Afrokani Somali Tv

Afrokani Somali Tv Afrokani Somali TV located in:
Jigjiga, Mogadishu, Addis Ababa, Hargeisa, Nairobi, and Djibouti. https://youtube.com/

Kooxda Ganacsiga Thumbay ayaa shaacisay inay danaynayso inay ka shaqeyso waaxaha caafimaadka iyo waxbarashada ee Itoobiy...
18/12/2025

Kooxda Ganacsiga Thumbay ayaa shaacisay inay danaynayso inay ka shaqeyso waaxaha caafimaadka iyo waxbarashada ee Itoobiya

Kooxda Ganacsiga Thumbay, oo xarunteedu tahay Ajman, Imaaraadka Carabta ayaa muujisay inay diyaar u tahay inay maalgelin ku samayso Itoobiya gaar ahaan caafimaadka iyo waxbarashada

Safaaradda Itoobiya ee Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in Safaaradda Itoobiya ee UAE, Danjire Jamaal Beker (Dr.) uu shalay booqasho ku tagay xarunta shirkadda.

Intii uu socday booqashada, Danjiraha ayaa wadahadal la yeeshay aasaasaha shirkadda iyo Madaxweynaha Jaamacadda Gulf Medical University, Dr. Thumbay Moideen

Danjire Jamaal ayaa intii uu wadahadalka socday ka warbixiyay horumarka wax ku oolka ah ee Itoobiya ka gaadhay waaxda caafimaadka, isagoo xusay in marka shirkaddu gasho suuqa Itoobiya ay heli doonto deegaan maalgashi oo dhiirrigelin leh, adeegyo fududeysan iyo fursado ballaaran oo iskaashi dawladeed iyo mid gaar loo leeyahay (PPP)

Dhankiisa, Dr. Thumbay Moideen ayaa xaqiijiyay in shirkaddiisu diyaar u tahay inay maalgelin ka samayso Itoobiya iyadoo diiradda saari doonta kaabeyaasha caafimaadka, waxbarashada caafimaadka, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha

Sidaas awgeed, shirkaddu waxay sheegtay inay **diyaar u tahay inay Itoobiya ka hirgeliso xarun waxbarasho (campus) oo la yiraahdo GMU–Thumbay, taas oo dabooli doonta maamulka daryeelka caafimaadka, sirdoonka macmalka ah (Artificial Intelligence) iyo qaybo kale oo casri ah oo waxbarasho

Sidoo kale, shirkaddu waxay muujisay danayn ay u qabto inay la shaqeyso Jaamacadda Addis Ababa si loo sameeyo iskaashi waxbarasho, tababbarro, iyo is-weydaarsi aqoon oo la xiriira arrimaha caafimaadka

Afrokani Somali Tv

17/12/2025

Toddoba sano kadib heshiis nabadeed oo lagu tilmaamay “taariikhi”, mid ka mid ah axsaabta mucaaradka ee ugu da’da weyn ayaa sheegaya in nabaddu isu beddeshay dabin. Ma ONLF (Jabhadda Xoreynta Ogaadeenya) ayaa hubka ka dhigtay kaddibna si nidaamsan looga fogeeyay siyaasadda?

Iyadoo ay sii xoogeysanayaan hawlgallada booliiska, hoggaamiyeyaasha xisbiga la xiranayo, cadaadiska siyaasadeedna uu horseedayo soo bixitaanka garab kale oo ay taageerayaan dowladda federaalka iyo tan dowlad-deegaanka, mashaariicda shidaalka iyo gaaska ayaa mar kale kusoo laabanaya Gobolka Soomaalida—iyada oo aan jirin oggolaansho dadweyne iyo isla-xisaabtan.

Guddoomiyaha ONLF, Cabdiraxmaan Mahdi, ayaa la fadhiya Tsedale Lemma si uu u wajaho su’aal ay dad badani ka leexanayaan: marka heshiis nabadeed uu aamusiiyo mucaaradka isla markaana dedejiyo ka faa’iidaysiga kheyraadka, ma heshiis nabadeed buu ahaa gebi ahaanba...?

Afrokani Somali Tv

17/12/2025

Soo dhawaynti Raysal wasaraha Hindaya Mudane
Narendra Modi ee dalka itobiya

Afrokani Somali Tv

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa maanta ka qeyb galay kulanka Baarlamaanka JDFI, halk...
17/12/2025

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed iyo Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa maanta ka qeyb galay kulanka Baarlamaanka JDFI, halkaasi oo uu Ra’iisul Wasaaraha Hindiya khudbad ka jeediyay fadhi wada jir ah oo ay isugu yimaadeen labada gole ee golaha wakiilada shacabka iyo Golaha federashinka JDFI.

