Prosperity Party Somali Branch Supporters

Prosperity Party Somali Branch Supporters Prosperity Party Somali Branch is a branch of Prosperity Party,which is the ruling party in Ethiopia
(4)

13/12/2025
11/12/2025

Arrimaha caqabada ku noqonaya horumarka dalka

1. Caqabada la xidhiidha jiqurafiyada
2. Caqabada la xidhiidha dhaqanka
3. Caqabada la xidhiidha hay'adaha/ nidaamka

Ra'iisul wasaare Dr. Abiy Ahmed Ali

07/12/2025

Xisbiga Barwaaqo wuxuu xooga saaraya in degmooyinka iyo magaaloyinka laga hirgeliyo hal yool oo mideeya adeegyada bulshada, horumarinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista maalgashiga. Qorshaha Halka Yool wuxuu ka kooban yahay:

1. Marinada (Corridor)
2. Goob Dalxiis
3. Xaruunta Caafimaadka Xoolaha
4. Adeega Hal Goob (MESOB)
5. Bakhaarka Kaydka
6. Suuq Ganacsiyeed si loola dagaalamo sixir bararka
7. Warshad (Industry)
8. Maalgashi Istaraatiji ah
9. Xarunta Warshadaynta Waxsoosaarka Beeraha (Agro-processing)

Qorshahani waa istaraatijiyad mideynaysa adeegyada muhiimka ah, warshadaha, ganacsiga iyo maalgashiga, si loo dhiso deegaan isku filan oo leh koboc dhaqaale oo waara. Xisbiga Barwaaqo wuxuu u arkaa yoolkan tiir udub-dhexaad u noqonaya horumar mideysan oo ka hirgala degmooyinka iyo maamul magaalooyinka.

04/12/2025

Yoolalka 100% in la gaadhsiiyo ah:

1. Aqoonsiga qaranka(national ID)
2. Barnaamijka Ethiocoder-ka
3. Dhamaystirka Mashaariicda horumarinta marrinada magaalada ee ka socda
4. Dhamaystirka Mashaariicda Dalxiiska
5. Sameeynta xaalad surtagelinaysa doorashada 7aad ee qaran
6. Dhamaystirka hanaanka dib u habeeynta adeega shacabka

 fans
23/10/2025

fans

 fans
05/10/2025

fans

"Iftiinka horumarka ee ka soo baxay bariga Itoobiya waa mid barwaaqayn doona dalka oo dhan."

— Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Ahmed Ali

08/09/2025

"Hindise iyo abaabul badan oo lagu daray dadaal joogto ah, mowqif adag, naf-hur iyo ka-go’aan dhab ah oo aan u galnay hirgelinta riyooyinkii dalkeenna, ugu dambayn waxaan joognaa xilligii guusha iyo midhaha Abay."

 fans
09/08/2025

fans

Sii xoojinta horumarka ka socda dhinacyada beeraha, warshadaha,wax soo saarka, dalxiiska, macdanta iyo teknoolojiyadda macluumaadka si loo gaaro guulo waara iyo barwaaqada la hiigsanayo.

Waa Mid kamida Qodobada ugu waa wayn ee golaha xisbiga Barwaaqo isla qaatey in diirada lasaaro.

Maalinta berri ah waxaa guud ahaan dalka ka qabsoomaya ol-ole ballaaran oo lagu beeri doono 7 milyan oo geed, iyadoo qay...
30/07/2025

Maalinta berri ah waxaa guud ahaan dalka ka qabsoomaya ol-ole ballaaran oo lagu beeri doono 7 milyan oo geed, iyadoo qayb ka mid ah ol-olahani si gaar ah diiradda loo saarayo deegaanka Soomaalida.

Deegaanka Soomaalida waxaa qorshaysan in lagu beero 2.5 milyan oo geed, taasoo qayb ka ah barnaamijka qaran ee lagu ilaalinayo deegaanka taaso dhaxal-reeb looga dhigayo jiilasha danbe.

"Geed beer oo dhaxal reeb" waa halku-dhigga sannadkan ee ol-olaha Dhaxal Reebka Cagaaran, kaas oo dhiirrigelinaya doorka bulshada ee ilaalinta deegaanka,horumarinta dalka iyo ku noolaanshaha deegaan nadiif ah.

Dhammaan bulshada waxaa lagu boorrinayaa in ay si firfircoon uga qayb qaataan ol-olaha dhir-beerista, isla markaana ay u diyaar garoobaan maalinta berri sidii qof walba ugu yaraan hal geed u beeri lahaa. Tani waa fursad uu qof kastaa kaga qayb qaadan karo ilaalinta deegaanka, kuna gudanayo waajibaadka ka saaran dhaxal u reebidda jiilka dambe nolol.

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Prosperity Party Somali Branch Supporters posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category