Yamyam iyo qadaadweyn

Yamyam iyo qadaadweyn waxbrasho tayo leh waa hadafkeena Guud.

20 Xeer aan la qorin balse muhiim ah ku dhaqankooda1. Haddii qof Mobile-kiisa ku tuso ha sii dhex gelin adigoo is leh ka...
10/07/2025

20 Xeer aan la qorin balse muhiim ah ku dhaqankooda
1. Haddii qof Mobile-kiisa ku tuso ha sii dhex gelin adigoo is leh ka gaarsii
2. Haddii aad guri booqanayso u sii sheeg inta aadan tagin. Dalaq ha isaga oran dad aadan la sii hadlin
3. Haddii aad tiraahdo waa ka xumahay ha sii raacin cududaar ama marmarsiiyo, hadii kale raaligelinti baa dilaysaa
4. Haddii qof Cunto kuu kariyo ugu yaraan maacuunka u dhaq ama weelki aad wax ku cuntay miiska ka qaad
5. Haddii qof gaarigiisa ku siiyo si aad hawl ugu soo qabsato, shidaal ugu sii shub ha u celin gaarigoo gaaski goosan raba
6. Sanka farta hala aadin adigoo waddo maraya ama meherad jooga
7. Ha waydiin in ay ku siiyaan ama ha iskala boodin halka wax u haray ee uu qofkaa keligood ka haysto sida cover, cake, charger, xanjo ama alaab kale
8. Marnaba ha ka sheekayn ama ha xaman qof kaa maqan haddii aadan wax fiican ka sheegayn
9. Dhegaha gasho sameecado haddii aad wax ku daawanayso ama dhagaysanayso adigoo jooga meel public ah
10. Haddii aad qof wacdo ama ku soo waco ha ku daarin sameecada adigoo dad dhex jooga
11. Haddii qof ama reer ku martigeliyaan, intaadan tagin sii hagaaji sariirta, ha kaga tagin is dhexyaac
12. Haddii qof wax isku haysataan ha ku murmina meel fagaare ah, murankiina la aada meel private ah oo ku soo dhamaysta
13. Ha iska xukmin qof wax aad ka maqashay darteed, adigoo dhinacooda dhagaysan
14. Ha ku tuurin qashin waddada dhexdeeda ama banaanka guriga
15. Haddii qof adeeg kuu qabto sida Timajare, Shaqaale meherad, iwm si gaar ah u sii lacag yar, hadaa awoodo, oo adeegga wanaagsan ay kuu sameeyeen ah
16. Xushmee oo xadhawr dadka kale arrimahooda & shucuurtooda gaarka ah
17. Marnaba ha ka jarin hadalka ama mobile ha ku mashquulin marki qof kuu sheekaynayo, sug markaaga intaadan waxaa rabto oran
18. Ha ugu faanin reerkaaga, lacagtaada, naftaada adigoo saaxiib ama dad la jooga, ha ku digan dadka
19. Ha isaga dhaygagin ama fiirin qof adigoo aan ka jeesanayn. Maxaa sidaa dhan ugu eegaysaa?
20. Dheh Mahadsanid haddii qof wax fiican kula wadaago sida qoraalkan oo kale, siina faafi

Maxaad ku sii dari lahayd? Xeerkee baa aragtaa la jabinayo maalin kasta?
Farah Cawaash

29/06/2025

Ciyaalka xaafada ayaa helay gabadha

16/06/2025

Qayb ka mid ah kelmadaha daran ee aan ururiyey!

"Noloshu way wanaagsaneyd ilaa aan lumiyey xasiloonida maskaxdeyda kedibna aan arkey runta dadka igu xeeren "

"Waxaan leeyahey qalbi aamina kara cid kasta iyo maskax aan xataa aamini karin qalbigeyga "

"Ha quusan waxaa ku sugaya qalbi jab kale oo cajiib ah "

"Noloshu waa film gaaban o ka sheekaynaya masiibo aan dhamaaneyn "

"Ma fahmin sababta uu qaddarku dadka qaarkiis u ogolaaday in ay kulmaan...marka aan la hayn hab ay ku sii wada joogii karaan "

"Ma garanayo sababta ay ugu yeedhaan qalbi jab. Waxa aad mooddaa hada in qayb kasta oo kale oo jidhkayga ka mid ah ay iyana jabtay "

"Waxaan jeclaan lahaa in ereyga "waan ka xumahay" uu bogsiin karo nabarradii aan muuqan ee la iiga tagay. ee aanu mararka qaarkood, sii kordhinayn xanuunka nabarrada "

"Waxa aduunka ugu murugada badan waa in aad jeclaato qof ku jeclaa."