Afrokani Somali Tv

Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa gaadhay magaalada Garbo ee Gobolka N...
17/12/2025

Wafti uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa gaadhay magaalada Garbo ee Gobolka Nogob

‎Shacabka qaybahiisa kala duwan ee Maamulka Magaalada Garabo ayaa soo dhaweyn balaadhan u sameeyey Waftiga uu hogaaminayo madaxwayne kuxigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, oo hawlo shaqo ku gaadhay magaalada Garbo ee Gobalka Nogob.

Afrokani Somali Tv

Waxa qoray qoraalka wasiirka xafiska Biyaha DDS Mudane Ahmed Mahamed LeyliTodobaad shaqo ayaan ku qaadanay Gobolka Shabe...
17/12/2025

Waxa qoray qoraalka wasiirka xafiska Biyaha DDS Mudane Ahmed Mahamed Leyli

Todobaad shaqo ayaan ku qaadanay Gobolka Shabeelle waxaan usii gudubnay gobolada Doollo iyo Qoraxey.

Waxaa noo qabsoomay wadatashi ay wada yeesheen shacabka Godey Gacalo iyo Xisbiga Barwaaqo, kulankan oo ay hogaaminayeen madaxwayne ku xigeenka DDS, mudane Ibraahim Cusmaan Faarax iyo wasiiro heer federal ah ayaa lagu dhagaystay tabashooyinka bulshada lana qiimeeyay ballanqaadyadii doorashada. Shacabka ayaa bogaadiyay horumarka ballaadhan ee laga hirgeliyay Godey, gaar ahaan biyo-gelinta, jidadka laamiga ah, garoonka diyaaradaha, cusbitaalka, iyo mashaariic kale oo wax ka beddelay muuqaalka magaalada.

Sidoo kale, waxaan ka qaybgalnay kulanka mashruuca BaSRINET, oo lagu horumarinayo Baasiinka Wabiga Shabeelle, si loo xoojiyo adkaysiga bulshada loogana hortago saameynta isbeddelka cimilada iyo daadadka. Kulankan waxaa nagu weheliyay masuuliyiin ka socotay wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee dalka iyo masuuliyiin heer deegaan ah.

Waxaan kaloo booqanay mashaariico ay fulisay hayada OWDA oo kaashanaysa hayada WFP, kormeerkan oo ay nagu wehelinayeen masuuliyiinta hayadahaas ayaan kusoo aragnay shaqooyin tusaale mudan oo lagu horumarin karo bulshadeena.

Ugu dambayn, waxaan u kuur galnay xaaladda Jiilaalka qaar ka mid ah tuulooyinka iyo degmooyinka, anagoo la fadhiisanay bulshada, si aan u helno xogta dhabta ah ee ay ku suganyihiin. Socdaalkan waxaan nagu weheliyay masuuliyiin ka socotay komishinka Maareynta Masiibooyinka iyo Khataraha, iyo masuuliyiin heer deegaan ah. Ujeedadu waa in aysan xaaladda jiilaalka isku badalin macaluul bulshada saameyn ku yeelata.

Afrokani Somali Tv

17/12/2025

‎Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda India Narendra Modi


Afrokani Somali Tv

Kalmada Raysal Wasaaraha JDFI Abiyi Axmed (Ph.D) ee ku aadan adanmaatinka Raysal Wasaaraha Dalka Hindiya  ‎‎"Waxaa farxa...
16/12/2025

Kalmada Raysal Wasaaraha JDFI Abiyi Axmed (Ph.D) ee ku aadan adanmaatinka Raysal Wasaaraha Dalka Hindiya

‎"Waxaa farxad ii ah inaan Ra’iisul Wasaaraha Dalka Hindiya Narendra Modi ku soo dhaweeyo qasriga madaxtooyada qaranka.

‎Waxaan yeelanay kulan gaar ah oo midho'dhal ah, kaddibna waxaa xigay kulan laba geesood ah oo ay ka qaybgaleen labada dhinac, halkaas oo aan ku lafagurnay fursado cusub oo iskaashi ah oo ka tarjumaya wadashaqaynta sii kobcaysa iyo mudnaanta wadajirka ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Hindiya.

‎Sidoo kale, waxaan kala seexeexan doonaa heshiisyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin heshiiska iskaashiga iyo is caawinta maamulka ee arrimaha jibriyada, heshiiska is-afgarad oo ku saabsan dhismaha xarun xog-uruurin oo laga hirgelinayo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya iyo heshiiska is-afgarad ee iskaashiga hawlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay, kuwaas oo xoojinaya ballanqaadkeenna wadajirka ah ee nabadda iyo amniga caalamiga ah.

