10/10/2025
Fariknta Duqa Caasimadda Jigjiga.
ASC
Iyadoo laga duulayo daraasado muddo dheer socday oo lagu eegayay xaaladda gaadiidka dadweynaha ee caasimadda iyo waayo-aragnimada gudaha iyo dibedda, waxaa si cad loo xaqiijiyay in isticmaalka bajajta uu keenay dhibaatooyin muuqda oo isugu jira:
Caqabadaha Ugu Waaweyn:
1. Cidhiidhiga Waddooyinka – Tiro aad u badan oo bajaj ah ayaa sababay ciriiri joogto ah oo si xun u saameeyay taraafikada iyo dhaqaalaha magaalada.
2. Khatarta Amniga – Bajajtu waxay noqotay marin sahlan oo lagu fuliya falal amni-darro, taasoo adkaysay in si wax ku ool ah loo maareeyo sugnaanta waddooyinka iyo Aamanka caasimada.
3. Jabinta Shuruucda Gaadiidka, sida:
• Isticmaalka taariko been abuur ah ama laga soo ergistay gaadiid kale
• Wareejinta bajajta magaalo ilaa magaalo kale iyadoo aan la raacin nidaamka sharciyeed
• Isticmaalka sharci-darrada ah ee waddooyinka waaweyn, taasoo horseedday shilal iyo khataro naf iyo maalba leh
Tusaalooyin Dibadeed iyo Gudaha:
Khibradaha caalamka, gaar ahaan Hindiya iyo Taiwan, ayaa muujiyay sida ay bajajtu u keento culays xagga amniga iyo taraafikada. Sidoo kale, magaalooyinka Hawassa, Adama, iyo Bahir Dar waxay horey tallaabo sharciyeed uga qaadeen sidii bajajta looga mamnuuci lahaa waddooyinkooda waaweyn.
Tallaabooyinka Hadda Jira:
Caasimaddu waxay waddooyinka waaweyn ku shaqeysiisay:
• 9 bas oo dadweyne ah
• 32 bas oo ay leeyihiin shirkado gaar loo leeyahay
• 30 bas oo nooca “Damaska” ah
Tani waxay qayb ka tahay yoolka ah in la helo gaadiid dadweyne oo nidaamsan, badbaado leh, kana turjumaya koboca magaalada.
Qorshaha Mustaqbalka:
Muddo shan sano gudahood waxaa lagu talo jiraa in si buuxda looga guuro isticmaalka bajajta, loona wareego nidaam gaadiid waaweyn oo casri ah (Mass Transport).
Tani waxay yareyn doontaa ciriiriga, kor u qaadi doontaa amniga, waxayna fure u noqon doontaa horumar waara.
Ugu Dambayn:
Markasta oo la bilaabo shaqo cusub oo wax ka beddelaysa mustaqbalka magaalada, waxaa qaylo-dhaan ka dhasha kuwa aan maanta dhaafsiisnayn, balse aan arki karin mustaqbalka fog.
Waxaana tusaale u ah mashruuca marinnada magaalada Jigjiga, oo markii la bilaabay ay jireen cabashooyin badan, balse maanta loo arko mid muhiim ah oo wax ka beddelay muuqaalka magaalada.
W/Q: Eng: Shafi Ahmed Me'allin 🖊
Follow: MAAN SHIIL MEDIA