RUGSAN POST MEDIA

RUGSAN POST MEDIA HALKAN KALA SOCO YOU TUBE KAYAGA https://www.youtube.com/

20/12/2025

Jabhaad culus oo ay ku dhawaqeen
Cabdale Abokor

Ma taqaanaa sababta aan u akhrino ATAXYAADKA  salaad kasta?Attahiyyaat waa duco aad u muhiim ah oo aan ku celcelino sala...
20/12/2025

Ma taqaanaa sababta aan u akhrino ATAXYAADKA salaad kasta?

Attahiyyaat waa duco aad u muhiim ah oo aan ku celcelino salaadaha maalin kasta.

Ma Ogtahay asalka dhacdadan, oo runtii qalbigaagana jilcin doonta .

Attahiyyaat dhab ahaantii waa qayb ka mid ah wada sheekaysi dhex maray Rabbigeenna Allah (SWT) iyo Nabi Muxammad (SCW) xilligii safarkiisii Al-Israa Wal-Mi’raaj.

Markuu Nabi Muxammad (SCW) la kulmay Allah (SWT), ma oran "Assalamu Calaykum" — maxaa qof ku odhanaya marka uu la kulmo Allah?
Ma u rajayn karno nabad, sababtoo ah dhamaan ilaha nabaddu waxay ka yimaadaan isaga.

Sidaas darteed Nabi Muxammad (SCW) wuxuu yidhi:

"Attahiyyaatu Lillahi Was-Salawaatu Wat-Tayyibaatu"
(Dhamaan salaanta sharafka leh, ducada iyo cibaadada oo dhan waxay u sugnaatay Allah).

Allah (SWT) ayaa ku jawaabay:

"Assalaamu Calayka Ayyuhan-Nabiyyu Wa Rahmatullahi Wa Barakaatuh"
(Nabad ha kugu ahaato, Nabiyow, iyo naxariista iyo barakooyinka Allah).

Nabi Muxammad (SCW) ayaa ku jawaabay:

"Assalaamu Calayna Wa Calaa Cibaadillahi As-Saalixiin"
(Nabad ha nagu ahaato, iyo addoomada suuban ee Allah).

Ogow:
Nabigu (SCW) wuxuu jawaabtiisa ku daray “annaga” — (iyo addoomada suuban ee Allah).

Markii ay malaa’igtii maqleen wada sheekaysigan dhex maray Allah iyo Rasuulkiisa (SCW), waxay yidhaahdeen:

"Ash-hadu An Laa Ilaaha Illallahu Wa Ash-hadu Anna Muhammadan Abduhu Wa Rasuuluh"
(Waxaan qirayaa in aanu jirin Ilaah xaq lagu caabudo oo aan ka ahayn Allah, waxaanan qirayaa in Muxammad uu yahay addoonkiisa iyo rasuulkiisa).

Subxaanallah!
Hadda waxaan ognahay asalka wada hadalkan iyo muhiimadiisa salaadeena maalinlaha ah, iyo sida salaadda noogu soo faral yeelatay.

سبحان الله

La sii wadaag saxibadaa

W.Q Hamse M Elmi

Gobolka sanaag roob deeq ilahay ah oo dayr iyo gu' midna aan ahayn baaka da, ay
20/12/2025

Gobolka sanaag
roob deeq ilahay ah oo dayr iyo gu' midna aan ahayn baaka da, ay

19/12/2025

Sirnaaged Lagama Salgaadho🤣🤣

19/12/2025

GALABTA Meela Badan oo kamida Qabribayax ayuu roob helay 💭

Dahab lixdan Milyan ku qiimeysan iyo Afar Milyan oo caddaan ah wadatay ayaa la qabtay. Sifo sharciga baalmarsan ayay uga...
19/12/2025

Dahab lixdan Milyan ku qiimeysan iyo Afar Milyan oo caddaan ah wadatay ayaa la qabtay. Sifo sharciga baalmarsan ayay uga ganacsan rabeen.

Ciidanka Federal Booliska ayaa Asosa ku qabtay.

Qlabigu wuxu xasilaa 1. Qalbigu wuu xasilaa marka qofku ogaado in wax walba ay ka yimaadaan xagga Allaah.2. Qalbigu wuu ...
18/12/2025

Qlabigu wuxu xasilaa

1. Qalbigu wuu xasilaa marka qofku ogaado in wax walba ay ka yimaadaan xagga Allaah.

2. Qalbigu wuu xasilaa marka qofku cafiyo cidda dhaawacday.

3. Qalbigu wuu xasilaa marka uu ogaado in imtixaanku yahay calaamad jacayl xagga Eebbe ka yimid

4. Qalbigu wuu xasilaa marka qofku rumeeyo in maalin fiican ay soo socoto.

5. Qalbig wuu xasilaa marka qofku joojiyo is-barbardhigga dadka kale.

6. Qalbigu wuu xasilaa marka qofku joojiyo cabsida mustaqbalka uu ka qabo

7. Qalbigh wuu xasilaa marka uu yiraahdo “Alhamdulillaah” xitaa marka xaaladu ay adag tahay.

8. Qalbigu wuu xasilaa marka uu ogaado in keligii uusan ahayn oo dad ka daran jiraan.

9. Qalbigu wuu xasilaa marka qofku rumeeyo in dhibka uu ka dambeeyo khayr.

10. Qalbi wuu xasilaa marka qofku ogaado in guuldarrooyinku ay yihiin bilow cusub.

11. Qalbi wuu xasilaa marka qofku u dhowaado Eebbe habeenkii oo uu ducaysto

18/12/2025

JAWIGA HARGAYSA MAANTA

17/12/2025

DegDeg:"Probax imuu siin Madaxweyne Biixi " Wiilki Bali Mataan ka imid..seemore

*Oohintu Waa Luuqadda Ugu Dabiicisan Ee Qalbigu Ku Hadlo iyo falcelin maskaxeed*Oohintu ma aha oo kaliya ilmada indhaha ...
17/12/2025