"Markasta oo ay sii weynaato awooddaada jacaylka, waxaa badan doona awooddaada aad ku dareemeyso xanuunka "

"Way xanuun badan tahay inaad macsalaamayso qof aadan rabin inaad fasaxdo, laakiin waxaa ka xanuun badan inaad qof weydiisato inuu joogo markaad ogaato inuu doonayo inuu baxo."

"Qalbi jabka waa wax adag inaad xasuusato qofkaad ahayd ka hor intaanay ku jebin kedibna aad tusto qofka aad noqon karto ka dib markay ku jebiyeen "

"Qof walba laba jeer ayaad la kulantaa noloshan, marka ay yimaadaan iyo marka ay tagaan "

"Waan ku sugayaa ilaa ama aan ku ilaawo ama aad ogaato inaanan ku iloobi karin "

"murugadu waa qiimaha ugu sareeya ee aan ku bixinno jacaylka dhabta ah"

"Waa wax la yaab leh in qof jebiyo qalbigaaga, kadibna aad ku jaclaato qofkaas qaybaha yaryar ee u noqday qalbigaagu "

"Inaad dareento wax badan waa inaad ku dhammaato inaad dareento waxbaba."

"Waa inaad dhimataa dhawr jeer ka hor inta aanad si dhab ah u noolaan "

"Markaad qof siiso qalbigaaga oo dhan lakiin se uusan rabin, dib ugama soo ceshan kartid "

"Marna ma ogaan kartid sidaad u xoogan tahay ilaa aad ka xoog badanto doorashooyinkaaga."

"Mararka qaarkood waa inaan u dhaqannaa sida wax walbaa ay caadi yihiin si ay maalin uun u dhacdo taasi "

"Waxaan ku noolnahay adduun been abuur ah, waana sababta ay u adkaaneyso in la fahmo qofka aad tahay."

"In aan dhoola cadeeyo ayaa aad uga fudud in aan sharaxo sababta aan u murugaysanahay "

"Dadku waxay ii sheegaan in noloshu ay sii socoto, laakiin aniga, taasi waa waxa ugu xun ee aan maqlo "

"Waxaa laga yaabaa in waxa kaliya ee ka cabsi badan dhimashada ay tahay illowga sida dhabta ah loo noolaado."

"Bilawga cusub waxaa badanaa loo ekaysiiyaa dhammaad xanuun leh."

"Darbiyada aynu hareeraheena ka dhisno si aan murugada isaga ilaalino ayaa iyaguna farxadda inaga ilaaliya."

"Waan necbahay sida aad mar walba u qumman tahay, waan necbahay markaad been sheegayso, waan necbahay markaad iga qosliso, kaba sii daran markaad i ooyso. Waana necbahay markaad maqan tahay, iyo xaqiiqda ah inaadan isoo waceyn "

"Waxaa jira waqtiyo aan jeclaan lahaa inaan dib u rogo saacadda oo aan ka saaro dhammaan murugada, laakiin waxaan dareemayaa in haddii aan sidaa sameeyo, farxaddu ay sidoo kale tagi lahayd."

"Waxaad i tustay midabyo aad ogtahay inaanan cid kale ila arki karin "

"Waqtiyada wanaagsan ee maanta waa xasuusaha murugada leh ee berri "

"Dariiqa kaliya ee looga bixi karo shaybaarka silica waa cafiska"

"Aad bay iigu adkayd inaan aqbalo xaqiiqada ah in shakhsiyaad gaar ahi ay ku sii jiraan qalbigaaga laakiin aanay noloshaada ku sii jiri doonin "

"Xataa Haddaad dhimato, waxaan ka hinaasin doonaa dhulka jidhkaaga ku duuban."

"Waxaan qariyay dareenkayga si qoto dheer si fiicana ayaan u ilaaway hada meeshii aan dhigay."

"Waxaan ka baqayaa masiibo mar h**e dhacday "

"Hambalyo. Waad ka badbaaday dagaalka jacaylka Hadda la noolow dhaawiciisa "

"Caadi ahaan dhibaatooyinka waxaan ku xalliyaa inaan u ogolaado inay i cunaan "

Kee ku cajebiyay..?

SakariyeQayb ka mid ah kelmadaha daran ee aan ururiyey!

