04/09/2023
✌️Fadlan Akhri
Taariikhda_DHALLAANDHUUX
Magaciisa Sayniska waxaa la dhahaa - "Euphorbia Atrox". Waa geed gaab isku cufan oo qodax isisuran leh, jirrid ma leh, taas beddelkeeda laamaha ayuu biyihiisa ku keydsadaa, waxa uu ku badan yahay lamadegaannada iyo saxare-xigeennada badaha ku dhow, qarfejoog aan dhulka bacaadka ah ka bixin, waa cimriyaa. Bah ahaan waxa uu ka tirsanyahay bahdhireedka loo yaqaanno EUPHORBACIA.
Cananno sun ah ayuu leeyahay. Haddii ay qofka jirkiisa taabato dubka sare waa muldhisaa, indhaha iyo aaggaga jilicsan ee jirka uma roona, qodaxdiisa waa mid miibac ah aadna u xanuun badan, dhuuxa in soo taabato ma ahane ma istaagto.
Xooluhu waxa ay ka gooyaan ma leh, ubax yaryar oo shinidu malabka ka samayso ayuu leeyahay, waana kan sababa in malabku kuleyl noqdo dhuunta na xanfajiyo qofka ambada. Deyra qaybteeda dame kolkii meelaha uu ka baxo shinnidu qaaddo malabku kulayl ayuu noqdaa oo dadka yaqaano wey gartaan inay ku dartay dhallan dhuux. Ilaa 900 m joogga heerka badda ayuu ka baxaa.
Odeyaasha Soomaalidu laamihiisa qallalay iyo xididkiisa inta ah tuntaa bay bac ku guntaan, hadba shaahda ama tubaakada hahda aan lahayn bay ku bitistaan. Si kale, haddii aan u dhigno - waxa uu ku jiraa booska basbaasku ku jiro. Waa geed kuleyl cunnooyinka qaar lagu darsado. Shaaha Dhallaandhuuxa leh, waa mid ka muunad sarreeya kan kale, badina dadka waaweyn uun baa cabba.
Geedkani k**a baxo, dhulka joogga hooseeya, iyo bacaadka. Waxa uu eegtaa dhulka qarfooleyda dhagaxa isisuran ah. Waa cajiib waxa uu aad ugu soo dhow yahay geedka caanka ah ee laga sameeyo dhiilaha Soomaalida ee Qabada. Waa geed cajiib ah. Qabadu sida geedkaan oo kale ayaa sun tahay marka ay qoyan tahay in la gubo ma ahane lama g**o.
Hadii aad macluumaad dhraad ah ka hayso inad nala wadaagto waa soo dhoweyneynaa.
Fadlan sii Gaadhsii saaxiibadaa👇