25/10/2022
DULMIGA SOOMALIDA KU GAARKA AH.
Itoobiya xarruumaha Federalka ee garoomada iyo jibriyada deegan kasta dad kasoo jeeda ayaa maamulka iyo amnigiisa gacanta ku haya.
Xarrumaha Booliska Federalku ilaaliyan waxaa la geeya isla Boolis Deeganada kasoo jeeda.Maamulka garoomada diyaaradaha Deeganada waawayn dad kasoo jeeda ayaa la geeya oo maamula.
Deeganada tirada yar ee Canfartu kamid tahay isbadalka keddib ayay xuquuqahooda raadsadeen.Waxay diiddeen inay boosaska shaqo ciddaan iyaga ahayn buuxiso.Ugu dambayn waxaa loo ogolaaday inay meelo badan buuxiyan.
Meelaha kale maamulka cidiba kuma wada hadasho.Deegano Oromadu kamid tahay oo dhanka shaqaallaha laga haystay isbadalka keddib way is xorreeyen.Maamul iyo shacab ayaa iska kaashada baadi-goobkan xuuqaqahan.
Soomalida iyo Deegano kooban oo ay qabiiladena qaar ka baddan yihiin sidda Benishangul unbaa wali maamul iyo ilaalo amniba aan gacanta ku haynin.
Dooddaha buurralaydu aliftay ee ay Soomaliduna u xoojiso waxaa kamid; Soomalidu xarruumaha Federalka ma buuxin karaan.Ogsoonow Boolis Federaal baddan oo Soomali ah ayaa jira.Maxaa u diiday inay amniga garoonka masuul ka noqdaan?
Maamulka garoonku ciiddan uma baahnee maxaa diidday in xukuumadda DDS ku cadaadiso sidii Soomali looga qayb galin lahaa.
Geerida Juweriya iyo dhacdadii maanta hadaysan xukuumaddu si degdega uga jawaabin oo aan guud ahaan la hurgufin xarruuntan,bulshadu waa inay jawaab ka bixisaa oo aysan dhawran.
Dhacdadan haddii siddaas lagaga gudbo,waxaa xiggi doona bahdil ka ballaadhan kii hore.Haddiise laga dhiidhiyo,waxaa iman karta inay furmaan albaabo baddan oo dadkeena ka xidhnaa.
W-Q: Macalinka Soomaliyed(Ms)