Haaneed Media

Haaneed Media NINNA MAANKIISA MA SALUUGO Maalin walbo iga filo wax cusub oo adiga kaa qosliya my fans

Sujuudda saxda ah nalawadaag ?
31/10/2025

Sujuudda saxda ah nalawadaag ?

Sababta fashilka guurka Soomalida labo ayaan ku soo koobi lahaa aniga aragtidayda:Midda 1aad waa iskaguurso, iska dhal, ...
30/10/2025

Sababta fashilka guurka Soomalida labo ayaan ku soo koobi lahaa aniga aragtidayda:
Midda 1aad waa iskaguurso, iska dhal, iska cun adigu wad wax walba iska unbay ku tijaabiyaan ee ku talo gal ma aha.Yacni tijaabo uun labada qof midkoodna uma diyaarsana in uu reer dhiso wacyigeediina maba leh mana raadin qofkii ku habboonaa.
Qolada 2aad waa interest marka uu dhammaadana way kala yaacayaan waa sababaha badiyay fashilka guurka gabdho kayar 20 jiro ayaa buux dhaafiyay magaaloyinka soomalida oo wada garoob ah.

Adigu maxaad kudarilahayd?

30/10/2025

Banka qoraxay goormaa kugu danbaysay?

Waxaa magaalada Al-fashir ee dalka Sudan kasocda wax la arkey maaha.  Rabbi ha ugargaaro ree Suudan.  Mooryan aan diir n...
29/10/2025

Waxaa magaalada Al-fashir ee dalka Sudan kasocda wax la arkey maaha. Rabbi ha ugargaaro ree Suudan. Mooryan aan diir naxaynin ayaa heshay. Haween Caruur, waayeel rag maysan kala reebin, 1 saac yeey 2 kun oo qof oo shacab ah kudileen.

Inkastoon video jirin barigaa oon laduubin hadana wax sidaas u eg ayaa Somalia kadhacey 1991. Dagaalada sokeeye waa musiibo.

CAQLIYADDA DUMARKA FEMINIST-GA ah.-Ninkani wuu i rafaadiyay, waa inaan kala dhamaano.-Naa iska fur, sharaftaadaa wax wal...
29/10/2025

CAQLIYADDA DUMARKA FEMINIST-GA ah.

-Ninkani wuu i rafaadiyay, waa inaan kala dhamaano.

-Naa iska fur, sharaftaadaa wax walba ka wayne.

-Ninkayga k**a wado ee waa maamulaha shaqadayda.

-Haddaa saaxiibay dhib ma lahee iska dul qaado, waa mustaqbalkaagiiye.

29/10/2025

Cabsi ? " Waxaan u noolahay sidii nin 20 sano ka hor dhintay sideen u baqi ! "
Malcolm X ayaa la waydiiyay miyaadan baqaynin jawaabtiisana sidan ayay ahayd " waxaanba ahay nin dhintay , nin dhintay 20 sano ka hor ma dili kartaa ? muxuu ka baqi ?

29/10/2025

ILEEN KURSI LAGAMA DHARGO.

Golaha Dastuuriga ee dalka Cameroon ayaa ku dhawaaqay in mar kale dib loogu doortay madaxweyne Paul Biya oo 92 jir ah. Paul Biya wuxuu Cameroon hoggaaminayey tan iyo 1982.

Abwaan Hadraawi (AHUN) maxaad ka xasuusataa suugaantiisii?
28/10/2025

Abwaan Hadraawi (AHUN) maxaad ka xasuusataa suugaantiisii?

Hotel ku yaala Japan ayaa caan noqotay sababtoo ah waxay bixisaa qol lagu seexdo oo qiimihiisu yahay hal doollar (1 USD)...
28/10/2025

Hotel ku yaala Japan ayaa caan noqotay sababtoo ah waxay bixisaa qol lagu seexdo oo qiimihiisu yahay hal doollar (1 USD) habeenkii. Shuruuddu waa mid fudud: martidu waa inay oggolaadaan in si toos ah looga sii daayo *YouTube* Kaameradu waxay duubtaa wax walba marka laga reebo musqusha si loo ilaaliyo asturnaanta.

Fikradda waxaa hindisay milkiilaha hoteelka, kaas oo rabay inuu soo jiito booqdayaal isla markaana uu lacag ku helo daawadayaasha internet-ka. Waxay markii h**e ahayd tijaabo yar ayaa noqotay arrin caan ah, taas oo soo jiidatay socdaalayaal iyo dadka duuba muuqaallada safarrada (vloggers) oo ka kala yimid daafaha dunida.

"Gaaska kaliya markaan soo qaadano, Deeganka Soomalida ayaa laga helay 21Trilion Cubic Feet. Hal meela in cadadkaas laga...
28/10/2025

"Gaaska kaliya markaan soo qaadano, Deeganka Soomalida ayaa laga helay 21Trilion Cubic Feet. Hal meela in cadadkaas laga hellana wax sahlan maaha. Mashruuca labaad ee aan bilawnay Gaaska waxaan ku soo Afmeeri doonaa 24 bilood."

Abiye Ahmed, oo sheegay in Deeganka Soomalida khayraad ka buuxo.

28/10/2025

Mohammed Adow oo wajigiisa laga akhrisanayo ciil iyo cadho marka lagu akhriyo luuqada jidhka(Facial expression or body language) cadhadaas oo ka haysa Males Zenaawi ayaa males zenaawi waydiiyay su’aalo ay kamid yihiin

“ 9 bilood ka hor waxaad sheegtay inaad Ciidankaaga todobaadyo gudahood kagala baxayso Soomaaliya , sanad ayaa laga joogaa markaad markaad ciidankaaga soomaliya ay galeen, imika mudo intee dhan ayay sii joogayaan halkaas”

Taariikhu waa 22 November 2007.

26 sanno ayuu xukumayaa dalka Jabbuuti.Markii uu xukunka qabtay majirin Facebook, YouTube iyo Gmail.Waxaa Madaxweyne ka ...
26/10/2025

26 sanno ayuu xukumayaa dalka Jabbuuti.

Markii uu xukunka qabtay majirin Facebook, YouTube iyo Gmail.

Waxaa Madaxweyne ka ahaa Maraykanka Bill Clinton.

Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubaland iyo Waqooyi Bari majirin.

Dagaalkii Ciraaq ee Maraykanku hoggaaminayey madhicin waxaana Ciraaq xukumayey Sadaam Xuseen.

Intii uu Madaxweynaha ahaa waxaa Somalia isu beddelay Cabdiqaasim Salaad, Cabdullaahi Yuusuf, Shariif Shiikh Axmed, Xasan Shiikh, Farmaajo iyo Xasan markii Labaad.

Ninka aan ka hadlayaa waa Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabbuuti 1999 ilaa ........... inta Alle ogyahay, kuna darsoo maanta ayuu dastuurkii wax ka beddelay si uu xukunka usii joogo.

Address

Jijiga
10135

Telephone

+251910666630

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Haaneed Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share