
19/08/2022
Tukke bari ka yimid baan
Tusay boogahaygoo
U tilmaamay reerkoon
Tabi idhi dhanbaalkee
Taab gaabnidiisay
Naftu xadhiga tawseed
Ugu taagan tahayoo
La tawaawacaysaa
Tubtii doon miyaa wali?
Miyuu tuuray hadalkii?
Miyuu tiray jacaylkii?
Mise tulud raqdeed buu
Ugu taagan yahay geed?
Mise wuxuu tukanayaa
Faral iyo taraawiix?
Waxaan tacsi u dirayaa eheladda, qaraabadda iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed geeridii ku timid Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame “Hadraawi”. Wuxuu dhaxal murtiyeed oo jiillal isu sii dhiibi doonaan uga tagay Soomaalida iyo fanka iyo suugaantooda. Waxaan ku xusuusan doonaa halabuur iyo xikmad uu ku hantay inuu Soomaali oo dhan u noqdo hoggaamiye maskaxeed (thought leader), oo sadaradda kor xussan ay kamid yihiin. Allah yarxam!
- Mustafe Omer
Madaxwaynaha DDS