Jigjiga post

Jigjiga post Barkulankani wuxuu idiin soo gudbindoona wararka somaalida iyo dhamaan caalamka oo adhan

Kenya iyo Itoobiya oo heshiis iskaashi kala saxiixday ayaa isla meel dhigey:"Waa in la ixtiraamo lana dhawro madax-banna...
28/02/2024

Kenya iyo Itoobiya oo heshiis iskaashi kala saxiixday ayaa isla meel dhigey:

"Waa in la ixtiraamo lana dhawro madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dawladaha, iyo in la diido isbeddellada ama faragelinta dawladeed ee aan dastuuriga ahayn iyo sidoo kale faragelinta hannaanka siyaasadeed ee gudaha dalalka Afrika".

06/02/2024

Maayarka cusub Eng shaafi waanu salaamaynaa

Astaamaha ay wataan Xulalka Gobolada DDS.
03/07/2023

Astaamaha ay wataan Xulalka Gobolada DDS.

Golaha fulinta caasimada ayaa maanta ansixiyay qorshaha sanadka 2015 t.i. ee xafiisyada magaalada Sabti 21 Nehase/2014( ...
27/08/2022

Golaha fulinta caasimada ayaa maanta ansixiyay qorshaha sanadka 2015 t.i. ee xafiisyada magaalada

Sabti 21 Nehase/2014( Xiriirka warfaafinta xafiiska duqa caasimada)
Masuuliyiinta maamulka magaalada ayaa maanta ka dooday qorshaha miisaaniyada xafiisyada kala duwan ee sanadka 2015 t.i

Xafiiska maaliyada maamulka magaalada jigjiga ayaa soo bandhigey qorshaha miisaaniyada ee xafiis kasta oo kamida magaalada waxyaalaha u qorshaysan iyadoo dibu eegis lagu sameeyay qorsheyaasha qaarkood

Dood iyo falanqayn dheer kadib, gudiga fulinta magaalada ayaa ansixiyey qorshaha miisaaniyada sanadka 2015 t.i ee xafiisyada maamulka magaalada.

Gargaarka gurmadka deg-degga ah ee barakacayaasha galbeedka gobolka Siti oo cir iyo dhulba loo marayo ayaa wali socda.Xa...
20/08/2022

Gargaarka gurmadka deg-degga ah ee barakacayaasha galbeedka gobolka Siti oo cir iyo dhulba loo marayo ayaa wali socda.

Xasan Reebe oo ah masuulka gobolka Siti u jooga Xafiiska Maareynta Khatarta Masiibooyinka DDS oo SRTV u waramayay ayaa sheegay in 12 jeer ay gaadhsiiyeen gurmad deg-deg ah barakacayaasha galbeedka gobolka Siti kuwaasi oo lagu gaadhsiiyay diyaaradaha sida qumaatiga ah ukaca iyo gawaadhi, waxaana noo qorsheysan in gurmadkaasi aanu sii wadno muddooyinka soo socda ayuu yidhi.

Bariis, sonkor, saliid, galay, daqiiq iyo boorash ku wajahan barakacayaasha galbeedka gobolka siti ayaana hadda laga raray bakhaarka.

Srtv

10/06/2022

Kenya Oo Sheegtay Inay Dib U Bilaabayso Dhoofinta Jaadka Ee Dalka Soomaaliya

Wasiirka Beeraha dowlada Kenya Peter Munya oo saxaafadda la hadlay maanta ayaa sheegay in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud uu aqbalay inuu qaado xayiraadihii uu dalkiisa saaray qaadkii ka imaan jiray Kenya.
Peter Munya ayaa sheegay maxadweyne Kenyatta uu kala hadlay xayiraada saaran qaadka Kenya dhiggiisa Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Munya ayaa ugu baaqay ganacsatda qaadka inay is diyaariyaan madamaa loo furi doono suuqa Soomaaliya.
Waxana uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya loo oggolaan doono in kalluunkeeda ay u suuqgeyso Kenya,isla markaana loo fududeyn doono dal-ku-galka Soomaalida Imaneysa Kenya.
Dowladdii uu madaxda ka ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa hakisay duulimaadyada qaadka ee Kenya sanadii 2020 ka sababa la xiriira xanuunka Covid-19, balse xayiraadaasi ayaan la qaadin iyadoo ay jireen khilaaf dhinaca diblomaasiyadda oo u dhexeeyay labada dal.

Xigasho:- jawhar.com

Jigjiga Post

25/05/2022

Isu soo noqod wanaagsan

 : Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay dhisayaan musharrax Xasan Cali Khay...
30/04/2022

: Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo iyo Fahad Yaasiin ay dhisayaan musharrax Xasan Cali Khayre oo u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Villa Somalia ayaa dadaal badan ku bixinaysa taageeridda musharrax Xasan Cali Khayre kadib markii ay yaraatay rajada dib loogu dooran karo madaxweyne Farmaajo.

