Nasar Official

Nasar Official Free Press

Golaha Xildhibaannada DDS ayaa maanta ansixiyay bayaano kala duwan oo kala ah:1. Bayaanka wax-ka-baddalka bayaanka dib l...
13/02/2023

Golaha Xildhibaannada DDS ayaa maanta ansixiyay bayaano kala duwan oo kala ah:

1. Bayaanka wax-ka-baddalka bayaanka dib loo habeeyay ee Xafiisyada
Fulinta DDS
2. Bayaanka wax-ka-baddalka maamulka maaliyadda DDS
3 Bayaanka wakaaladaha adeegyada biyaha iyo dareeraha ee Maamul
Magaalooyinka iyo Miyiga DDS
4. Bayaanka miisaaniyadda daynta
5. Bayaanka maamulka ururada bulshada rayidka ah ee DDS

Af-hayeenka Golaha Xildhibaannada DDS, marwo Ayaan Cabdi ayaa furtay Kal-fadhigii 4aad oo ee golaha lixaad ee xildhibaan...
13/02/2023

Af-hayeenka Golaha Xildhibaannada DDS, marwo Ayaan Cabdi ayaa furtay Kal-fadhigii 4aad oo ee golaha lixaad ee xildhibaannada DDS oo saaka ka furmay madasha kulammada ee Qaryaan Dhoodaan, waxaana horyaalla ajandayaal kala duwan oo kala ah;

1. Hadal-qoraaleedkii kal-fadhigii h**e
2. Soo jeedinta iyo dhagaysiga warbixinta waxqabadka Xukuumada DDS
3. Ansixinta bayaano kala duwan.
• Bayaanka wax-ka-baddalka bayaanka dib loo habeeyay ee Xafiisyada
Fulinta DDS
• Bayaanka wax-ka-baddalka maamulka maaliyada DDS
• Bayaanka wakaaladaha adeegyada biyaha iyo dareeraha ee Maamul Magaalooyinka iyo Miyiga DDS
• Bayaanka miisaaniyadda daynta
• Bayaanka maamulka ururada bulshada rayidka ah ee DDS

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa Dhir Beeris ka Sameeyay Guddaha Kuliyada Xirfadaha Iyo Farsamada ee J...
09/02/2023

Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar ayaa Dhir Beeris ka Sameeyay Guddaha Kuliyada Xirfadaha Iyo Farsamada ee Jigjiga Polytechnic taasoo Isbadal Dhanka Bilicda Ah laga Waddo

06/02/2023

War-Murtiyeedkii ka soo Baxay Shirka Isimada SSC

Goddobada Kasoo Baxay Shirkii isimada SSC ee  Laascaanood Kasocday
06/02/2023

Goddobada Kasoo Baxay Shirkii isimada SSC ee Laascaanood Kasocday

W / Q Eng Maxamed Shalle Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida ...................................................
04/02/2023

W / Q Eng Maxamed Shalle Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida ............................................................
Asc,

Oohinta Orgiga kawayn.

Nidaamka Dowliga in la adkeeyo waxaa ay muhiim u tahay Dhismaha Dowladnimada casriga.

Saxaafada xorta ah waa tan haysata sharciyada Dalka .

Mudadii isbedelka fursad baa lasiiyey saxaafadda ka hawlaglaysay Deegaanka, laakiin k**a aysan faai’daysanin.

Sawaxanka qaarkii waxaa uu muujinayaa in ay jiraan damacyo aan sharciga waafaqsanayn oo dhiirigalinaya in Nidaam sharci ku qotoma uuna ka hana qaadin Deegaanka.

Go’aanka ah saxafaaddu sharciyada Dalka hasoo qaatan waxa ay tusaale utahay cid walba oo u hanqal taageysa nidaam ka baxsan sharciga in ay wax ku raadiso in ay dib u istaagto.

“Xoriyad iyo Xasilooni”.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa hadda soo gunnaanadaya qiimayntii war bixinta wax qabadka lixdii bi...
04/02/2023

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa hadda soo gunnaanadaya qiimayntii war bixinta wax qabadka lixdii bilood ee lasoo dhaafay ee xafiisyada heer deegaan oo muddo labo maalmood ah ka socotay madasha kulammada ee Garaad Maxammed Dool ee xarunta Madaxtooyada DDS.

Waxaa Qoray Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar Waxa ishaa inoo yeelay waa saxaafad xoogsata ah. Waynu wada og...
03/02/2023

Waxaa Qoray Madaxwaynaha DDS Mudane Mustafe Muxumed Cumar

Waxa ishaa inoo yeelay waa saxaafad xoogsata ah. Waynu wada ognahay hab-dhaqankii Idaacadaha iyo Tilifiishinadda Soomaalidu aadka u taqaan maalmihii madoobaa ee xukuumaddii dad-qaladata aheyd shacabka kadeedaysay. Waxaynu u baahan nahay saxaafad xor ah; uma baahnin saxaafad xoogsata ah oo iyadoo gudcur dam ahna tidhaa waa cadde; iyadoo cadde ahna tidhaa waa gudcur 15 ah.

