17/12/2024
Barlamaanka Itoobiya ayaa ansixiyay sharciga u ogolaanaya in bangiyada shisheeye ay ka hawlgali karaan dalka Itoobiya
***************************
Golaha wakiilada shacabka ayaa ansixiyay sharciga bangiyada shisheeye u ogolaanaya in ay ka dhaqdhaqaaqaan islamarkana qayb ka noqdaan hananka haayadaha maaliyada dalka Itoobiya.
Goluhu fadhigoodii 11-aad ee caadiga ahaa wuxuu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay sharciga dib u habaynta Bangiga Qaranka Itoobiya.
Guddiga Joogtada ah ee Qorsheynta, Miisaaniyada iyo Maaliyada dalka ayaa waxa uu golaha u gudbiyay warbixin iyo soojeedin la xidhiidha xeerka baanka qaranka Itoobiya iyo bangiyada kale ee gaarka looleeyahay kuwaas oo qayb ay ka noqon karaan bangiyada shisheeye ama bangiyada caalamiga ah.
Ansixinta sharcigan cusub ayaa lagu sheegay in la rajaynayo in uu door wayn ka qaato islamarkana uu kor u qaadi doono tartanka bangiyada Itoobiya, sidoo kalana ay kaalin mug leh ka qaadan doonaan sii socoshada kobaca dhaqaalaha dalka.
Warbixintan ayaa lagu xusay in ku lug lahaanshaha bangiyada shisheeye ee dalka Itoobiya aysan keeni doonin oo kaliya in dalku dhaxlo tignoolajiyada iyo wareejinta aqoonta, laakiin sidoo kale waxay gacan ka geysan doontaa kordhinta kaydka ilaha dhaqaalaha.