Huuno Media

Huuno Media Huuno Media Hoyga wararka iyo Warbixinaha Deg,Dega

Gabadhii yareed ee ku hor dimatay dunida oo dhan hortooda, dhakhaatiirtu waxay ku amreen in si tartiib ah loo dilo Gabdh...
31/03/2024

Gabadhii yareed ee ku hor dimatay dunida oo dhan hortooda, dhakhaatiirtu waxay ku amreen in si tartiib ah loo dilo Gabdha iyadoo oo aan la samaynin in cagaheeda laga gooyo, muuqaalkeeduna waxa uu xanuun badan ku reebay qof kasta oo sawirradeeda arkay oo maqlay sheekadeeda.
haddad rabtiin shekadeeda oo dameestiran comment igu reeb xagga hoose

Magacaa Najma " Muslim miyaa tahay Haa Alhamdilillah Masoo mantahay Haa Ok. "Biyahaan Qabso hadii aad Furto soonka oo aa...
20/03/2024

Magacaa Najma " Muslim miyaa tahay Haa Alhamdilillah Masoo mantahay Haa Ok. "Biyahaan Qabso hadii aad Furto soonka oo aad Biyahan Cabto waxaan Ku siinayaa waliba si Bilaash ah Mopille-kaan Iphone 15 pro Max ..

Najma ayaa ku jawaabtay Maya lagama yaabo Balse wuxuu ugu Daray oo u soo Bixiyey lacag £1000 Bound oo u dhiganta $1250 doolar wuxuu ku Yiri haye hada iska Fur oo wada Qaado lacagtaas & Iphone-ka .

Najma Maya Maya lagama Yaabo inaan Soon keyga furo .Raali noqo Ninkii oo yaaban ayaa waydiiyey najma waa Maxay sababta aad u diiday Mobile-kaan. Qaaliga ah & lacagtaan .oo aad soonka iskaga Furi waysay ..

Waxayna ku Jawaabtay. Najma Waxaan aduunyo waxaana la joogayaa maalmo kooban laakin Tan aakhro ayaa Muhiimsan . Haku Fikirin inaan soonka Furo oo aan kaaqato Alaabtaan .

Ugu Dambeyn. Ninkii ayaa Go'aan saday in Najma oo aan soonkeeda iska furin uu wada siiyo lacagtii & iphonekii qaaliga ahaa .iyo Hadiyado kale "

Najma waa Gabar Somaliyeed oo ku Nool Dalka Ingriiska .

Bandhiga Hawada sare ee Ciidanka Cirka ee Dalka.Ra’ysal Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa daah-furay qeybta hawada sare ee cii...
16/12/2023

Bandhiga Hawada sare ee Ciidanka Cirka ee Dalka.

Ra’ysal Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa daah-furay qeybta hawada sare ee ciidanka cirka Itoobiya ee aan duuliyaha lahayn

Raysal Wasaaraha Dalka ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee dalka Dr. Abiy Axmed ayaa daah-furay Qeybta Ciidanka Cirka Itoobiya ee aan duuliyaha lahayn.

Waxaana maanta qalin jabiyay Saraakiisha Farsamayaqaannada Dayactirka Diyaaradaha iyo Duuliyeyaal ay tababartay Ciidanka Cirka Itoobiya.

Xuska 88-aad ee Ciidanka Cirka Itoobiya oo si wayn loo xusayo!!

Sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa loo adeegsaday bannaanbaxayaal isugu soo baxay magaalada Ramallah ee daanta galbeed ee la...
18/10/2023

Sunta dadka ka ilmeysiisa ayaa loo adeegsaday bannaanbaxayaal isugu soo baxay magaalada Ramallah ee daanta galbeed ee la haysto.

Dibad-baxayaasha ayaa ka soo horjeeda maamulka Falastiin ee Fatax, waxaana isku dhacay ciidamada Falastiin iyo dadkii dibad-baxa dhigayay.

𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐃𝐚𝐧𝐛𝐞Eebbe wuxuu kitaabka Tawraad ku ogaysiiyay reer bani Israa’iil inay kibri doonaan laba jeer, oo ay dh...
18/10/2023

𝐁𝐚𝐥𝐥𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝𝐤𝐢𝐢 𝐃𝐚𝐧𝐛𝐞

Eebbe wuxuu kitaabka Tawraad ku ogaysiiyay reer bani Israa’iil inay kibri doonaan laba jeer, oo ay dhulka qarribi doonaan. Sida oo kale Ilaahay wuxuu u yaboohay laba balanqaad oo ku lammaan labadaas h**e. Waa in markasta oo ay kibraan, uu u soo diri doono awood burburisa kibirkooda.

وَقَضَيْنَا إِلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ فِي الْكِتَابِ لَتُفْسِدُنَّ فِي الْأَرْضِ مَرَّتَيْنِ وَلَتَعْلُنَّ عُلُوًّا كَبِيرًا (𝟰)
𝟰. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗸𝘂 𝗼𝗴𝗮𝘆𝘀𝗶𝗶𝗻𝗻𝗮𝘆 𝗿𝗲𝗲𝗿 𝗯𝗮𝗻𝗶 𝗜𝘀𝗿𝗮𝗮'𝗶𝗶𝗹 𝗸𝗶𝘁𝗮𝗮𝗯𝗸𝗮, "𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗱 𝗾𝗮𝗿𝗿𝗶𝗯𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮𝗮𝗻 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗹𝗮𝗯𝗮 𝗷𝗲𝗲𝗿, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮𝗱 𝗸𝗶𝗯𝗿𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝘁𝗮𝗮𝗻 𝗸𝗶𝗯𝗶𝗿 𝘄𝗲𝘆𝗻.''

In kasta oo taariikho badan lagu soo arooriyo xilliga ay dhacday qarribaadii iyo kibirkii koowaad, ee ay reer banu Israa'iil dhulka ka gaysteen; iyo weliba cidda ay ahayd awooddii uu Eebbe u soo diray inay kibirjebiso, haddana waxa la isku waafaqsan yahay inuu kibirkaasi dhacay soo degistii Quraanka kahor.

فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ أُولَاهُمَا بَعَثْنَا عَلَيْكُمْ عِبَادًا لَّنَا أُولِي بَأْسٍ شَدِيدٍ فَجَاسُوا خِلَالَ الدِّيَارِ ۚ وَكَانَ وَعْدًا مَّفْعُولًا (𝟱)
𝟱. 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗱𝗼 𝗯𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝗾𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗵𝗼𝗿𝗲, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗶𝗱𝗶𝗶𝗻 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗶𝗿𝗶 𝗮𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗼 𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗹𝗲𝗲𝗻𝗮𝗵𝗮𝘆, 𝗼𝗼 𝘀𝗵𝗶𝗱𝗱𝗼 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗱𝗵𝗲𝘅𝗾𝗮𝗮𝗱𝗲𝗲𝗻 𝗴𝘂𝗿𝘆𝗮𝗵𝗮, 𝘄𝗮𝗮𝗻𝗮 𝗯𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻 𝗹𝗮 𝗵𝗶𝗿𝗴𝗲𝗹𝗶𝘆𝗮𝘆.

Taariikhyahannada qaarkood waxay sheegaan inay islaweynidii koowaad dhacday markii ay Yuhuuddu dileen nebigii Shacyaa Amsiyaa. Halka qaar kalena ay ka sheegaan inay tahay kolkii ay dileen nebigii Yaxye Sakariye. Ciidanka kibirjebiyay waxa lagu sheegaa inay ahaayeen Baabiliyiin uu hoggaaminayay Bakhtunasar.

Haddii aynu sooyaalka dib ugu noqonno, inaga oo ka dhinbiil qaadanayna waxyiga. Kadib markii uu ka badbaadiyay addoonsigii Fircoon, Ilaahay wuxuu u sheegay reer bani Israa'iil inay degaan dhulka barakaysan ee Shaam. Way degeen, waqti dheer ayaanay ku negaadeen.

Sidii lagu yaqaannay, markii ay Yuhuuddu salka dhigteen dhulka barakaysan, waxay bilaabeen qas iyo qooq. Waxa ku dhaboobay ogaysiiskii koowaad, ee ahaa inay dhulka qarribi doonaan, iyo ballanqaadkii koowad ee ahaa in loo soo diri doono cid kibir jebisa. Jabkaas ku dhacay waa ka keenay inay qurbaha ku kala filqaan, kumannaan sanno.

