay haatan ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya kusoo dhoweeyay Cabdirashiid Janan. Taliyaha NISA oo la hadlay ciidamada usoo goostay ayaa sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay kamid yihiin ciidanka qaranka, loona bilaabayo mushaar toos ah."Runtii waxaad qaadateen go'aan geesinimo leh markii aad aragteen xaaladda sida ay tahay, ogaada abaalkeeda waa la idin hayaa," ayuu yiri Janan, oo sidoo kale farriin u diray ciidamada u dagaalamaya Axmed Madoobe, wuxuuna ugu baaqay inay isaga soo tagaan oo ay qaataan nabadda, lana shaqeeyaan dowladooda.Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland oo ku aadan ciidamada la sheegay inay ka goosteen ee maanta lagu soo bandhigay magaalada Beledxaawo.

Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Soomaalida, Salaadiinta, Garaaddada, Ugaasyada iyo Culimada Diinta oo in muddo ah ku sugnaa...
25/07/2025

Odayaasha Dhaqanka Deegaanka Soomaalida, Salaadiinta, Garaaddada, Ugaasyada iyo Culimada Diinta oo in muddo ah ku sugnaa magaalada Addis Ababa ayaa soo-saaray war-saxaafadeed ay si adag ugaga hadleen xaalad quus ah oo uu ku Jiro Deegaanka Soomaalidu.

Waxa odayaashu ay ka hadleen dhibaatooyinka iskugu jira musuqmaasuqa, tacaddiyada, iyo gabbood-fallada kala duwan ee ay geysanayaan maamulka Deegaanku. Waxa kale oo ay soo-qaadeen dayaca dhinaca amniga, dilal ka dhacay deegaanka, Isku-dhufashada qabaa'ilka oo ay maamulku iska hor-keenayaan iyo kooxaha xagjirka ah oo galaangal u yeelanaya deegaannada xuduudaha, Iyadoo maamulka DDS uu u muuqdo hawlgab.

Waxa ay dawladda federaalka ugu baaqeen in la qaado tallaabooyin degdeg ah, sidoo kalena shacabka Soomaaliyeed ayay ugu baaqeen in ay midnimadooda ilaaliyaan, kana feejignaadaan kala-qaybinta iyo dabinnada uu maleegayo maamulka Mustafe Cagjar.

Wariye sheegta inuu arrimaha Africa ku xeeldheeryahay oo u dhashay dalka Turkiga ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray in ...
19/07/2025

Wariye sheegta inuu arrimaha Africa ku xeeldheeryahay oo u dhashay dalka Turkiga ayaa bartiisa Twitterka kusoo qoray in la duqeeyo dekadda iyo Airporka Boosaaso, isagoo ka careeysan in Puntland ay gacanta ku dhigtay Markab Turkey laga leeyahay oo kusii socday Muqdisho

Markabkii hubka waday ayaa lagu soo xiray dekeda magaalada Boosaaso, masuuliyiinta dawladda ayaa kusugan marsada, iyadoo...
19/07/2025

Markabkii hubka waday ayaa lagu soo xiray dekeda magaalada Boosaaso, masuuliyiinta dawladda ayaa kusugan marsada, iyadoo Puntland war kasoo saarayso Markabkan hubka sida, kaas oo cid sheegata la la’ayahay ilaa hadda.

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddaysay dhageysiga dacwo maamul oo u dhaxaysa Wasaaradda C...
17/07/2025

Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa muddaysay dhageysiga dacwo maamul oo u dhaxaysa Wasaaradda Caafimaadka iyo Golaha Mihnadlayasha Caafimaadka Qaranka, taasoo salka ku haysa muran sharciyeed-oo la xiriira cidda rasmiga ah ee leh awoodda magacaabista Xoghayaha Guud ee Golaha.
Tallaabadan ayaa markhaati u ah horumarka iyo madax-bannaanida sii kordheysa ee garsoorka dalka sanadihii u dambeeyay

DEG DEG: Dowlad Goboleedka Puntland ayaa hadda shaaciyey inaysan aqoonsanayn Maamulka SSC-Khaatumo, deeggaanadaasina ay ...
16/07/2025

DEG DEG: Dowlad Goboleedka Puntland ayaa hadda shaaciyey inaysan aqoonsanayn Maamulka SSC-Khaatumo, deeggaanadaasina ay kamid yihiin Puntland ilaa Shirweyne lagu kalabaxayo la qabanayo.

Address

Jigjiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Warsug Somali TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Warsug Somali TV:

Share

Category