Hiddo Media

Hiddo Media Kala soco warar dag-dag ah

Allaha unaxariistee shekhii waynaa ee shekh cabdinasir tafaiir ayaa ku geeriyooday magaalada jigjjiga fiidnimadii xalay ...
18/04/2026

Allaha unaxariistee shekhii waynaa ee shekh cabdinasir tafaiir ayaa ku geeriyooday magaalada jigjjiga fiidnimadii xalay waxii ka danbeyey salaadii cishaaga

Shekh Abdinasir ayaa waqtigiisa oo dhan galiyey faafinta diinta islamka. انالله واناالله راجعون

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ‎إن لله ما أخذ ، وله ما أعطى ، وكل شيء عنده بأجل مسمىEebe ha u naxariisto Mux...
15/02/2026

إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ
‎إن لله ما أخذ ، وله ما أعطى ، وكل شيء عنده بأجل مسمى

Eebe ha u naxariisto Muxubo Ali Dhaaweed
Oo saaka xaqii uyimid, dhamaan ubadkii,ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiq ah ha ka siiyo.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu qabriga uga dhigo beer beeraha janada ka mid ah.

Waxaan murugada la qaybsanayaa dhamaan Ree Ali Dhaaweed iyo Caruurtii ay marxuumadu ka baxday gaar ahaan wllkey Mahad Ali.
INNAALILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Bangiga Shabeelle oo Wajahaya Halis Fashil – Digniin Culus oo Loo Dirayo Ganacsatada NairobiBangiga Shabelle Bank, oo ah...
13/02/2026

Bangiga Shabeelle oo Wajahaya Halis Fashil – Digniin Culus oo Loo Dirayo Ganacsatada Nairobi

Bangiga Shabelle Bank, oo ah bangiga kaliya ee ay Soomaalidu ku leedahay gudaha Itoobiya, wuxuu si cad u wajahaya halis fashil maaliyadeed iyo mid sharci, kadib markii uu ku guuldarraystay inuu buuxiyo shuruudda raasamaal ee uu dejiyay National Bank of Ethiopia (NBE).

Bangiga Qaranka Itoobiya wuxuu amray in dhammaan bangiyada ganacsiga ay gaarsiiyaan paid-up capital dhan 5 bilyan Birr ka hor 30 June 2026.
Bangiga Shabeelle, oo hadda haysta ku dhowaad 2 bilyan Birr, waxaa ka dhiman qiyaastii 2.74 bilyan Birr, iyadoo waqtiga harsani yahay mid aad u kooban.

Tani micnaheedu waa hal arrin oo keliya:
👉 Bangigu waa inuu labanlaabaa raasamaalkiisa muddo aad u gaaban, xilli:
• kalsoonidii suuqa bangigu hoos u sii dhacayso
• khataro sharci si cad u muuqato
• mustaqbalka bangiguna aan lagu kalsoonaan karin

Maxay Tani U Tahay Khatar Bangiyeed?

Go’aanka NBE wuxuu salka ku hayaa qorshaha furitaanka suuqa bangiyada Itoobiya, iyadoo la filayo in bangiyo caalami ah soo galaan dalka. Taasi waxay keentay:
• tartan aad u adag
• shuruudo maamul (governance) oo sare
• xisaabtan iyo isla-xisaabtan adag

Bangiga aan buuxin karin shuruuddan:
• laysankiisa waa laga qaadi doonaa, ama
• waxaa khasab ku noqon karta in lagu daro bangi kale (merger)

Labadaas midkoodna ma ilaalinayo danaha saami-leyda, mana sugayo hantida ganacsatada.

Bangiga halis noocaas ah ku jira, cilmi ahaan:
• laguma aamini karo raasamaal cusub
• lagama iibsan karo saami
• laguma dhisi karo mustaqbal ganacsi

Shirka Nairobi: Badbaadin Mise Khasaare La Sii Ogaaday?

Maanta waxaa soo baxay warar sheegaya in shir ka dhici doona Nairobi bari lagu doonayo in ganacsatada Soomaaliyeed lagu qanciyo inay saamiyo ka iibsadaan Bangiga Shabeelle.

Waa in si cad loo fahmaa arrin muhiim ah:

➡️ Qaaraan laga aruuriyo ganacsatada Nairobi ama Jabuuti ma gaarsiin karo shuruudda 5 bilyan Birr ee NBE

Taasi ma aha xal, waa khasaare loo

Garrisa Couty : Maamulka Garrisa Kenya ayaa Soodhaweeyay Wafdi kasocda DDS oo Uu Hogaaminayo Madaxwayne Xigeenka DDS Mud...
12/02/2026

Garrisa Couty : Maamulka Garrisa Kenya ayaa Soodhaweeyay Wafdi kasocda DDS oo Uu Hogaaminayo Madaxwayne Xigeenka DDS Mudane Ibrahim Cusman.