‎Hindiya waa saaxiib muddo dheer la saaxiib ah Itoobiya, kulammada maanta dhacayna waxay si cad u muujinayaan go’aankeenna wadajirka ah ee ah ballaadhinta iskaashiga dhinacyada badan si ay uga faa’iidaystaan labada dal".

Afrokani Somali Tv

Guul horumarineed iyo mid Bulsho maku gaadhi karnaa in marba koox colaad huriso dawladuna kadaba damiso ?Inaan dhiig sha...
16/12/2025

Guul horumarineed iyo mid Bulsho maku gaadhi karnaa in marba koox colaad huriso dawladuna kadaba damiso ?
Inaan dhiig shacab daadintiisa dano siyaasadeed laga dhex raadiyo miyaanay dhaamin in boogaha oo la dhayo fursad laga dhex raadiyo.

Bal noo garqaada anaga iyo kuwa caadaystay hurinta colaadaha.

Hogaanka Nabadgelyada Deegaanka ayaa su’aashan bulshada iyo waxgaradka weydiiyay

Afrokani Somali Tv

16/12/2025

Caydaruus cabdi oo kamida dhalinyarada Ismaamulka Raaso ayaa ka hadley Xaalada dhabta ah ee ka taagan Raaso iyo salaxaad isagoo ugu baaqey nabad

‎Wasiir ku-xigeenka wasaarada Adeega xidhiidha JDFI ayaa howlo shaqo ku yimid deegaanka Soomalida.‎‎Wasiir ku-xigeenka w...
16/12/2025

‎Wasiir ku-xigeenka wasaarada Adeega xidhiidha JDFI ayaa howlo shaqo ku yimid deegaanka Soomalida.

‎Wasiir ku-xigeenka wasaarada Adeega xidhiidhka JDFI Mudane Kebede Desisa oo ay ku wehliyaan qaar kamid ah howlwadeenada wasaarada ayaa socdaal isugu jira taakuleyn iyo kormeer la xidhiidha Bahda xidhiidhka (Communication) ka iyo Warbaahinta ku yimid magaalada Jigjiga ee xarunta deegaanka Soomalida.

‎Masuuliyiintani ayaa kulan la qaatay masuuliyiinta Xafiiska Warfaafinta DDS oo uu hogaaminayey wasiir ku-xigeenka Xafiiska Warfaafinta DDS Mudane Bashiir Sheekh Saciid waxaana halkaasi lagu Soo bandhigay warbixinta waxqabadka Xafiiska ee 5-tii bilood ee lasoo dhaafay ee S.M 2018-ka T.I iyo shaqooyinka dhanka xidhiidhka dadweynaha iyo Warbaahinta.

‎Masuuliyiinta ayaana boogaadiyay shaqooyinka kudayashada mudan ee uu Xafiiska uhayo shacabka deegaanka ee gaadhsiinta xogaha muhiimka ah iyo siticmaalka Warbaahinta casriga ah, sidoo kale masuuliyiinta ayaa boogaadiyay hagaajinta iyo qurxinta goobaha shaqo ee Laga wado gudaha Xafiiska Warfaafinta.

‎Dhinaca kale, masuuliyiinta ayaa booqasho ku maray mashaariicaha mugga leh ee Laga fuliynayo gudaha magaalada Jigjiga, gaar ahaan marinada MMJ, Dhismaha xarunta adeega halgoob iyo Dhismaha Masxafka Sayid Maxamed Cabdulle Xassan, masuuliyiinta ayaana boogaadiyay horumarka baaxada leh ee magaalada Laga fuliyay mudada kooban.

Afrokani Somali Tv

Waftigii uu hogaaminayey Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax oo ku sugan Gobolka Shabeelle ayaa s...
16/12/2025

Waftigii uu hogaaminayey Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax oo ku sugan Gobolka Shabeelle ayaa saaka kormeer ugu kuurgalayey barnaamijka wax-soo-saarka iyo Dhaqo oo Dheefso, kuna tagay tuulooyinka Yaxaas Jamal, Baari, iyo Karinka ee Degmada Goday.

Beeraleyda ku hawlan wax-soo-saarka iyo barnaamijka Dhaqo oo Dheefso ayaa la siinayey dhiirrigelin, iyadoo Xukuumadda DDS ay u fidinayso taakulayn joogto ah.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa kula dardaarmay in la dardargeliyo wax-soo-saarka beeraha si loo gaadho isku-filnaansho loogana maarmo barnaamijka ku-tiirsanaanta iyo sugidda kaalmo shisheeye.

Afrokani Somali Tv

Address

Muqisho-Banadir-Somalia
Jijiga

Telephone

+251934077004

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Afrokani Somali Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Afrokani Somali Tv:

Share