23/03/2026
Bismillaahi Raxmaani Raxiim.
Hambalyo iyo Bogaadin! 🎉📜
Waxaan farxad weyn noo ah inaan bulshadeena sharafta leh ku soo dhaweyno furitaanka rasmiga ah ee madashan cusub, oo ah xaruntii ugu horreysay ee nooceeda ah ee la aasaaso, si loogu kaydiyo, loona baaro sooyaalka dalkeena.
Ujeedka ugu weyn ee boggan waa inaan soo bandhigno taariikhda qotada dheer iyo dhaxalka hodanka ah ee dalkeena Dawladda Deegaanka Soomaalida (DDS). Waxaan si dhab ah uga warrami doonaa marxaladihii kala duwanaa ee uu deegaanku soo maray; laga soo bilaabo halgamadii taariikhiga ahaa, isbedeladii bulsho iyo siyaasadeed, dhaqanka, iyo ilbaxnimada soo jireenka ah ee aan leenahay.
Ummad aan taariikhdeeda aqoonin, waa ummad aan mustaqbal lahayn. Sidaas darteed, xaruntani waxay u taagan tahay in ay noqoto buundadii isku xiri lahayd jiilki h**e, jiilka maanta jooga, iyo kuwa dambe, si aysan u lumin taariikhdeena dhabta ah.
Waxaan idin ballan qaadaynaa inaan idinla wadaagno xog rasmi ah, dhacdooyin la diiwaangeliyay, iyo sheekooyin xambaarsan casharo muhiim ah oo ku saabsan raadkii ay reebeen awoowayaasheen.
Fadlan nagala qaybqaata safarkan xiisaha badan ee dib-u-noolaynta taariikhdeena!
👉 Like saar bogga 👉 La wadaag asxaabtaada iyo qoyskaaga
👉 Nala wadaag aragtidaada iyo xogaha aad haysid
Kusoo dhawaada madal taariikheed oo la isku halayn karo! 🏛️✨
.