Haddii ay markaas h**e ahaayeen isir keliya, firxadkaas dabadii waxay dhexgaleen dhammaan isirada dunida. Kadib waxay ku soo noqdeen Falasdiin sannadkii 1948, iyaga oo ah caynbacayn, habqan ah, oo ka kala yimi dhammaan dalalka caalamka.

وَقُلْنَا مِن بَعْدِهِ لِبَنِي إِسْرَائِيلَ اسْكُنُوا الْأَرْضَ فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ الْآخِرَةِ جِئْنَا بِكُمْ لَفِيفًا (𝟭𝟬𝟰)
𝟭𝟬𝟰. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗸𝘂 𝗻𝗶𝗱𝗵𝗶 –(𝗙𝗶𝗿𝗰𝗼𝗼𝗻) 𝗱𝗮𝗯𝗮𝗱𝗶𝗶 –𝗿𝗲𝗲𝗿 𝗯𝗮𝗻𝗶 𝗜𝘀𝗿𝗮𝗮'𝗶𝗶𝗹 𝗱𝗵𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗱𝗲𝗴𝗮. 𝗠𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗱𝗼 𝗯𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝗾𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗻𝗯𝗲, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗶𝗱𝗶𝗻 𝗸𝗲𝗲𝗻𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗻𝗮𝗮 𝗶𝗱𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗼𝗼 𝗰𝗮𝘆𝗻𝗯𝗮𝗰𝗮𝘆𝗻 𝗮𝗵.

Ciidan shiddo badan, oo awood leh haddii uu Ilaahay u soo diray reer bani Israa'iil markii koowaad, oo kala firdhiyay; maanta oo uu dhaboobayo ballanqaadkii danbe, waa kuwan soo rogaalceliyay, iyaga oo ugu tayo sarreeya dunida cudud dad, abaabul ciidan, cilmi aqooneed iyo cuud lacageedba.

ثُمَّ رَدَدْنَا لَكُمُ الْكَرَّةَ عَلَيْهِمْ وَأَمْدَدْنَاكُم بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَجَعَلْنَاكُمْ أَكْثَرَ نَفِيرًا (𝟲)
𝟲. 𝗞𝗮𝗱𝗶𝗯 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗶𝗱𝗶𝗶𝗻𝗸𝗮 𝘀𝗼𝗼 𝗰𝗲𝗹𝗶𝗻𝗻𝗮𝘆 𝗴𝗮𝗰𝗮𝗻𝘀𝗮𝗿𝗿𝗲𝘆𝗻𝘁𝗶𝗶, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮𝗻 𝗶𝗱𝗶𝗻𝗸𝘂 𝘅𝗼𝗼𝗷𝗶𝗻𝗻𝗮𝘆 𝗵𝗮𝗻𝘁𝗶 𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗶𝗶𝗹𝗮𝗹. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮𝗻 𝗶𝗱𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗻𝗮𝘆 𝗸𝘂𝘄𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗮𝗯𝗮𝗮𝗯𝘂𝗹 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻.

Mar kale ayuu la hadlayaa Eebbe reer bani Israa'iil markii ay dhulka qabsadeen. Wuxuu leeyahay maanta idinka ayaa dhulkii barakaysnaa gacanta ku haya, oo dadkii kale oo dhan ka awood batay. Haddaba, haddii aad awooddaa dhanka wanaagsan u adeegsataan, waa mid idiin fiican. Laakiin, haddii aad ka miistaan halkii aad ka miisi jirteen ee fasahaadka, annaguna waxaanu ka miisayna dhankii aanu idiin ballanqaadnay ee qabjebinta.