Maanta saxaafadda ugu muhiimsan aduunku waa baraha bulshadda. Cid rabta inay afkaar gudbiso iyo cid rabta inay afkaar khilaaftaba waa goob u furan oo 24 saac wixii jira iyo waxaan jirinba lagu soo bandhigo. Deegaanka waxaa ka jira xorriytul-qawl dibbro-dhacsaday oo kolkol xorriyatul-fowdadba aad moodo.

Haseahaate, magac suxufi cid ku xoogsanaysa oo sifo sharci ah aan waliba ku joojin deegaanka lama ogola. Suxufigu waa ka runta iyo beenta shacabka u kala saara; cod u noqda dulmanaha; taageera wixii bulshadda u dan ah; diida wixii dulmi ah. Ku aragtidiisa la xidhiidha wanaaga iyo xumuhu ay ku xidhan tahay kolba cidda jeebkiisa ka warhaysa, suxufi maaha ee waa suxufi-ceebays ubaahan in la baro anshaxa suxufinimadda.

Iyadoo sidaa tahay ayaa hadana ka xoogsanaya laftigiisa la ogol yahay inuu hawlgalo balse ay tahay inuu u hoggaansamo qawaaniinta meesha uu ka hawlgalayo lagaga dhaqmo. Saxaafad xor ah maaha saxaafad aan xad lahayn. Meela k**a jirto aduunka xorriyad ayna ku ladhnayn masuuliyadd. Xorriyad ayna la socon masuuliyad waa fowdo.

Abiy axmed iyo saraakiisha tplf oo markii ugu h**eysay ku kulmay xarunta Halala.Xubnaha gudiga nabada ee dawlada iyo tpl...
03/02/2023

Abiy axmed iyo saraakiisha tplf oo markii ugu h**eysay ku kulmay xarunta Halala.
Xubnaha gudiga nabada ee dawlada iyo tplf ayaaa ka wada hadlay sidii loo sii wanaajin lahaa heshiiskii nabadeed ee labada dhinac sannadkii h**e kala sexeexdeen.

Qiimaynta war bixinta wax qabadka 6-dii bilood ee lasoo dhaafay ee Xafiisyada heer deegaan ayaa ka bilaabatay madasha ku...
03/02/2023

Qiimaynta war bixinta wax qabadka 6-dii bilood ee lasoo dhaafay ee Xafiisyada heer deegaan ayaa ka bilaabatay madasha kulammada ee Garaad Maxammed Dool ee xarunta Madaxtooyada. Qiimayntan waxaa furay Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar.

Golaha fulinta ayaa ka dooday daraasad ay soo diyaariyeen khuburada afsoomaaliga ee deegaanka iyo deegaannada kale ee So...
02/02/2023

Golaha fulinta ayaa ka dooday daraasad ay soo diyaariyeen khuburada afsoomaaliga ee deegaanka iyo deegaannada kale ee Soomaalida.

Daraasadaas oo lagusoo bandhigay xidhmo muujinaya kaltirsiga Afsoomaaliga ee maalmaha, bilaha iyo sanadka.

Goluhu wuxuu soo dhaweeyay kaltirsiga wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo lana kobciyo luuqada Afsoomaaliga. Goluhu wuxuu ku dhiirigaliyay xafiiska waxbarashada oo gacanta ku haya manhajka iyo hay’adaha dhaqanka kor-u-qaaddida barashada kal-tirsiga Afsoomaaliga.

Goluhu wuxuu go’aamiyay in maanta wixii ka danbeeya ay dawladdu isticmaali doonto bilaha kal-tirsiga afsoomaaliga ee soo socda:

1. Kodxin - (Meskerem/September)
2. Dirir - (Tikimt/October)
3. Gudba - (Hidhaar/November)
4. Xoorrey - (Tehasas/December)
5. Dharabley - (Tir/January)
6. Cirir - (Yekatit/February)
7. Cuur - (Megabit/March)
8. Duugato - (Miyazia/April)
9. Miicaad - (Ginbot/May)
10. Agaali - (Sane/June)
11. Afagaal - (Hamle/July)
12. Naaf - (Nehasse/August)

Warmurtiyeedkii kasoo baxay shirka madaxda wadamada soomaaliya,itoobiya,jabuuti iyo Kenya oo ahaa 15 qodob ayaa waxaa ug...
01/02/2023

Warmurtiyeedkii kasoo baxay shirka madaxda wadamada soomaaliya,itoobiya,jabuuti iyo Kenya oo ahaa 15 qodob ayaa waxaa ugu muhiimsanaa 3dan qodob

1. Waxay isku raaceen in hawlgal qorsheysan oo ay ku mideysan yihiin dalalkani lagu qaado alshabaab laguna furo furimo badan oo dagaal , ujeedkuna yahay in la beegsado goobaha ay ku dhuumaaleystaan ee dhaca Koofurta iyo Badhtamaha Soomaaliya.

2. Waxaa la go’aamiyey in la dhiso hannaan la isugu dubbaridayo hawlgallada iyo awood mid ah oo cadowga lagu wajahayo.

3. Waxaa la soo dhaweeyey codsiga Dowladda Soomaaliya ee lagu qalabeynayo ciidamada cusub kuna heli karaan hubka fudud iyo kan culus, korna loo qaado awoodda ciidamada.

Address

Jigjiga
Jijiga
0915

Telephone

+251910320105

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nasar Official posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Nasar Official:

Share