Fahad Yaasiin ayaa aaminsan in uu mar kale mulkiile ka noqon doono dowladda cusub haddii Xasan Cali Khayre ku guulaysto xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Fahad ayaa lagu tilmaami jiray mulkiilaha dowladda hadda jirta ee Soomaaliya ka hor intaan Ra’iisul wasaare Rooble awood-tirin.

Dhinaca kale weli ma cadda in madaxweyne Farmaajo mar kale u tartami doono xilka madaxweynaha xilli Villa Somalia ay raja xuma ka qaadday doorashadii guddoonka labada ee Baarlamanka dalka.

Jigjiga Post.

 : Liiska Xildhibaannada Golaha Shacabka ee dooranaya Guddoonka cusub ayaa loo gudbiyay Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowg...
27/04/2022

: Liiska Xildhibaannada Golaha Shacabka ee dooranaya Guddoonka cusub ayaa loo gudbiyay Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS oo mas’uul ka ah Amniga Teendhada lagu qabanayo Doorashada.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Liiska Xildhibaannada loo gudbiyay Hawlgalka ATMIS ay ku jiraan 16 xubnood oo dhowaan lagu doortay degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

Xubin kamid ah Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT ayaa noo xaqiijiyay in 16 Xubnood ee lagu soo doortay Ceelwaaq ay ku jiraan Liiska rasmiga ah ee Xildhibaannada dooranaya Guddoonka cusub.

Mar aan wax ka weydiinay sida laga yeelayo 16-ka Xildhibaan ee la sheegay in lagu doortay Garbahaarrey ayuu ku jawaabay “ Ciddii Facebook ku qortay ayaa la weydiinayaa sida laga yeelayo. Kuraastii Gedo waa la doortay waana 16-ka kursi ee ka soo baxay Ceelwaaq."

Tallaabadan ayaa ku soo beegantahay xilli lagu wado in saacadaha soo socda la qabto Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo uu hareeyay khilaaf la xiriira 16-ka kursi ee Gobolka Gedo.

Jigjiga Post

Qoraal ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa lagu sheegay in bandow socon doona mudda dhawr cisha ah lagu...
25/04/2022

Qoraal ka soo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaa lagu sheegay in bandow socon doona mudda dhawr cisha ah lagu soo rogay xarunta Xalane iyo guud ahaan garoonka diyaaradaha Aadan magaalada Muqdisho.

Qoraal ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 25 ilaa 28 bishan April aynu ku jirno ay xaalad bandow ay ku soo rugeen xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

Bandowgan ayaa saameyn doona dhammaan goobaha ay degan yihiin ATMIS, xarumaha UN-ka iyo dhammaan safaardaha degan gudaha garoonka dayuuradaha.

Bandowgan ay ATMIS ku dhawaaqday ayaa waxaa ay ku soo beegantay qabashada doorashada Guddoonka golaha shacabka oo la qorsheeyay in ay ka dhacdo teendhada
Jigjiga Post

08/04/2022

Ramadaan kariim Dhamaan umada Muslimiinta ah.

hadaan dib idiin xusuusiyo bishii march 2021 ethiopia waxay samaysatay barnaamijkan cloud sending .Cloud Seeding - hadii...
22/03/2022

hadaan dib idiin xusuusiyo bishii march 2021 ethiopia waxay samaysatay barnaamijkan cloud sending .

Cloud Seeding - hadii aan idiin faahfaahiyo waa hab loo maro in daruuraha lagu duro kiimikooyin ama lagu shubo koronto si loo abuuro roob been abuur ah.

Kimikooyinka sida silver iodide, potassium iodide, iyo baraf qallalan ayaa loo soo diraa jawiga iyada oo la adeegsanayo helicopters 🚁 ama diyaarado kale ama in dhulka laga toogto .

Marka qaabkan la sameeyo waxay soo jiitaan uumiga biyaha ee hawada, taasoo keenta samaynta daruuraha cumulonimbus iyadoo badanaa sidaa Roob ku noqota .

Waxay isku dayayaan inay maamulaan socodka dabiiciga ah ee cimilada iyo dariiqa daruurraha laakiin tani waa jid-gooyo xirfadaysan, ka soo qaad in waddan uu ku dhex jiro qariiradda map mideeya dhowr wadan , laakiin gobolka xeebta ahi wuxuu adeegsadaa hababkan oo kale si uu u 'duro' daruuraha ka hor inta uusan gaarin waddanka gudaha. hadaba soo lama odhan karo waa tuugo daruurihii xaday ?
Aqoonyahankii soomaaliyeed maalinka dhawayd lahaa roob baa la xaday cilmi jira ayuu ka hadlayay lkn dadkii qaarkii riwaayad bay u arkayeen

Hadaba daruuraha ma la kala xadi karaa ? Jawaabtu waa haaa.Lakiin yaa iska leh oo laga xaday daruuraha Ilaahay ee cirkaa iska maraya? Waa su’aal in la is waydiiyo muhiim tahay

W/Q Nimcaan Cabdiraxmaan
JIGJIGA POST

Address

Main Street
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Jigjiga post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share