إِنْ أَحْسَنتُمْ أَحْسَنتُمْ لِأَنفُسِكُمْ ۖ وَإِنْ أَسَأْتُمْ فَلَهَا ۚ فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ الْآخِرَةِ لِيَسُوءُوا وُجُوهَكُمْ وَلِيَدْخُلُوا الْمَسْجِدَ كَمَا دَخَلُوهُ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَلِيُتَبِّرُوا مَا عَلَوْا تَتْبِيرًا (𝟳)
𝟳. 𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴 𝘀𝗮𝗺𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮𝗻, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗱 𝘂 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻𝗮𝗮𝘁𝗲𝗲𝗻 𝗻𝗮𝗳𝘁𝗶𝗶𝗻𝗻𝗮, 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝘅𝘂𝗺𝗮𝗮𝗻 𝘀𝗮𝗺𝗮𝘆𝘀𝗮𝗮𝗻𝗻𝗮, 𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗮𝘆𝗮𝘆 𝗱𝘂𝗹𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗻 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆. 𝗛𝗮𝗱𝗱𝗮𝗯𝗮, 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗮 𝘂𝘂 𝘆𝗶𝗺𝗮𝗮𝗱𝗱𝗼 𝗯𝗮𝗹𝗹𝗮𝗻𝗾𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗱𝗮𝗻𝗯𝗲 (𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗶𝗱𝗶𝗶𝗻 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗶𝗿𝗶 𝗱𝗼𝗼𝗻𝗻𝗮𝗮 𝗰𝗶𝗱) 𝘀𝗶 𝗮𝘆 𝘄𝗲𝗷𝗶𝘆𝗮𝗱𝗶𝗶𝗻𝗻𝗮 𝘂 𝗺𝘂𝗿𝘂𝗴𝗴𝗲𝗹𝗶𝘆𝗮𝗮𝗻; 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗶 𝗮𝘆 𝘂 𝗴𝗮𝗹𝗮𝗮𝗻 𝗺𝗮𝘀𝗮𝗮𝗷𝗶𝗱𝗸𝗮 𝘀𝗶𝗱𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝘂 𝗴𝗮𝗹𝗲𝗲𝗻 𝗺𝗮𝗿𝗸𝗶𝗶 𝗵𝗼𝗿𝗲; 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗶 𝗮𝘆 𝘂 𝗯𝘂𝗿𝗯𝘂𝗿𝗶𝘆𝗮𝗮𝗻 𝘄𝗶𝘅𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝗸𝗮 𝗮𝗱𝗸𝗮𝗮𝗱𝗮𝗮𝗻 𝗯𝘂𝗿𝗯𝘂𝗿𝗶𝗻.

Sidaas ayay reer bani Israa'iil, oo maanta kibir iyo islaweyni cirka marayaa, u sugayaan ciidankii Eebbe ee cagta marin lahaa. Taasna oo ay ku mutaysteen dulmiga, xumaanta iyo gardarrada ay ifka la joogaan.

Ciidankan afka dhulka u daraya qabka Yuhuudda, wuxuu Eebbe iftiimiyay inay yihiin kuwii h**e u galay masaajidka barakaysan ee al-Aqsa. Kuwaasina waxay ahaayeen muslimiintii uu hoggaaminayay Cumar binu Khaddaab.

Waa duul madax'adage, firxadkoodu haddii uu isa soo abaabulo, mar kale ayuu Eebbe ugu quusgooyay, "Annaguna waanu soo noqonaynaa."

وَإِنْ عُدتُّمْ عُدْنَا ۘ وَجَعَلْنَا جَهَنَّمَ لِلْكَافِرِينَ حَصِيرًا (𝟴)
𝟴. 𝗛𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝗮𝗮𝗱 𝘀𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗾𝗼𝘁𝗮𝗮𝗻, 𝗮𝗻𝗻𝗮𝗴𝘂𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮𝗻𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗾𝗼𝗻. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮𝗻 𝘂𝗴𝗮 𝗱𝗵𝗶𝗴𝗻𝗮𝘆 𝗷𝗮𝗵𝗮𝗻𝗻𝗮𝗺𝗮 𝗴𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗷𝗲𝗲𝗹.

Odoros iyo ballan kasta oo aadame sameeyaa waa kuwo dhantaalan, balse hillaadinta iyo wacadka Ilaahay markasta waa kuwo dhammaystiran, oo dhab ah.

