22/07/2026
Waxaa isa soo taraya shilalka ay geystaan gaadiidka qaadleyda.
Maanta, gaadhi qaadle ah ayaa shil ku galay deegaanka Kudunbuur, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyooday hal qof. Shalayna, gaadhi qaadle ah ayaa degmada Birqod ku jiiray wiil. Maalmo ka horna, dhammaanteen waxaan ka war haynay shilkii galaaftay nolosha in ka badan toban qof.
Intaas waxaa dheer, gaadiidkan wuxuu dhibaato weyn ku hayaa bulshada, isagoo saameyn ku yeesha nafaha, caafimaadka iyo dhaqaalaha shacabka.
Waxaa lagama maarmaan ah in la adkeeyo ilaalinta shuruucda waddooyinka, lana qaado tallaabooyin lagu yaraynayo shilalkan soo noqnoqday si loo badbaadiyo nafaha shacabka.