11/08/2023
Xubin ka Tirsanaa Al-Shabaab oo Xogo Muhiim ah Bixiyay
Jigjiga,(GEESKa24) -Xubin ka mid ahaa arga'gixisada Al-Shabaab oo dhawaan gacanta u galay laamaha amniga, isagoo falal argagixisanimo gacanta kula jira ayaa Hay'adda Sirdoonka Dowladda Deegaanka Soomaalida (DDS) ka hor qirtay, xogo muhiim u ahna siiyay.
Dhalinyarada da'doodu yar tahay ayaa looga faa'iideystaa in fikirkii la rabo lagu shubto,sidii la rabana loo isticmaalo markii la doono,halkaasna nafahooda lagu haligo.
Waalidiintooduna inta badan k**a warqabaan dadka ay la kulmayaan ama la xidhiidhayaan ubadkoodu.
Sanad iyo wax la jira ayaa ka soo wareegatay duulaankii Al-Shabaab ay ku soo qaaday DDS,iyadoo markaas cadaadis soo saartay soo galista deegaanka Soomaalida;haseyeeshee, waxaa si adag uga hortagay laamaha amniga dowladda oo taageero buuxda ka helaya dadka Deegaanka Soomaalida ku nool.
Geeska Wiyisha