Deg deg Xadhiga Gerikoombe caawa magalada JigjigaWaxaa bilaabmay xadhig baahsan oo loo geysanayo dhalinyarta, ganacsatad...
10/05/2025

Deg deg
Xadhiga Gerikoombe caawa magalada Jigjiga
Waxaa bilaabmay xadhig baahsan oo loo geysanayo dhalinyarta, ganacsatada iyo cuqasha beesha Geri. Ujeedada uguweyn ayaa ah iney lagu eedeyay iney bilaabeen beeshu shirar Goosgoos ah oo ay kaga arinsanayaan tabashooyinka iyo aayahooda siyaasiga ah. Taasaa kaliftay in labeegsado qeybo kamid ah oo laxidhay 6 qof qaarkalana ilaahada laraadinayo.
1. Cabdiwasac AxmedNuur
2. Eng Hassen
3. Dr Cabdikariin
4. Abaadir Mahdi
5. Dicin
6. Ilaahada magaciisa maheyno.
Waxaa kale oo laraadinayaa 17 qof oo kale.

Damaca Oromada Ee TulliguleedTulli-guuleed waa degmo ka tirsan gobalka Faafan oo dhacda cidhifka waqooyi/barri ee deegaa...
19/08/2024

Damaca Oromada Ee Tulliguleed

Tulli-guuleed waa degmo ka tirsan gobalka Faafan oo dhacda cidhifka waqooyi/barri ee deegaanka soomaalida (DDS). Waxa ay Ood-wadaag ama deris la tahay Deegaanka Oromiya.jinacsani, makanis Waxa ayna ku taallaa dhul ban ah oo daaqsin iyo dhul beereed isugu jira.

Ku dhawaad muddo todobo sano ah waxaa ka aloosan xiisad colaadeed oo u dhaxaysa dadka degmadan iyo Oromada. Colaaddan oo ay wax-garadka iyo masuuliyiin degmadan kasoo jeedaa ku sheegeen mid soo taxnayd muddo nus-qarni ka badan ayaa waxay salka ku haysaa damaaci dhul-riixa oo ay Oromadu waddo.

Ma'aha oo kaliya in ay Oramadu adeegsadaan dagaal toosa. Waxa ay adeegsadaan xeelado kala duwan, sida: Jid-goyn, dhaca xoolaha, barakicin, dilal iyo. gubista guriyaha bulshada, goobaha adeeg bixinta (sida Iskuulada, xarumaha caafimaadka; iwm).

Haddaba taariikhi April 14, 2023 si xaaladdan colaadeed loogu helo xal waara waxay labada Madaxwayne ee labada deegaan (Soomaalida iyo Oromada) isugu yeedheen maamulada labada gobal iyo degmo ee labada dhinac (soomaalida iyo Oromada) kaa soo lagu qabtay magalaada Diridhaba. waxaana lagu heshiiyay in la joojiyo colaadda iyo wixii colaad keenikara. Nasiib darro, Oromadu waxay isla halkoodii ka billaabeen daan-daansigii iyo dagaal hurintii, waxa ayna dadka reer guuraaga ah ee Soomaaliyeed u diideen in ay xoolahooda waraabsaadaan. Sida oo kale, waxay duullaan aan guulaysan kusoo qaadeen qabaleeyada Degmada tulli guleed.

Heshiiskaas laba dhinac intii ka dambeysay waxa ay Oromadu duullaan ballaadhan kusoo qaadeen dhammaan xuduudaha ay dagmadu la wadaagto Oromiya. Goobaha lasoo weeraray waxaa kamid ahaa tuulooyinka: Ree Agamse (Tuliguled) Dhagaxyacad, shiil-casley (Tuliguled ama Sheekhmadaw(Tuliguled) iwm. iyo goobo kale. Waxaana duullaankaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxa ayna gubeen in badan oo kamida tuulooyinkii ay soo weerareen iyaga oo dhacay wixii hanti taallay sida ay xaqiijiyeen ilo-wareed xilkasa.

Dhinaca kale, waxaa jira dad soomaali ah oo dhex deggan Oromada oo iyagana loo gaystay dhibaato ba'an oo isugu jira dil, barakicin, dhac iyo xidhay. (Waxaa jira dad soomaali ah oo lagu xidh xidhay magaalooyinka: jinacsani iyo makanis.

Bilo ka hor waxaa weerar saf ballaadhan lagu qaaday dadka soomaalida ah ee deggan tuulooyin tiro badan oo ka tirsan Degmada tulli-guuleed. Dadkan maalinta dhawayd lasoo barakiciyay ayaa si habqaba qaarba jiho ugu carareen.