Labada Maamul ee DDS iyo Garrisa County ayaa kala Saxeexday Heshiisyo Iskaashi oo Dhinacyo kala duwan ah.

oo ilwen DDS ta nalagu wareeriyay waxaauu lasiman yahay Garisa county

Degdeg: Waxaa Xabsiga lootaxaabay Ninkii Calanka somaliland Sudhay Meel Udhow Xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa.Sawi...
12/02/2026

Degdeg: Waxaa Xabsiga lootaxaabay Ninkii Calanka somaliland Sudhay Meel Udhow Xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa.

Sawirka Calanka ayaa siwayn uga Farxiyay Dad badan oo Reer somaliland ah Ilaa Galanta ayaana la wadwaday Baraha bulshada LKN Nasiib daro Nin Ayaa si Khaldan U sudhay Meeshaas calanka , Policeka Federalka ayaana Hada Xabsiga dhigay Ninkii Falkaas Sameeyay.

BOOBKII DEEGAANKAA KU YARAADAY OO DARISKAY U GUDBEEN!Nairobi Ganacsatadeedu Way Fahansanyihiin Kaartada Xaabsadayaashan ...
12/02/2026

BOOBKII DEEGAANKAA KU YARAADAY OO DARISKAY U GUDBEEN!

Nairobi Ganacsatadeedu Way Fahansanyihiin Kaartada Xaabsadayaashan ee Caawa Garissa ayay iska dhiibeen ooy koobadii tuugsiga la tageen!

Nadiif ayay naf ka dayeen ooy Ganacsatada Garissa noo shiri leeyihiin Bangiga shabelle saamiyo haka iibsadaanee!

Dameero wadoow warkiinu wuu idinka soo h**eeyay.

16/01/2026
  | Dawladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed waxay si buuxda u taageertay  mawqifyada Midowga Afrika (AU) iyo Urur-go...
16/01/2026

| Dawladda Jamhuuriyadda Suudaanta Koonfureed waxay si buuxda u taageertay mawqifyada Midowga Afrika (AU) iyo Urur-goboleedka IGAD, ee khuseeya madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Taariikhdu ayadaa isqorta!26 January 2026
16/01/2026

Taariikhdu ayadaa isqorta!
26 January 2026

12/01/2026

GO’AAN CULUS OO TAARIIKHI AH: DIB-U-XAQIJIINTA MADAXBANNAANIDA QARANKA 🇸🇴
Go’aanka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee lagu buriyay dhammaan heshiisyadii amni iyo difaac ee lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta waa tallaabo culus oo xambaarsan fariin siyaasadeed, qaranimo iyo sharciyeed oo aad u weyn.
Marka h**e, go’aankan waxa uu muujinayaa in Dowladda Federaalka ay si cad u qaadatay mowqif ah ilaalinta midnimada, gobonnimada iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira dekadaha istaraatiijiga ah ee Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo—kuwaas oo ah halbowlayaasha dhaqaale iyo amni ee dalka.
Marka labaad, burinta heshiisyadan waxay diraysaa fariin cad oo ku socota beesha caalamka: arrimaha amniga, difaaca iyo dekadaha Soomaaliya waa kuwo ay go’aan ka gaarto oo keliya Dowladda Federaalka, mana jiri karto faragelin ama heshiisyo dhinac saddexaad ah oo wax u dhimaya qaranimada.
Sidoo kale, ansixinta Hindise-sharciyeedka Ilaalinta Madax-bannaanida iyo Midnimada Dhuleed waa tallaabo sharciyeed oo xoojinaysa dowladnimada, isla markaana xiraysa albaabkii fawdo sharciyeed ee ay maamul-hoosaadyo ama hay’ado gaar ah heshiisyo shisheeye ugu geli jireen dalka iyaga oo aan oggolaansho ka haysan Dowladda Federaalka.
Si kastaba ha ahaatee, guusha dhabta ahi waxay ku xirnaan doontaa hirgelinta iyo adkeynta sharcigan, iyo in la helo istaraatiijiyad diblomaasiyadeed oo caqli ku dhisan, si xiriirka caalamiga ah loo ilaaliyo iyada oo aan lagu tanaasulin madax-bannaanida Qaranka.
Ugu dambayn, go’aankani waa fursad dib loogu dhiso kalsoonida shacabka, looguna muujiyo in Soomaaliya ay ka gudubtay marxalad lagu ciyaaro danaha shisheeye, una gudubtay Qaran go’aan leh, sharci leh, oo masiirkiisa gacanta ku haya.



Address

Jigjiga
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hiddo Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share