*Oohintu Waa Luuqadda Ugu Dabiicisan Ee Qalbigu Ku Hadlo iyo falcelin maskaxeed*

Oohintu ma aha oo kaliya ilmada indhaha kasoo daadata — waa isdhexgal qoto dheer oo ka dhexeeya *maskaxda, dareenka, hormoonnada, iyo xaaladda uu qofku ku sugan yahay*.

Markaad ooyso, jirkaagu wuu "ka hadlayaa" meel aan af lahayn. Haddaba, maxaa sababa oohinta?

*1. Cilmiga Oohinta: Maxaa maskaxda ka dhacaya marka aad ooyneyso?*

Oohinta waxaa badanaa bilaaba *xaalad nafsiyeed culus*, sida:
- Murugo xad-dhaaf ah
- Farxad xad dhaaf ah
- Walwal ama cabsida
- Cadaadis nafsi ah (emotional overload)

Marka xaaladdan la gaaro, *maskaxda (gaar ahaan amygdala iyo hypothalamus)* waxay dirayaan calaamado u gudba qaybaha kale ee maskaxda iyo jirka — taasoo sababta in:
- Indhaha ilmadu kasoo daato
- Wadnaha garaaciisu kordho
- Sanqaroorka iyo neefsiga is beddelaan

*2. Hormoonnada Ka Qayb Qaata Oohinta:*

Oohintu waxaa si dhow ula xiriira isbeddelka qaar ka mid ah *hormoonnada*, sida:

*a. Cortisol* – Hormoonka walbahaarka
- Marka qofku walwal ama murugo dareemo, cortisol baa kordha.
- Haddii heerka cortisol-ku sare u kaco wuxuu sababi karaa in qofku si dhaqso leh u ooyo si uu “isku dejiyo”.
*b. Oxytocin iyo Endorphins* – Hormoonnada xasillinta
- Marka qofku ooyo, jirku wuxuu si dhaqso ah u sii daayaa hormoonnadan si uu “u yareeyo xanuunka” nafsiga ah ama cadaadiska,
- Taas ayaa sabab u ah *in oohinta kadib la dareemo nafis*.

*3. Oohinta: Dareen Ismaamula Mise Waa Jawaab?*

Oohintu waa *labadaba*:

- *Waa dareen ismaamula:* Maskaxdu si toos ah ayay u maamusha oohinta iyadoo ka jawaabaysa xaalada jirta.
- *Laakiin sidoo kale waa jawaab (reaction):* Waa ficil uu jirku ku muujinayo dareen nafsi ah ama mid jireed.

*4. Oohinta Farxadda vs Murugada – Maxaa Kala Duwan?*

Labadaba waxaa keena isbeddel maskaxeed iyo dareen xooggan:
- *Farxadda xad dhaafka ah*: Maskaxdu mararka qaar ma kala saari karto farxad iyo murugo — waxay labadaba u aragtaa “culays” dareen ah oo keeni kara oohin waxaana sare u kaca hormoonnada qaabilsan keenida oohinta dag-dag,

- *Murugada*: Waa nooca ugu badan, waxay la xiriirtaa xusuus xanuun leh, khasaare, dhacdo naxdin leh ama niyad jab.

*5. Faa’iidada Oohinta (Scientific + Nafsiyan):*

- *Jir ahaan*: Ilmadu waxay nadiifisaa isha, waxayna ka saartaa kiimikooyin dhaliya walbahaar.
- *Nafsiyan*: Oohintu waxay ka dhigtaa qofka mid dareenkiisa dajisa waxayna caawisaa bogsashada kacsanaanta,. Qofku markii uu ooyo waxaa si toos ah loo soo daayaa hormoonnada xasillinta (Oxytocin iyo Endorphins) kuwaas oo qayb la qaata nafiska qofka__

fiiro-gaar ah: waxaa jirta qaybo kale iyo macluumaad ku saabsan waxa iska quseeya oohinta iyo badqabka maskaxda, damiir noolaanshaha, qormo kale ayaan kaga hadli doonaa hadii alle idmo,
---

*Gaba-gabo:*
*Oohintu waa difaac dabiici ah oo maskaxdu adeegsato marka ay dareento culays xad dhaaf ah — ha ahaato murugo ama farxad.* Waa isku dhaf ka yimid:
- Dareen nafsiyeed
- Jawaab maskaxeed
- Isbeddel hormoon
- Iyo shucuur qoto dheer

Markaad ooyso, jirkaaga ma wiiqmo – wuu bogsanayaa. Waa hab dabiici ah oo Alle kuu siiyay si aad ugu abuurto gudaha.

17/12/2025

Laandheerihii oo Abtigii La Kulmay

17/12/2025

"Laba reer oo Ruush ah ayaad kasoo jeeda Abti" wiilkii Bali-mataan kasoo lugeeyay ...see more

Address

RUGSAN POST MEDIA
Jijiga
WELCOMETOPAGELIKEFOLLOWS

Telephone

+252634848406

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RUGSAN POST MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to RUGSAN POST MEDIA:

Share