إِنَّ هَٰذَا الْقُرْآنَ يَهْدِي لِلَّتِي هِيَ أَقْوَمُ وَيُبَشِّرُ الْمُؤْمِنِينَ الَّذِينَ يَعْمَلُونَ الصَّالِحَاتِ أَنَّ لَهُمْ أَجْرًا كَبِيرًا (𝟵)
𝟵. 𝗤𝘂𝗿𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮𝗻𝗶 𝘄𝘂𝘅𝘂𝘂 𝗸𝘂 𝗵𝗮𝗻𝘂𝘂𝗻𝗶𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 (𝗱𝗮𝗱𝗸𝗮) 𝘁𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝘁𝗼𝗼𝘀𝗮𝗻. 𝗪𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝘂 𝘂𝗴𝘂 𝗯𝘂𝘀𝗵𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆𝗻𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗿𝘂𝗺𝗲𝗲𝘆𝗮𝘆𝗮𝗮𝘀𝗵𝗮, 𝗰𝗮𝗺𝗮𝗹𝗸𝗮 𝘄𝗮𝗻𝗮𝗮𝗴𝘀𝗮𝗻 𝘀𝗮𝗺𝗮𝘆𝗻𝗮𝘆𝗮, 𝗶𝗻𝗮𝘆 𝗹𝗲𝗲𝘆𝗶𝗵𝗶𝗶𝗻 𝗮𝗷𝗮𝗿 𝘄𝗲𝘆𝗻.

Sidaa darteed, markii uu soo afmeeray sheekada reer bani Israa'iil iyo ogaysiiska uu h**e u siiyay, wuxuu Eebbe ku soo xidhayaa qisada, sugis uu quluubta muslimiinta ku sugayo xaqnimada Quraanka. Waa si ay u rumaystaan saadaasha guusha Ilaahay, oo aanay ugu niyadjabin calanwalaynta baaddilka, ee maalmaha kooban ah.

وَبِالْحَقِّ أَنزَلْنَاهُ وَبِالْحَقِّ نَزَلَ ۗ وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا مُبَشِّرًا وَنَذِيرًا (𝟭𝟬𝟱)
𝟭𝟬𝟱. 𝗫𝗮𝗾 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗸𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗲𝗷𝗶𝗻𝗻𝗮𝘆, 𝘅𝗮𝗾 𝗮𝘆𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗸𝘂𝘂𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗲𝗴𝗮𝘆; 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗮𝗻𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗱𝗶𝗿𝗻𝗮𝘆 𝗸𝗲𝗹𝗶𝘆𝗮 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝘁𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗯𝘂𝘀𝗵𝗮𝗮𝗿𝗲𝗲𝘆𝗲 𝗶𝘆𝗼 𝗱𝗶𝗴𝗲.

–2022

_____________________

𝑇𝑖𝑥𝑟𝑎𝑎𝑐

1. 𝑆𝑢𝑢𝑟𝑎𝑑𝑑𝑎 𝑎𝑙-𝐼𝑠𝑟𝑎𝑎, 𝑔𝑎𝑎𝑟 𝑎ℎ𝑎𝑎𝑛 𝑎𝑎𝑦𝑎𝑑𝑎ℎ𝑎 (4, 5, 6, 7, 8, 9 𝑖𝑦𝑜 104, 105)
2. 𝐷𝑢𝑟𝑢𝑢𝑠𝑡𝑎 𝑠ℎ𝑒𝑒𝑘ℎ 𝐵𝑎𝑠𝑎𝑎𝑚 𝐽𝑎𝑟𝑟𝑎𝑎𝑟.

19/09/2023

DHAANTO CUSUB || KHADAR DAACAD IYO IKRAAN JANNO || CIIDANKA MALEESHIYADA DDS || OFFICIAL VIDEO 2023

HUUNO MEDIA Hoyga wararka iyo Warbixinaha deg,dega ah Hadaad hamidoo inbadan u haraadanayd helida warar sugan iyo haqabt...
28/05/2023

HUUNO MEDIA
Hoyga wararka iyo Warbixinaha deg,dega ah

Hadaad hamidoo inbadan u haraadanayd helida warar sugan iyo haqabtir xogta teeda mudan
Hadeer hilaaca baxayiyo huunaa xog midii ugu mudnayd kaa haqabtiraysee ha moogaan
Hadba waayihii la joogiyo hadeer wixii jiraba kala soco Huuno Media

Ku soo Biir oo Ka mid Noqo Asxaabta sida tooska ah noola socota adiga oo soo follow gareenaya pagekan una sii sharegaree Asxaabtada

Address

Jijiga-Ethiopia
Jijiga
05

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Huuno Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Huuno Media:

Share