26/08/2026
Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa shir-guddoomiyay Kal-fadhiga 2-aad ee Golaha Fulinta DDS ee Sannad-Miisaaniyaddeedka 2019 T.I. Ajandayaasha horyaallay Golaha ayaa ka koobnaa afar (4) qodob oo kala ah:
1. Warbixinta arrimaha Wadatashiga Qaran; Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa Golaha warbixin guud ka siiyay xaaladda guud ee dalka iyo tan deegaanka, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha wadatashiga qaran iyo doorka Deegaanka Soomaalida.
2. Hirgelinta talo-bixintii Golaha Xildhibaannada ee Miisaaniyadda 2019 T.I;Goluhu wuxuu ka arrinsaday, isla markaana ansixiyay hirgelinta talooyinkii iyo go’aamadii Golaha Xildhibaannada ee la xidhiidhay Miisaaniyadda sannadka 2019 T.I., si waafaqsan mudnaanta horumarineed iyo baahiyaha bulshada deegaanka.
3. Dhismaha Golaha Dib-u-habaynta Beeraha; Goluhu wuxa uu ansixiyay dhismaha Golaha Dib-u-habaynta Beeraha, kaas oo la filayo inuu door muhiim ah ka qaato dardargelinta isbeddelka iyo casriyeynta wax-soo-saarka beeraha.
4. Ansixinta koodh-u-samaynta dhismaha Cusbitaalka Qabribayax, oo qaybo cusub lagu darayo; Goluhu wuxuu sidoo kale ansixiyay koodh-u-samaynta balaadhinta Cusbitaalka Qabribayax, taas oo qayb ka ah diyaarinta iyo hirgelinta adeeg caafimaad oo muhiim u ah bulshada ku nool magaalada Qabribayax iyo nawaaxigeeda.