Waxyaabaha la yaabka leh ee ay dadka deegaanku kuu sheegayaan waxaa kamida in Oromadu dadka xoolo-dhaqatada ah ay maalin kasta ay dilaan. Cidina aan wax iska waydiin.

Ugu dambayntii, dadka Soomaaliyeed ee deggan qabaleeyada xuduuda Oromada u xiga ayaa filayana weeraro cusub oo uga yimaadda dhanka Oromada; maxaa yeelay waxay helayaan xogo tilmaamaya abaabul dagaal. Sidaa daraadeed, maamulka deegaanka maasuliyad ayaa ka saaran dadka reer tulli guleed.

27/06/2024

Jawaabta ree Djibouti ee Ku socota Ree somaliland ..

27/06/2024

Guul shacabka gobalka Sitti..
Waa Qori weyn oo ay ka furtren cadowga dhulkeena ku soo duuley ee Canfar.

22/06/2024

Dhegaha si feyso

09/06/2024

Deg-deg:- shir jaraa id oo ay wabteen odayaadha dhawanka metelada Shacabkii lagu tilaamay Korrooleyaadh iyo yamyam iyo qadaadweyn ee magaalada jijiga

Jigjiga waa casimada DDS Waxay astaan utahay Midnimada iyo dad wanaaga waana meel uso abtirsatay nabada iyo dad Jacaylka...
08/06/2024

Jigjiga waa casimada DDS Waxay astaan utahay Midnimada iyo dad wanaaga waana meel uso abtirsatay nabada iyo dad Jacaylka.
Waxaa fiican in laga fogaado hadalada qadafka ah ee caadifadysan ee keeni kara kala qaybinta iyo kicinta shacabka magaalada mana jirto wax la yidhaa kireeye iyo laga kireeye.

Waxan talo usoo jeedinaya cidwalba oo ku tartamaysa doorashada Magalada Jijiga
Inay si cad uso bandhigaan barnaamijkooda siyaasadeed iyo ololahooda oo ay ka fogaadaan hadalada dhawaca ku ah sharafta iyo Midnimada shacabka, shaqsiyaadka ku sifooba hadal nacaybka in hoos loo eego islamarkana sharciga la horgeeyo.

Bulshada Magalada Jijiga waxay u hamuun qabta inay mar uun milicsadaan is beddel siyaasadeed oo ku yimada suulka iyo saxiixa dadweynaha si cadaaladi ku dhehantahay wana la jooga wakhtigeedii.

Waxan ku boorinayaa shacabka caasimada Jijiga inay Wax dooran karaan lana dooran karo Xorna uyihiin Cida ay rabaan inay doortaan.

WA BILLAAHI TOWFIIQ
W/Q: musharax Ahmeddahir cali dheere

Qabiil kaligii magaalo dhisan kara, oo kaligii baahidiisa dabooli kara majiro, magaalo waxay magaalo ku noqotaa markay d...
08/06/2024

Qabiil kaligii magaalo dhisan kara, oo kaligii baahidiisa dabooli kara majiro, magaalo waxay magaalo ku noqotaa markay dad kala duwan kulmiso.

Deegaanka soomaalida meelaha ugu magaalaysan waa meelo ay dagan yihiin bulsho soomaaliyeed oo kallagadisan.

Nidaamka cusub ee magaalanimaduna waa kakeenay innay dadyow kalagadisan meel wadadagaan illaaqaad dhaqaale iyo mid is-dhexgala sammeeyaan.

Jigjiga ninka reer gaara siinayaa waa nin Aan caasimad nimadeeda ogolayn oo rabba innay tuulo ahaato, jigjiga waa caasimada soomaalida Deegaanka oo dhan matalaadeeduna intaas oo dhan ayey udhaxaysaa, Cidda Cid gaara kukoobtaa iyadaa cirka caasimad ku og.

Jigjiga caasimada Deegaanka soomaalida.
W/Q: Cabdiraxmaan Dahir

Dhammaan bulshada ku nool caasimada jijiga ee Team-ka Duqa Caasimadu ku tilmaameen Kirooleyaasha lagu wargalinayaa in la...
08/06/2024

Dhammaan bulshada ku nool caasimada jijiga ee Team-ka Duqa Caasimadu ku tilmaameen Kirooleyaasha lagu wargalinayaa in la iskugu iman doono kulan lagu gorfayn doono arrimaha doorashooyinka iyo Hadalkii gafka ahaa ee lagula kacay shacabka Cashuurta bixiya ee degan caasimada jijiga.

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yamyam iyo qadaadweyn posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share